Kaftanka Siyaasadda – Doorbin Hotel oo u Tillaabay Baydhabo

Xaflad lagu soo dhoweynayey madaxda Jubbaland iyo Puntland, ayaa lagu qabtay Hotelka Doorbin ee magaalada Muqdisho, taas oo uu qaban-qaabiyey Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed. Xafladdaas waxay baac dheeriyay kulammadii caasimadda caanka ku ahayd iyadoo ay kulmisay shaqsiyaad iskugu dhafan mucaarad iyo muxaafid oo in muddo ah ka muuqday masraxa siyaasdda dalka.

Marka laga soo tago kaftanka siyaasadaysan ee ay isku ridayeen siyaasiyiinta goobta ka hadashay, waxaa dad badan la yaab ku noqotay sida Mudane Cali Mahdi ugu biiray xerta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo la aaminsan yahay inuu yahay maskaxda ka dambaysa kulammada qorshaysan ee Madax-goboleedyada Saciid Cabdullahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe kula qaadanayaan gudaha magaalada mucaardka Villa Somaliya.

Inkastoo, furitaanka xafladda Mudane Cali Mahdi ka dalbaday ka qayb-galayaasha in hadal faduul amase fidno aan laga tabin codbaahiyaha, misna taas ma aysan dhicin. Mudane Cabdullahi Maxamed Cali Sanbalooshe oo sugayey fursad uu ku tabiyo waxa maankiisa ka guuxayay ayaa hadallo duurxul ah goobta ka jeediyay.

Waxaa ka daba qaatay Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Cabdi-dhegdheer oo xafladda ka dhigtay goob madaddaalo, kaddib markii uu sheegay in Sanbalooshe uu barxay hadalkiisii, islamarkaasna shaki geliay in Mudane Cabdiraxman Cabdishakuur uu heli doono sagaalkii cod ee doorashadii madaxweyne. Waxaa la arkayey ka soo qayb-galayaasha iyo martidaba oo wada qoslayay, halka qaar kalena ay sacbinayeen.

Waxaa xaqiiqo ah, in xoriyadda hadalka oo aan ka gudbayn xeendaabka sharciga iyo xushmada ay tahay salka xuquuqaha kale ee aadanaha. Taas waxay bulshada u oggolaanaysaa isbeddal iyo horumar inay sameeyaan, islamarkaana waxay siinaysa fursad lagu dhagaysto dulmanaha amase dood qabaha.

Dhanka kale, qofka oo si xor ah oo aan cabsi lahayn u hadlo waxay suurtaggelinaysaa dhagaystaha inuu qiimeeyo shaqsiyada qofka hadlay, gaar ahaan siyaasiyiinta. Taasi waa tan seegtay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo damcay dadka inuu afka ka wada xiro.

Hadalladii saamaynta abuuray ee uu Mudane Sanbaloosha waxaa ugu muhiimsanaa: (b) Cabsi uu ka qabo in kulammada Deni ka wado Muqdisho ay abuuraan fidno horseedda colaad sokeeye!; (t) In awooddii dalka ay ku ururtay gacanta Madaxweyne Farmaajo; iyo (j) In ku dul wareega siyaasadda doorashada ay abuurayso fursad muddo kororsi uu ku helo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Isagoo qodobkan faahfaahinayay ayuu muujiyay in waqtiga doorshada oo la jaangooyo (xaddido) ay ka muhiimsan tahay in lagu heshiiyo nooca doorshada. Warkiisa waxaa ka mid ahaa inuu fartiin u diray Madaxweyne Farmaajo asagoo leh ha loo sheego inuu ka soo xusho deegaanka Hiiraan ra’iisulwasaaraha cusub.

Kaftankii siyaasadda ee ka bilowday Hotel Doorbin waxuu u tallaabay magaalada Baydhabo. Kulan wadatashi ee u dhaxeeyey Madax-goboleedyada Cabdicaziz Xasan Maxamed Laftagareen, Axmed Cabdi Khayre Qoor Qoor iyo Maxamed Cabdi Waare, ayaa qodob qodob looga jawaabay hadaladdii laga jeediyay xafaladda lagu maamuusayay imaanshaha Muqdisho ee Deni iyo Madoobe.

Kaftankii ugu saamaynta badnaa kulanka Baydhabo, waxaa jeediyay Mudane Waare, oo isbar-bardhig ku sameeyey Boqor Atlas iyo Mudane Deni! Waxuu sheegay in Boqor Atlas aaminsanaa in mushkiladaha aduunka ka jiraa xalkooda uu isaga uun masuul ka yahay. Halka Mudane Deni uu aaminsan yahay in muskiladda Soomaaliya xalkeeda isaga keliya laga sugaayo!

Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa dhex wareegaya hadallada kaftanka. Balse qaban qaabiyayaasha waxaa seegtay inay xafladda ka dhigaan goob kulmiso xoogagga siyaasadda Soomaaliyeed iyadoo weliba aan laga tegeyn siyaasiyiinta xilalka dalka haya.

Waxaan shaki ku jirin haddii dhaqanka cusub ee Doorbin la joogteeyo inuu dhalan karo kacdoon siyaasiyiinteena ka dhiga kuwo ku dhaqma bisayl iyo asluub.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply