Go’aamada Dhuusamareeb Saddex yey Libinta Siisay?

Arrimaha doorashooyinka ​waxaa heshiis siyaasadeed ka gaaray madaxda saddex Maamul Goboleed, ee kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sidoo kale, waxaa heshiiska qayb ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaase shirka ka baaqday madaxda Maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Waxay dhinacyadan ku heshiiyeen 15 qodob, oo ay u arkeen inay xal u noqon karto ismarin-waagii ka taagnaa doorashada heer federal. Heshiiska kaddib, waxaa soo baxay falcelino ka kala imaanaya dhamaan qaybaha bulshada oo ay ku jiraan siyaasiyiin, madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Madaxda xisbiyada ayaa ​si taxadar leh u soo dhaweeyey heshiiska Dhuusomareeb seddax, kuna taliyey in dhinacyada ka maqan laga qayb geliyo si loo helo heshiis dhamaystiran. ​Halka ay Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ​soo saareen bayaan lagu soo koobi karo nuxurkiisa labo qodob: (1) Inaysan qayb ka ahayn heshiiska ay dhinacyadu gaareen; iyo (2) Inay diyaar u yihiin in la dhagaysto aragtidooda.

Dad badan waxaa dhabana-heys ku noqotay adeegsiga hadalada asluubaysan ee aan horey looga baran mucaaradka si ay u cabiraan aragtidooda ku abaaran go’aamaddii laga soo saaray Dhuusamareeb Saddex.

Falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa rumaysan in adeegsiga erayga “qaswade – spoiler” uu noqday daawo xumaddii (qandho) haysay siyaasiyiinta Soomaaliyeed lagaga jabiyey! Hay’adaha sharciga Soomaaliya waa kuwo tabar daran, awoodna uma laheyn joojinta erayada kicinta iyo hurinta colaada ee ka soo yeeraye qaar ka mid ah jilayaasha siyaasadda!

Inkastoo aan la ogayn in Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) wada meel marin doono qodobada ka soo baxay Dhuusamareeb Saddex, maadaama ay xildhibaanadu leeyihiin go’aan ka gaarida arrimaha doorashooyinka, misna qodobada ay dhinacyada isku afgarteen waxaa ku jira qodobo lagag fogaanayo in doorashada la musuq-maasuqo. Sida qodobka 9aad oo awood fulinta, agaasimka iyo maamulka doorashada siinayaa Guddiga Madaxabanaan ee Doorashada Qaranka (GMDQ), iyo qodobka 6aad oo dhigaya in hal maalin ay ka wada dhacdo doorashada dalka oo dhan.

Waxaa ku jira heshiiska qodobo ka horstaagan madaxda Maamul Goboleedyadda inay galaangal ku yeeshaan​ doorashada xildhibaanada, sida qodobka 7aad oo siinay GMDQ inay kuraasta ku asteesan deegaanada amni darrada ka jirto u wareejin karaan goobo ammaan ah.

Sidoo kale, waxaa ku jira qodobo si gaara u dabraya hoggaanka Puntland, kaas oo ah qodobka 8aad oo ku talinaya in kuraasta Somaliland lagu doorto doorasho dadban, taas oo ka dhigan in Sool iyo Sanaag Bari la xeer yihiin Awdal, Togdheer, iyo W/Galbeed, madaama inta badan deeganadan ay gacanta ugu jiraan maamulka Somaliland, ama ay keeni karto colaad haddii doorashada lagu qabto goobaha siyaasadoodu xasiloonayn.

Waxaa xiiso gaar ah leh, qodobka 1aad, oo dhigaya in doorashada 2020/21 noqoto mid deegaan doorasho, iyo qodobka 10aad oo ku talinaya in doorashada lagu galo hanaanka xisbiyada badan. Labadan qodob waxay doorashada u ekaysiinayaan mid qof iyo cod, balse qodobka 3aad ayaa xadidaya tirada codeen karta, kaas oo ah kursigiiba 301, ama ugu badnaan in kursi walba dooranayaan 1505 codbixiye, sida uu dhigayo qodobka 5aad.

Haddii uu Barlamaanka gudoonsado in lagu dul shaqeyo tallooyinka siyaasadeed ee ka soo baxay Dhuusamareeb Saddex, waxaa haboon in si gundheer looga doodo, wax ka bedal lagu sameeyo qodobada qaar, kuwo cusubna lagu kordhiyo.

Maadaama tirada codbixiyaasha la xadiday oo tirada guud ee u codaynaysa Aqalka Hoose tahay 82,775 codbixiye, ​waxaa haboon in codbixiyaasha la diiwaangeliyo “biometric”. Tani waxay sahlaysaa in maalin keliya dhacdo doorashada, islamarkaasna waxaa meesha ka baxaya codka oo la musuqo, waana wax sahlan, oo xitaa lagu dabaqi karo kuraasta Somaliland, si hanaanka doorashada ​u wada noqoto mid iskuwada mid ah.

Qodobka 11aad ee qeexaya hanaanka doorasho Aqalka Sare, waa in wax ka beddal lagu sameeyo, si han​aan keliya wax loogu doorto, taasoo sharciyad wanaagsan siinaysa xildhibaanada cusub, islamarkaasna hoos u dhigi karta wax isdaba-marinta.

Si looga fogaado khilaaf cusub oo dhexmara Aqallada Barlamaanka, waa inay si wadajir ah u meel mariyaan sharciyada la xariira doorashada heer federal. Islamarkaasna dhinacyada ka maqnaa Dhuusamareeb Saddex, ​waa inay u soo gudbiyaan aragtidooda wax dhisaysa gudoonka Aqallada Barlamaanka, maadaama ​ay xildhibaanadda leeyihiin go’aan ka gaarida arrimaha doorashooyinka heer federal.

Ugu danbeen, GMDQ waa inay dalbadaan kor-joogto caalamiya si kalsooni ay u helaan dhinacyada oo dhan.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply