Thursday, June 1, 2023
Home Ciyaaraha iyo Dhaqanka Ramla Cali - Xiddigta Burburisay Caqabadaha Feerka Gabdhaha Soomaaliyeed

Ramla Cali – Xiddigta Burburisay Caqabadaha Feerka Gabdhaha Soomaaliyeed

Ramla Saciid Cali waxay noqotay gabadhii ugu horreysay oo Muslim ah oo ku guuleysata horyaalnimada feedhka qaranka Britain. Sanadkii 2016kii markii ay ku guuleysatay koobabkii Ingiriiska iyo kuwii Britishka (Elite National Championships, the English Title Series and the Great British Elite Championships), ayay bilawday inay ku tartanto magaca Soomaalida. 

Inkastoo aan hore looga aqoon Soomaaliya dhaqanka gabdh feeryahan ah, haddana Ramla waxay rajaynaysaa inay feerka ku noqoto xirfadle halkii ay ka sugi lahayd ciyaaraha adduunka ee Olimbikada  oo laga yaabo inaysan qabsoomin. Dhawaan waxay heshiis feedh xayaysiis badan leh la gashay “Eddie Hearn’s Matchroom Boxing” oo ah hormuudka hormarinta feerka adduunka.

Kulankeedi ugu horreeyay ee feedh xirfadle ah ayaa la filayaa inuu dhici doono bisha Octobar. Shirkadda Eddie Hearn waxay ku amaanan tahay inay tababbartay dhowr hablood oo caan ku ah horyaallada adduunka waxayna Ramla u muuqataa mid rajo weyn leh. 

Ramla waxay ku guulaysatay suunka feertanka gabdhaha Ingiriiska ka sokow, ciyaaraha dumarka Yurub, waxay noqotay xiddigta Nike Athlete laguna soo qoray majallada British Vogue ee September 2019. Walow reerkeedu aysan war u hayn, Ramla waxay tababbarka feerka dhallinyarada bilawday iyadoo jirta 13. Maanta oo ay jirto kow iyo soddon reerna leedahay ayay weli waxay hiigsanaysaa inay ku guulaysato tartanka Olimbikada 2020. 

Ramla waa horyaalka “African Zone V” ee culeyska fudud, waana feedhyahankii ugu horreyey taariikhda (lab ama dheddig) ee isagoo matala Soomaaliya uu ku guuleysto billad calami ah oo dahab ah. 

Sanadkii 2019 waxay ka qaybgashay feedhkii “All Africa Games,” kaddibna waxay ka qaybgashay “The African Confederation Boxing Championships.” Ramla Cali ayaa guul ka gaartay qaybtii isreereebka feerka Olimbikada Afrika ee lagu qabtay Dakar (Senegal) kaddib markii si sahlan ay uga raysay Beatrice Akoth oo ka socotay Kenya.

Balse, Ramla oo leh gacmo dheereeya (fast fist) ayaa nasiib darro kala kulantay Khouloud Xilmi oo ka socoto Tunis oo u tabar sheegatay. Ramla ma awoodin inay Paris u safarto si ay uga dabaaqdo guuldarrada. Iyada ayaa iskaa wax-u-qabso iskaga bixisa kharashyadeeda mana jiro wax taageero ah oo uga yimaada Soomaaliya ama hay’adda Olambikada adduunka. 

Waxaa lagu qaban doonaa tartan isreebreeb ah shanta qaaradood ee adduunka oo loo baratamayo 286 boos iyadoo rajadu tahay in laga qaybgalo Olimbikada. Magaalada Dakar waxaa lagu tartamayay 33 boos, halka inta hartay lala wadaagi doono magaalooyinka Amman, London, Buenos Aires and Paris.

Xiriirka Feedhka Soomaaliya waxaa la aasaasay 1959kii, waxaase la bannaday 1976kii xilligaas oo uu dalka qaatay nidaamka hantiwadaagga. Dalka Soomaaliya waxaa Olimbikadii Rio 2016, uga qaybgalay labo ciyaartoy.

Ramla Cali waxay mudan tahay ammaan iyo sharfin, ma aha keliya inay burburisay caqabada horyiillay gabdhaha oo manta ay tahay xiddig iftiimaya, magac iyo muuna leh oo la majeerto balse waxay sharaf dheeri ah usoo jiidday laba dal: midka ay ku nooshahay  (UK) iyo midka ay u dhalatay ee Soomaaliya.

Burhan H Rooble iyo Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments