Sunday, May 28, 2023
Home Ciyaaraha iyo Dhaqanka Mohamed Farah oo Mar kale Jibiyay Rikoorka Oraddada Adduunka

Mohamed Farah oo Mar kale Jibiyay Rikoorka Oraddada Adduunka

Seddax iyo tobban sanadood kaddib habeenkii Jimcaha September 4, 2020 ayuu Maxamed (Mo) Farax jibiyay rikoodka adduunka ee oraddada dheer (marathon) ee uu dhigay Haile Gebrselassie July 27, 2007. 

Maxamed oo 37 jir ah ayaa wacdaaro aan la filayn ka dhiggay garoonka xilli ciyaartoyda da’diisa ah ay ka fariistaan tartanka kaddib markii ay la kulmaan caqabad iyo culees waayo.

Walow garoonka aysan jooggin taageerayaal dhiiriggelinayay caabuqa covid-19 awgiis, haddana Mo waxuu la soo baxay khibrad farsamo ku dheehan tahay taas oo u suuroggelisay inuu Bashiir Cabdi oo ka da’ yar ku reebo siigada daqiiqadihii ugu dambeyay.

Lix iyo afartan daqiiqadood kaddib Maxamed Farax iyo Bashiir Cabdi waxay muujiyeen inay ku hoggaamin doonaan baratanka tilaabooyinkii Gebre.

Brussels ka hore, Maxamed oo taariikhda Olimpikda ku qurxiyay afar billadood oo dahan ah iyo abaalmarimo caalami ah, weligii ma jibin rikoodka adduunka. Maxamed Farax waxuu ka mid noqday 12 rag ah oo lagu xardhay diiwaanka dhacdada dhifta ah ee oroddada adduunka ee halka saac socda.

Maalin ka hor tartanka, isagoo la hadlayay warbaahin ayaa yiri “Sharaf weyn ayey ii noqon laheyd inaan ku tallaabsado waddadii Haile Gebrselassie oo afar jeer ku guuleystay Olimbikada.”

Maxamed waxuu rikoodka oraddada halka saac ee adduunka ku jibiyay inuu rooray 45 mitir oo dheeri ah. Halka Bashiir oo hoggaanka qabtay iyadoo ay 5 daqiiqadood ka harsan tahay tartanka ay guusha ku seegtay 8 mitir oo uu yoolkii dib uga dhacay.

Wixii ka dambeyay Rio Olimpik (August 2017) Maxamed waxuu ka fariistay oraddada 10 kun mitir asagoo bilaabay inuu isku diyaariyo oraddada dheer ee marathonka. Balse, sanadka soo socda waxaa la filayaa inuu ka qaybgeli doono tartanka 10 kun mitir ee Tokyo Olimpik.

Sidoo kale waxaa Brussels rikoorka oroddada hablaha ku jibisay Sifan Xasan oo u dhalatay Itoobbiya balse ku tartameysay magaca ciyaartoyda Neitherland (Holland). Labo iyo tobban sanadood ka hore ayaa rikoodkaas ay dhigtay Dire Tune (2008) oo u dhalatay Itoobbiya.

Ciyaartoyda Geeska Afrika ayaa tartamada oraddada adduunka looga dambeyaa. Garoorka Brussels waxaa safka ku soo biiray Maxamed Faraax iyo Bashiir Cabdi taas oo xaqiijineysa in Soomaalidu aysan u liidan gobolka, balse la’eed fursadoo ay ku soo dhalaasho.

Burhan H. Roble iyo Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

A Timely Analysis: The Foreign Policy Trends of Muslim-Majority States

Emir Hadzikadunic & Lane Gibson After over a year of war in Ukraine, some 50 Muslim-majority states from...

Recent Comments