Lix sanadood kaddib markii dalka laga hirgeliyay barnaamij lagu mideynayo imtixaanka dugsiyada sare ayaa weli natiijadiisa dood ku gedaaman tahay. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka ayaa malintii Axadda ee Sebtember 6dii shaaca ka qaaday natiijada imtixaanka sanad dugsiyeedka 2019/2020, taasoo waalidiinta Soomaaliyeed qaarkood walbahaar gelisay.
Imtixaannada sanad dugsiyeedka la qaaday waxay khuseeyaan gobollada koofureed. Doodda natiijada ka taagan waxay diiradda saaraysaa Gobolka Banaadir oo noqday gobolka ugu tirada badan aradada aan gudbin imtixaanka. Ardada Banaadir ee imtixaanka u fariisatay waa 25,000, inta ku dhacdayna waa 7,873 arday (31%).
Haseyeeshee, dood kama taagna in dalku sanadihii la soo dhaafay uu ku jiray duruufo dabrayay waxbarashada sida: (b) Maqnaasha waxbarasho dowladda si toos ah u maamusho; (t) Maqnaashaha siyaasad iyo qaabdhismeed sharciyeynta dugsiyada gaarka ah; (j) Maqnaasha tababbar joogta ah ee macallimiinta iyo maamulayaalka dugsiyada; (x) Manhaj midaysan la’aanta wax barista; (kh) Amni la’aanta macallimiinta, ardayda iyo waaliddiintaba; (d) Fasallo ciriiri ah iyo kuwo burbursan oo aan u qalmi rug waxbarasho; (r) Buugaagta wax laga barto oo aan ku fillayn ardada; iyo (r) Afafka wax lagu barto oo aan midaysneen.
Wixii ka horeyay 2015kii, Wasaaradda Waxbarashada hawlaheedu waxay ku koobnaayeen: (1) Diiwaan gelinta ruqsadaha dugsiyada, gaar ahaan jaamacadaha; (2) Bixinta shahaadooyin aysan imtixaankooda qaadin amase korjooge ka ahayn; iyo (3) Maaraynta deeqaha waxbarashada.
Duruufahaas waxay sahleen in waxbarashada qaranka ay gacanta ugu gasho hay’ado aan dowli ahayn, maamul-dugsiyeedo qaarkood ribix doon ah iyo dallado saboool ah oo haddana isdiiddan.
Walow aan la dafiri karin wax qabadkoodii xilli aysan jirin nidaam dowladeed iyo nabadgeliyo toona, haddana waxay caqabad ku noqdeen mideynta imtixaanka, horumarinta manhaj waxbarasho guud iyo in dugsiyadu lagu sameeyo kormeer joogta ah.
Si kastaba ha ahaate, lix sanadood ka dib imtixaanka sanad dugsiyeedka 2019/2020 waxaa lagu qaaday 114 xarumood oo ku kala yaal 5 gobol (Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed). Intaas waxaa dheer in imtixaanka ay u fariisteen tiro dhan 33,727 arday oo 21,007 (62%) ka mid ah ay ahaayeen wiilal, halka 12,720 (38%) keliyana ay ahaayeen gabdho.
Walow imtixaanka ay gudbeen 74.65% oo la mid ah 25,177 arday, haddana wax ka badan 95% dugsiyada sare ee gobollada koofureed waa kuwa ay maamulaan hay’ado aan dowli ahayn. Halka gobolka banaadir ay ku dhaw yihiin 99%.
Su’aaluhu ma yare, balse aannu isweydiinee qayladhaanta dadweynaha ee waxbarashada ma tahay mid manaafacaad u leh horumarka dalku hiigsanayo?
Doodi kama taagna in ka qaybgalka dadweynaha jangoynta iyo jahaynta siyaasadda waxbarashada ay tahay mid waxtar leh, balse waxaa saluug ka jiraa far ku godidda imtixaanka Wasaaradda Waxbarasha ee aan sida tooska ah lugta ugu lahayn wax barista arday.
Ilaa 2017 barayaasha dugsiyada sare ee Soomaaliya oo u qalma waxbarista waxay ahaayeen 34% keliya. Taaso micneheedu waxuu yahay in barayaasha saddex dalool labo aysan u qalmin wax barista dugsiyada sare, Wasaaradda Waxbarashadana aysan lahayn awood ay ku cabbirto tayada waxqabadkooda.
Sideedaba imtixaan waa hab lagu qiyaasayo heerka waxbarashada ardayga, tayada macallinka iyo habboonaanta manhajka si loo oggaado halka cilladda waxbarashada ay ka jirto.
Waxaa marqaati ma doonta ah in masuuliinta waxbarashada dalka oo uu hormuudka u yahay Wasiir Cabdullahi Goodax Barre ay ku dadaalaan inay ka hortagaan qishka, walow khiyaamada nidaamyada waxbarashada ay dhaqan ka noqotay dalalka deriska, gaar ahaan Kenya (The Conversation 5/07/2018).
Guud ahaan, sanadkaan imtixaanka dugsiga sare waxuu soo bandhigay in derejada ardaydu u badan tahay mustawo meel dhexe ah isku celcelis ahaan. Taas waxay ka dhigan tahay in tayada nidaamka warbarashada dalka u baahan yahay in dib loo eego, si loo helo siyaabo ka duwan sida hadda ardayda wax loo baro.
Haddaba aanu isweydiinee sideebaa loo hormarin karaa tayada waxbarashada aasaasiga ah (dugsiyada hoose, dhexe iyo sare), waaliddiintana ay ugu lug yeelan karaan waxbarashada carruurtooda?
Inkastoo lixdii sanadood ee la soo dhaafay horumar weyn laga gaadhay midaynta imtixaannada 5 maamul-goboleed, haddana waxaa loo baahan yahay in diiradda waxbarashada dalka la saaro ka sokow sidii carruur badan loo siin lahaa fursad ay dugsiyada ku aadaan, balse sidoo kale lagu daro in dugsiyada lala xisaabtamo amase la tartansiiyo, si maamulayaalkooda iyo waaliddiintaba ay si joogta ah uga wada shaqeeyaan tayeynta waxbarashada degaankooda. Waaliddiinta waxay xaq u leeyihiin xilna ka saran yahay inay ubadkooda u xulaan dugsi tayo leh oo u xaqiijin karo ubadka mustaqbil waxbarasho wanaagsan.
Warka uu qoray wargeyska Kenya ee laysla dhaxmarayo haddii uu dhab yahay wuxuu meel ka dhac ku yahay ardayda iyo barayaasha badidooda. Wasiir Goodax waxaa looga fadhiyaa inuu faahfaahin ka bixiyaa amase cambaareyaa fidnadaas (The East African 09/09/2020).
Doodda imtixaannada 2019/2020 ay dhaliyeen waxay khusaysaa keliya ardada magaalooyinka, balse waxaa xusuus mudan in la ogaado in dadweynaha ku dhaqan miyiga (Xooladhaqato iyo beeraaley) xaaladdooda waxbarasho ay aad u liidato. Tusaale ahaan bulshada Soomaaliyeed ee xooladhaqatada ah waxaa waxbarasha hela 12% oo keliya, halka magaalooyinka tirada dadka wax qori kara oo akhrin kara ay ku dhawaad yihiin 65%.
Soomaaliya weligeed ma arag arday ka tira badan inta ka diiwaangashan maanta dugsiyada dalka, walow aysan fari ka qodneen bartilmaameedka dalka. Balse kaabayaasha waxbarashada, agabyada wax lagu barto ee la heli karo iyo tirada macallimiin si wanaagsan loo tababbaray sinnaba ulama jaan qaadi karaan baahida dalka ka jirta.
Cabdulqaadir Cariif Qaasim iyo Axmed Qaasim Cali
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.