Thursday, June 1, 2023
Home Caafimaad & Nolol Covid-19 Uma Turin Hoggaamiyeyaasha Adduunka Maanta Wuxuu Cusbital Seexiyay Trump

Covid-19 Uma Turin Hoggaamiyeyaasha Adduunka Maanta Wuxuu Cusbital Seexiyay Trump

Maalintii Jimcaha ee October 2, 2020 ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump la dhigay isbitaalka ciidamada ee Water Reed Medical Center ee Maryland. Warar laga soo xigtay Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweynaha laga helay cudurka loo yaqaan “coronavirus.” Trump ayaa sheegay inuu fiican yahay balse dhaqaatirta waxay sarbeebeen inay 48 saacadood ee socoda tahay mid muhiim u ah marka la eego daryeelkiisa.

Caabuqa Covid-19 waxaa ku aafoobay dad ku dhaw ilaa 35.2 malyan, halka ay u dhinteen dad kor u dhaafay ilaa malyan. Haddaba aanu isweydiinee, waa maxay casharrada laga qaadan karo kaddib markii caabuqa uu aafeeyay tiro intaas le’eg?

Madaxweyne Trump waxuu ka mid yahay hoggaamiyayaasha adduunka ee ku wajahay caabuqa safmareynka ah dafiraad, labalab iyo caqli xumo. Halka kuwo kale ay u qaateen aafada si dhab ah, ficil geesinimo lehna ku wacyigeliyeen muwaadiniintooda si nolosha loo dhooro.

Madaxweyne Trump wuxuu ugu horreyay ninka siyaasadeeyay caabuqan. Ku eedeeyay Shiinaha inay iyadu faafisay, u horseeday xisbigiisa inaysan qaadan weji gashi, ka baxay xubinnimada WHO ee QM isagoo ku andacoonaya inay u hiilinayaan Shiinaha, iwm.

Dhaqanka uu ku wajahay caabuqan waxay maad ka noqota adduunka kaddib markuu: (1) Ka qariyay dadweynihiisa halista caabuqan; (2) Ku andocooday inuu yahay hargab; (3) Diiday wejixirka iyo kalafogaanta in lagu dabbaqo dalkiisa; (4) Ku celceliya in dawada duumada (hydroxychloroquine) lagu daweyn karo; iwm.

Waxaa dad badani aaminsan yihiin in haddii la dabbiqi lahaa talooyinka bahda caafimaada iyo khubarada sayniska ee QM ay u dejisay la dagaallanka caabuqan in dalka Maraykanka, oo ah dalka ugu qanisan adduunka, uu intaan dhaammi lahaa.  

Cudurku waxuu ilaa hadda ku dhacay Ra’iisulwasaare Boris Johson oo diiday inuu joojiyo gacanta oo layska salaamo (gacan qaadista dadka), Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro oo caabuqa ku tilmaamay inuu yahay hargab kuna raacdeyay wasiirkiisii caafimaadka, iyo Madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenko oo shacabkiisa ku yiri, “cidna uma dhiman doonto cudurka loo yaqaan Coronvirus dalkeena.”

Sidoo kale aafada waxay gaartay Amirka Charles ee Britain (UK), Justin Trudeau (Canada), Mikhail Mishustin Ra’iisulwasaaraha Ruushka. Madaxweynayaasha Bolivia, Dominican Republic, Guatemala, Honduras, North Koreans, South Sudan, Zimbabwe, Madaxeweyne ku xigeenka Iran iyo Hindiya. Balse waxaa u dhintay Madaxweynahii Burundi Pierre Nkurunziza.

Waraka laga siiddaayay Somaaliya waxay sheegayaan in: b) Dadka cudurka uu aafeeyay ay yihiin wax ka yar 4,000 ruux, t)  dhimashaduna ay tahay 99 ruux. Dabcan, dhabta jirta way ka duwan tahay, sababtoo ah dalka ma laha awood baahsan oo lagu baaro cudurka. Dalka oo idil waxaa ilaa hadda laga baaray wax ka yar 25,000 qof keliya.

Walow Ururka Caafimaadka Adduunka WHO uu sheegay in ilaa hadda aan la hayeen dawooyin la xaqiijiyay ee ka hortegi kara amase daaweyn kara covid-19, haddana Madaxweynaha Madagascar Andry Rajoelina ayaa warsaxaafadeed ku shaaciyay in dalkiisu helay daawo dhireed lagula dagaalo Covid-19.

Rajadii weyneyd ee laga qabay in tijaabinta horumarsan ee tallaallada Covid-19 si dhakhso leh natiijo wax ku ool ah u dhali doono ayaa banjartay kaddib markii shirkadda AstraZeneca ee British-Swedish-ka ah ay si kedis ah u hakisay tijaabadii loo han weynaa.

Dunida ilaa hadda waxay isku raacsan tahay in habka dalka New Zealand uu u wajahay xakamadeenta aafadda ay mudan tahay ku dayasho. Waxaa la filayaa in New Zealand ay baabi’isay boqolkiiba konton aafadda coronavirus ee dhulkaas kaddib markii ay si adag u xireen xudduudaha caalamiga ah.

New Zealand waxay tusaale u tahay in haddii mas’uuliyad adag layska saaro daryeelka dadka lagu badbaadi karo. Maanta waxaa lama huraan ah in iskaashi caalami ah looga hortago aafada safmareenka ah.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments