Monday, June 5, 2023
Home Siyaasadda Lama Filanka Kadiska ah ee Cawaaqibka Ku Yeelan Karo Doorashada

Lama Filanka Kadiska ah ee Cawaaqibka Ku Yeelan Karo Doorashada

Badda siyaasadda Soomaaliya ayaa isbeddeshay wixii ka dambeyey June 6, 2020 “Kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed (BFS),” waxaana soo baxay dhowr arrimood oo aan la filaneyn kuwaas oo saameyn toos ah amase tooxsan ku yeelan kara doorashada madaxwynaha Soomaaliya.

Lama filanka kowaad waxuu ahaa in Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi uu ku baaqay in June 25, 2020 dawladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyaduba isugu yimaaddaan wadatashi lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya darfaha si doorashada ka hor looga gudbo siyaasadda cakiran

Durbadiiba halkaas waxaa ka dhashay walaac sharciyeed oo ku aaddan maqaamka uu Mudane Axmed Maxamed Islaam-Madoobe uga qaybgeli doono wada xaajoodka. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee DFS ayaa aqoonsan diidday doorashadiisii. 

Si la yaab leh, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa uga tanaasuslay mowqifkii xukuumadda una aqoonsday muddane Axmed Maboobe inuu yahay madaxa maamul-goboleedka Jubbaland muddo labo sanadood ah, kana bilaabatay dhammaadkii xilfadhigiisii hore. 

Filanwaaga labaad waxuu ahaa shirkii looga gudbi lahaa ismariwaa u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland ee lagu qabtay Jabuuti, taas oo dadka Soomaaliyeed gelisay hididiilo, balse noqon weyday waxii la mooday. Bisayl xumada siyaasadeed ee hoggaamineyaasha labada dhinac ayaa loo eedeynayaa.

Dhacdadii saddexaad ee lama filaanka ahayd waxay ahayd in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo si hammi weyn leh ugu heellanaa doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka wada dhacdo kana qaybgalaan inta ugu badan codbixiyeyaasha, xitaa haddii ay taasi kallifayso in xilheynta hay’addaha dastuuriga la kordhiyo, ay si sahlan farahiisii ka siibatay.  

Aakhirkii, layaabka ku soo kordhay jahwareerka siyaasadeed ayaa ahaa in ku kala qaybsanaanta fikirka doorashada ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Khayre, ay ku dhammaatay in July 25, 2020 xukunka looga tuuray Ra’iisulwasaarihii ugu xilheynta dheeraa dalka “afgambi” aan waafaqsaneyn sharciga.

Qaadista ficil abuuri kara buuq sanadka doorashad waxuu weligii dhaawaci jiray fursada dib u doorashada Madaxweynaha fadhiya [Farmaajo], waxuuna daliil u yahay in doorashadu ay gashay waji cusub oo ku dhaliyay hubaal la’aan xisaabtankii siyaasadeed ee “Nabad iyo Nololo.”

Dhacdada afraad ma ahayn wax lala yaabo, balse saamaynteeda si buuxda looma saadaalin. Shirka 3aad ee wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee Dhuusamareeb ayaa qabsoomay iyadoo ay qaaddaceen madaxda maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland. Carqaladeeynta baadiggoobka nidaam doorasho oo shaqeynaya oo gaartay quus ayaa soo bandhigtay faham xumada nidaamka federaalka, taas oo dedejisay in Mareykanka qaswadayaal ugu yeero madaxdii danahooda ka hormariyay tii dalka.

Ilaa hadda, dhammaan dhacdooyinkaas filawaaga ahaa ee la yaabka isdaba joogga ah ka soo burqaday, waxay u muuqdaan xisaab xumo siyaasadeed kaddib markii ay hakin waayeen in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu heshiiskii Muqdisho sidiisii u meelmariyo, taas oo dhalisay jahwareer hor leh.  

Darreenku waxuu yahay in doorashoda dadban aysan horseed u noqon karin hirgelinta dimuqraadiyad loo simaan yahay, wax badanna aysan ka duwaneen tii 2016kii, taas oo ku caan baxday fadeexada musuqmaasuq ee ugu weynnayd taariikhda Soomaaliya. 

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments