Tuesday, March 28, 2023
Home Caalamka Markii Ugu Horreysay oo ay Haweeney Hoggaamin Doonto WTO

Markii Ugu Horreysay oo ay Haweeney Hoggaamin Doonto WTO

Hannaanka xulashada Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Addunka WTO ayaa galay wareeggii ugu dambeeyay. Toddobaadkii dhawaa ayaa jagada oo ay u taagnayeen shan waddan la sheegay inay isku soo hareen labo musharrax oo ka kala socda Konfurta Kuuriya iyo Nigeria.

Waxaa wareegga labaad ku haray musharraxiinta kala ah Amina Maxamed (Kenya), Maxammed Maziad Al-Tuwaijri (Sacuudiga) iyo Liam Fox (Britain), kuwaas oo aan helin taageero ku filan. Waxaa hubaal ah in madaxa  ugu sarreeya hay’adda ay noqon doonto haween markii ugu horreysay taariikhda hay’adda.

Afhayeenka WTO oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in “labada hablood oo isku soo haray ay yihiin kuwii laysku raacay inay u qalmaan hoggaaminta hay’adda.” Agaasimihii Guud ee hay’adda oo u dhashay Brasiil Roberto Azevedo ayaa si lama filaan ah u banneeyay jagada kaddib markii uu  iskiis isaga tagay August 31, 2020 oo ahayd sanad ka hor dhammaadka xilhayntiisii. 

Si kastaba ha ahaate, Afrika ayaa u muuqataa inay dhexdhexaad ka tahay xiisadaha ganacsiga ee u dhexeysa Shiinaha iyo Mareykanka. Balse xiriirka Japan ay la leedahay Koonfurta Kuuriya ayaa tijaabo ku jiro, iyadoo Shiinaha uu u janjeero musharraxa Nigeria.

Marwo Ngozi Okonjo-Iweala oo ah dhaqaale-yahan wax ku soo  baratay dalka Mareykanka ayaa u muuqato in cidna ku haysan jagada hoggaanka haddii Nigeria ay si wanaagsan u ciyaarto turubka si musharraxeedu uga nabadgasho Shiinaha iyo Mareykanka.

Wareegga saddexaad ee ah midka ugu dambeyo waxuu bilaabanayaa dhammaadka bishaan waxuuna socon doonaa ilaa Nofeember 6da. Musharraxa laysku raaco oo ku guuleysta tartanka waxaa la filayaa in lagu dhawaaqi doono ugu Nofeembar 7da. 

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Five Tips for Cardiovascular Patients Fasting During Ramadan

By Daily Sabah Those who suffer from cardiovascular diseases can fast during Ramadan with the approval of their...

Laas Caanood – Caalamka Ma ka Hortagi Doonaa in Soomaaliya Ka dhacdo Xasuuq?

Jamhuriyadda Xiisadda ka aloosan gobolka Sool ayaa u muuqata mid maalinba maalinta ka dambaysa ka sii dheeraanaysa soo...

Diblomaasiyaddii Sanadka – Riyadh iyo Tehran oo Si Lama Filaan ah u Heshiiyay Toddoba Sanadood Kaddib

Jamhuriyadda Wadahadallo aan loo kala kicin shan maalmood kaddib, ayay Boqortooyada Sacuudiga iyo Iran ku dhawaaqay Jimcihii March...

Xagee Soomaaliya Loo Wadaa – Dimuqraadiyad Xisbiyo Siyaasadeed Lahayn

Jamhuriyadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay March 8, 2023, munaasabadda saxiixa sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman,...

Recent Comments