Monday, June 5, 2023
Home Caafimaad & Nolol Siyaasadeynta Tallaalka Covid-19 Caqabad Ma Ku Noqon Doontaa Ka Soo Kabashada Caabuqa

Siyaasadeynta Tallaalka Covid-19 Caqabad Ma Ku Noqon Doontaa Ka Soo Kabashada Caabuqa

Toddobaad ka hor rajo weyn ayaa laga qabay in hannaanka tijaabinta horumarsan ee tallaallada Covid-19 si dhakhso leh natiijo wax ku ool ah u dhali doono. Balse Arbacadii September 9, 2020 rajadii wey banjartay kaddib markii shirkadda AstraZeneca ee British-Swedish-ka ah oo ka mid ah 9 shirkadood oo ku tartamayay tallaalka Covid-19 ay si kedis ah u hakisay tijaabadii loo han weynaa. 

AstraZeneca oo hawsheedu marayeen marxaladda saddexaad ayaa sheegtay in qof ka mid ah ka qaybgalayaasha tijaabada oo ay gacanta ku hayso Jamacadda Oxford lagu arkay astaamo caafimaad-darro oo dhif ah lana xiriirta dareemayaasha (neurological). In ka badan 28 malyan ayuu caabuqa ku aafeeyay dunida iyadoo ay u geeriyoodeen tiro gaareysa ku dhawaad malyan qof.

Maalmo kaddib markii dunida ay u aqoonsatay Covid-19 inuu yahay caabuq safmareen ah ayaa hay’addo caalami ah oo ay ka mid tahay WHO la yimideen tab looga hortagi karo in inta awoodda leh amase hantida badan aysan boobin daawada iyo tallaalka rajada laga qabo. 

Dadaalkaas waxaa ka dhashay nidaamka COVAX “COVID-19 Global Access” oo hubin doonta in dalka kasta oo ka tirsan inuu si caddaalad iyo sinnaan ah u helo tallaalka caabuqa. Ilaa hadda COVAX waxaa ku bahoobay 172 wadan, balse waxaa diiday dalalka Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha.

Khabaarka AstraZeneca waxuu soo dedejiyay in sagaal shirkadoo oo ay ka mid yihiin Moderna, Pfizer, Johnson & Johnson, GlaxoSmithKline, Merck, Novavax, BioNTech iyo Sanofi ay ballan qaadeen in aysan u soo bandhigi doonin natiijada baariistooda hay’adda FDA ee Mareykanka u qaabbilsan ansixinta daawooyinka ilaa iyo laga xaqiijiyo khatarta caafimaad ee tijaabooyin waa weyn. 

Lama hayo ilaa maanta tallaal la og-yahay inuu waxtar u leeyahay ka hortaga covid-19. Haseyeeshee, waddamada hodonka ah qaarkood (UK, Canada, Australia iyo Midowga Yurub) ayaa billaabay inay ku tartamaan carbuunashada tiro tallaallo ah, iyagoo heshiisyo la sii saxixday shirkadaha daawooyinka oo AstraZeneca ka mid tahay, inta aan laysku raacin tijaabada cilmi baaristooda. 

Walow aafada Covid-19 aysan ahayn dhibaato qaran amase qaaraad gaar u ah, haddana waxaa muuqata in dhaqdhaqaaqii hore ee dagaalkii qaboobaa uu saameyn ku yeelan doono sida loo wadaagayo wixii la helo.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in tallaakoodu uu maray dhammaan tijaabooyinka lagama maarmaanka ahaa. Taas waxay keentay in looga dabbaaldegay dalalka India iyo Latin America, inkastoo xogta cilmi baarista oo laga hayo ku filneyn in hay’adaha FDA iyo tan Yurub (European Medicines Agency) u qaabbilsan ansaxinta daawooyinka.

Saraakiisha caafimaad ee Mareykanka ayaa rumeysan in tallaalku diyaar uu noqon karo dhammaadka sanadka soo socda, balse Madaxweyne Trump ayaa rumeysan inayba dhici karto in tallaalka la heli karo bisha Oktoobar, (Time 09/09/2020).

Shaki waxaan ku jirin, in loollanka adag iyo faraggelinta siyaasaddu ay carqaladeyn doonto dagaalka lagula jiro aafada coronavirus. Haddaba haddii awoodaha ku dul-loollamaya caabuqa covid-19 aysan helin isku duubnaanshaha bulshada caalamka, waxaaba muran ku jira sida looga badbaadi doono aafada safmareenka ah.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments