Monday, June 5, 2023
Home Siyaasadda Mareykanka oo Markale u Digay Qaswadayaasha Soomaaliya

Mareykanka oo Markale u Digay Qaswadayaasha Soomaaliya

Shirka 3aad ee wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee ka dhacay Dhuusamareeb August 15 – 19, 2020 ayaa qabsoomay iyadoo ay madaxda maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland qaaddaceen, taas oo ka tarjumaysa faham darrada ka taagan awood qaybsiga siyaasadda federaalka Soomaaliya. Falka waxuu niyadjab ku riday bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka oo dadaal gelisay, waxuuna u muuqdaa isku day lagu carqaladeeynayay baadigoobka nidaam doorasho oo shaqeynaya.

Shirkii labaad ee Dhuusamareeb kaddib waxaa soo ifbaxay dhacdooyin dhaliyay shaki awood maroorsi sida: (b) In Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ​(BFS) si sharci darro ah kalsoonida kala noqday xukuumadii R​a’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre; iyo (t) In Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu damcay ​inuu Golaha Shacabka keliya gacanta u geliyo go’aanka kama dambeysta ah ee heshiiska Dhuusamareeb.

Inkastoo xaqiiqdaas ay jirto, haddana waxaa muuqata in Mudane Saciid Cabdullahi Dini iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe ay ka baqayeen in natiijada shirka ay khatar ku noqto saldanadooda. Hoggaamiyeyaashaas kuma talo gelin in gogosha looga doodi doono aragtiyo aad u kala fogaa, sida laga fahmi karo warmurtiyeedka shirka.

Si kastaba ha ahaate jawiga shirka waxaa ka muuqatay dhawr arrimood sida: (1) In Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ka tanaasulay hannaankii doorashada qof iyo cod oo dadweynaha awoodda dib loogu celin lahaa, si looga gudbo siyaasadda murugsan; (2) In xukuumadda ay ka fogaatay damacii lagu tuhunsanaa oo ahaa muddo kororsi, inkastoo aan Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan ka dib la arag xukuumad iska wareejisa awoodda marka uu dhammaado muddada xilheynteeda; iyo (3) In Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) looga dambeynayo go’aanka maamulka iyo maareynta codbixinta “Electoral Constituency Caucus,” si looga fogaado musuq iyo hanjabaad cabsi gelin.

Shirku ma xamaasad yarayn, balse haddii dib loo eego dhacdyoodinka ku xeernaa arrimaha doorashooyinka waxaa muuqata in ahmiyadda kulunkii kowaad ee July 9, 2020 uu ahaa sidii madaxda maamul-goboleedyada saf wadajir ah kula gorgortami lahaayeen dowladda dhexe, iyagoo dhowranaya danahooda.

Dhanka kale, madaxtooyada waxay diiddanayd wadahadal in ay furto ilaa iyo inta ay cadaadinteedu jilbaha dhulka u dhigayso madaxda maamul-goboleedyada ka soo horjeeday. Duruufahaas ayaa shirkii 2aad ee Dhuusamareeb ka dhigay mid ay iskaga soo horjeestaan: (b) Madaxda shanta Maamul-goboleed; iyo (t) Dowladda (Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha).

Halkaas waxaa ka dhashay xulufo “wacad” iyo wax loo yaqaan “xeer gorgortan” oo laba dhinac oo iska soo horjeedda ay miiska wada fariisanayaan. Nasiibdarro, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe waxay meel uga dhaceen hushmaddii gogosha Galmudug iyagoo islamarkaasna jibiyey xeerkii gorgortanka kuna wacadfuray isxulufeysigii hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada.

Mar xeero iyo fandhaal ay kala dheceen ayay Deni iyo Madoobe ku baaqeen in la dhagaysto ayagoo gargelyo doon ah, mana garwaaqsan in ficillalooda ay halis gelinayeen dib u soo kabashada nidaamka siyaasadeed ee dalka.

Mareykanka oo dadaal dheeri ah gelisay iskusoo-dhawaashaha dhinacyada ayaa caro ka muujiyay kuwii ka maqnaa madaxshii saddexaad ee Dhuusamareeb. Qoraal la soo dhigay barta bulshada ee Safaaradda Mareykanka ayaa nuxurkiisa laga fahmayaa in Qaswadayaasha diidan yihiin ka qaybgalka shirka [seddaxaad ee Dhuusamareeb] iyagoo himilooyinkooda [danahooda] gaarka ah u waxyeelaynaya dimoqraadiyadda.

Siddeed sanadood ka hore Xoghayahe Arrimaha Dibedda Mareykanka Marwo Hillary Clinton oo ka hadlaysay shirweynihii Soomaaliya ee London ayaa tiri, “Mawqifka Mareykanka waa mid toos ah [cad]: Isku dayga lagu carqaladeynaayo horumarka lana joogteenayo heerka jaban ee hadda jira looma dulqaadan doono” (Reuters 23/02/2012).

Lama dafiri karo in shaqsiyaad galaangal ku leh labada dhinac ee siyaasadda ay horistaagan yihiin hannaanka geedisocodka siyaasadda dalka, xilli si xun loogu baahan yahay in “danaha gaarka ah” meel layska dhigo si dalku u helo xasillooni siyaasadeed.

Dhinaca kale, dhaleeceenta heshiiska ma yara, waxaase ugu daran kuwa ku doodayo in heshiisku uu u muuqaal eg yahay doorashada qof iyo cod ah, haddana uusan dammaanad qaadeyn in “Electoral Constituency Caucus” uusan dib u dhac ku ridi doonin hawlaha doorashooyinka iyo xilhaynta maamulka talada haya.

Walow shaki badan laga qabo heshiiska saddexaad ee Dhuusamareeb, haddana khubarada siyaasadda waxay rumeysan yihiin inay ahayd fursadda keliya ee looga gudbi karay fowdo siyaasadeed iyo muddo kororsi weliba maanta oo ay Jubbaland iyo Puntland si maldahan u diiddan yihiin.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments