Marka ay taarikhdu ahayd August 28, 2017, ayay dowladda Kenya hirgelisay sharci dalkeeda looga mamnuucay soo saarista, ka ganacsiga, iyo adeegsiga bacaha balaastigga ah iyadoo ciqaab adag, oo leh xabsi iyo ganaax lacageed oo xoog leh lagu soo rogay ciddii ku xadgudubta sharcigaas. Sanadkiiba Kenya waxay soo dejin jiray 100 malyan bacaha suuqyada looga adeegto keliya, dalkuna ma lahayn awood dib u warshadaynta qashinka, gaar ahaa bacaha si looga ilaaliyo deegaanka.
Tallaabooyinka lagu mamnuucayay bacaha ka hor, dadku waxay si aad ah uga danqan jireen aragtida bacaha balaastigga ah ee meel kasta waran, gaar ahaan daadsanaa waddooyinka Nairobi. Dhawaaqa dhaqdhaqaaqyada u doodo deegaanka (environment) ayaa soo jiitay dareen ballaaran ee dadweynaha, taas oo ku kalliftay dowladda Kenya inay mamnuucdo gebi ahaan.
Inkastoo qaanuunka uu wax tar u yeeshay deegaanka, haddana taas micnaheedu ma ahan in qof kasta uu ku soo dhaweeyay sharciga xamaasad. Dalka waxaa ku yaalay ilaa 170 warshado oo lagu farsameen jiray bacaha oo shaqo u abuuri jirey in ka badan 3% dadka reer Keyna.
Ololaha la dagaallanka bacaha ee Afrika waxuu ka dhashay dhibaatooyinka qashinka waxyeeleynaya nolosha biyaha, kordhinaya wasakhaynta hawada iyo cudurada neef mareenka ah. Takhaattirta iyo bahda sayniska waxaay muujiyeen in bacaha bannaanaha xooran ay dowr weyn ka qaataan faafinta cudurka duumada, kaddib marka ay ka buuxsamaan biyaha roobka ama biya kaleba ay noqdaan meel u ay kaneecada dhigato ukumaheeda kuna taranto si ay u faafiso cudurka.
Inkastoo Kenya ay ku tillaabsatay hawlgalkaas geesinimo, haddana dunida waxay ilaa hadda ku heshiin la’dahay nooca bacaha la mamnuucayo si loo yareeyo qashinka waxyeellaynayo deegaanka.
Haddii sida ay hadda wax u socdaan aan wax laga beddelin, waxaan shaki ku jirin in la arki doono qashinka oo kalluunka ka xaalufiyo badaha. Ma jirin xawayaan – ha ahaadaan kuwa la dhaqdo ama kuwa duurjoogta ahba oo ka fakanayo halista bacaha ay liqaan, taas oo sababa geeridooda. Marar badan ayaa la helay nibiri u geeriyootay bacaha balaastigga awgeed.
Jasiiradda Zanzibar (oo ka mid ah Tanzania) ayaa iskeeda usoo sartay sharciga bacaha, kaas oo ay hirgelisay 2006 balse bacahaas waxaa jasiiradda laga safaysa 2010-yadii. Taas waxay ka dhigtay Sanjibaar meel gebigeedba ka caaggan bacaha kaddib markii si baahsan looga hirgeliyay sharciga.
Zanzibar waxay runtii mudan tahay ammaan weyn waxayna ka mid tahay horseedka addunka xagga hirgelinta mamnuucidda bacaha balaastigga. Halka Tanzania ay soo saartay sharciga lagu mamnuucayo balaastiigga 2019 keliya.
Soomaaliland waxay bacaha balaatigga isku dayday in ay mamnuucdo 2005, halka ilaa hadda koonfurta Soomaaliya sharci la’aan wax looga qaban la’yahay dhibaatadaas. Muqdisho oo ay dunida ku amaani jirtay nadaafadda ayaa dhibaatada bacaha balaatigga faro xoog leh ku haysaa. Intaas waxaa ka daran in qashinka uu daadsan yahay xeebta, gaar ahaan Xalane ilaa Jaziira. Bulshada Soomaaliya waxay u baahan tahay inay beddesho dhaqanka dib jirta ah kuna khasbaan dowladda inay ugu yaraan sharci ilaalinayo degaanka soo dejiso.
Burhan H. Roble iyo Cabdulqaadir Cariif Qaasim
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.