Saturday, June 3, 2023
Home Diblomaasiyadda Yaa Carqaladeynaya Dadaallada Sii Daynta Dhakhaatiirtii Kuuba?

Yaa Carqaladeynaya Dadaallada Sii Daynta Dhakhaatiirtii Kuuba?

Wakaaladda warbaahinta “The Associated Press” oo soo xiganaysa saraakiil Soomaaliyeed oo aan la magac dhabin ayaa maalintii Arbacada October 8, 2020 soo tebisay in dhakhaatiirtii reer Kuuba ee laga afduubtay Mandheera sanad iyo bar ka hor la sii daayay. Warkaas waxaa durbadiiba beeniyey Wasiirradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya iyo Kuuba. 

Dhakhaatiirta waxay ka mid ahaayeen 100 dhakhtar oo 2018kii ay dowladda Kenya kala timid dalka Kuuba si loo hormariyo helitaanka adeegyada caafimaadka. Nidaamka daryeelka caafimaadka bulshada ee dalka Kenya ayaa in muddo ah jahwareer wajahayay kaddib markii lagu lumiyay miisaaniyaddiisii waxqabad la’aan iyo mususqmaasuq. 

Jimcihii Abril 12, 2019 ayaa gaari ay la socdeen labada dhakhtar “Assel Herrera Correa iyo Landy Rodriguez Hernandez” ku dhacay jid gooyo (sbaaro) koox hubeysan u dhigtay waddada Isbitaalka Mandheera, halkaas oo lagu dilay mid ka mid ah ilaaliyeyaashii la socday laguna qafaashtay dhakhaatiirtii. 

Dowladda Kenya oo islamarkiiba abaabushay ciidankeeda difaaca iyo boliiskaba si ay u baacsadaan afduubayaasha ayaan ilaa hadda soo hooyan guul muuqata. Sidoo kale hawlgelintii odoyaasha beelaha deggan xuduudda Kenya iyo Soomaaliya ayaan natiijo wax ku ool ah dhalin.

Walow la sheegayo in dhakhaatiirta ay nool yihiin, haddana ilaa hadda lama hayo muuqaal amase maqal laga soo duubay. War uu qoray wargeyska “Daily Nation” ayaa sheegaya in afduubayaasha codsadeen madax furasho dhan ilaa malyan iyo bar doolar.

Haddaba aanu isweydiinee yaa daneynaya carqaladeynta dadaallada sii daynta dhakhaatiirtii?

Lama garanayo ilaa hadda cidda warka beenta ah ka dambeysay iyo ujeeddadii laga lahaa toona. Balse waxaa muuqata in dowladda Kuuba ay quus ka gaartay wax qabad la’aanta mas’uuliyiinta Kenya. 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso sii deynta dhakhaatiirtaas. 

November 2018 ayaa niman hubaysan ku bartilmaameedsadeen gabadh Talyaani ah tuulada Chakama ee dalka Kenya. Siddeed iyo tobban bilood ka dib, waxay ku suurtowday sii daynta gabadha iskaashi-shaqo oo ay yeesheen sirdoonka Soomaalida (NISA), Turkiga (MIT) iyo kuwa Talyaaniga (AISE). Balse Nairobi oo aan hoos ula socon hawlaha ayaa Muqdisho ku dhaleecaysay dadaalkeedii.

Amniga ayaa ah mid dalalka gobolku ay ka walwalsan yihiin. Kenya waxaa looga baahan yahay inay ka digtoonaato canaasiirta shisheeye ee isku dayaya inay carqaladeeyaan dadaallada lagu baadigoobayo dhakhaatiirta, si iskaashigu u noqday mid miro dhal ah marka laga hadlayo la dagaallanka argaggixisada iyo dambiyada abaabulan. 

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments