Thursday, December 3, 2020
Home Siyaasadda Doorashada Soomaaliya Ma Saamayn Doontaa Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya?

Doorashada Soomaaliya Ma Saamayn Doontaa Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya?

Ka dib markii uu fashilmay hiigsigii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku doonayey inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, dalka waxuu u jihaystay doorasho (xulasho) aan wax badan ka duwanayn tii 2016, taas oo ku suntanayd musuq iyo awood maroorsi!

Walaaca shacabka Soomaaliyeed ay qabaan ayaa ah faraggelinta shisheeye xilliga doorashooyinka. Haddaba waa maxay sababta dowladaha qaar ay u faraggeliyaan doorashooyinka dalal kale?

Barre Dov H. Levin oo wax ka dhiga Jaamacada Hong Kong ayaa ku doodaya in faraggelintu dhacdo marka ay labo xaaladood isku mar kulmaan: (1) Awood shisheeye oo si qoto dheer u cabsi gelisa musharrax ama xisbi ku tartamaya doorasho leh “kala-doorbidyo” aad u kala duwan oo aan ahayn kan ay iyagu leeyihiin; iyo (2) Jiritaanka jilaa kale oo maxalli ah oo ka jiraa waddankaas, oo oggolaaday inuu la heshiiyo faraggeliyaha shisheeye.  Jilayaashan maxalliga waxay oggol yihiin inay faraggeliyaha siiyaan xog siyaasadeed oo uu u baahan yahay si uu fursad ugu helo ku guuleysiga hawshaas (USAToday 7/09/2020).

Dalalka soo koraya, ayna ka jirto furfurnaanta siyaasadda iyo nidaamka xisbiyada badan, isla-markaasna leh khayraad dabiici ah, amase ku yaalla marinnadda muhiimka u ah ganacsiga iyo tamarta caalamka (Istratiiji ah), waxaa aalaaba ku baratama quwadaha xoog milateri iyo awood dhaqaale ugu tunka weyn adduunka.

Sida laga soo xigtay xog ururin uu sameeyey Barre Sare Dov Levin, dalka Maraykanka waxuu isku dayay inuu faraggeliyo 81 dal madaxtooyo doorasho muddadii u dhaxaysay 1946 ilaa 2000. Halka Dalka Ruushka uu isku dayay inuu wareejiyo 36 dal doorasho, laga soo bilaabo dhammaadkii Dagaalkii 2aad ee Adduunka – taasoo ka dhigan, in wadar ahaan ugu yaraan mid ka mid ah labada quwadood ee waaweyn ee qarnigii 20aad uu soo faraggeliyeen ku dhawaad 1 ka mid ah 9-kii tartanba, heerka fulinta waqtigaas.  Tiradaas oo uu soo bandhigay Mr. Dov Levin kuma jirto afgembiyada milateri ay ku lug lahaayeen quwadaha waaweyn (Los Angeles Times Dec 21, 2016).

Dumistii dowladii dhexe iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxaa ka dhashay barakac baahsan, macaluul aad u xun iyo kooxo diimeedyo hubaysan. Saddexdaan xaaladood dartood, Soomaaliya waxay “martiggelisay” faraggelin shisheeye oo wadata sharciyada QM!

Dowladaha faraggelinta ku sameeya Soomaaliya waxay wada xaqiijinayeen danaha ammaankooda iyo dhaqaale. Balse waxay ku kala geddisan yihiin wadiiqooyinka ay u marayaan, kuwaasoo kala qaaday labo dhabbo: (b) Kuwo u arkay inay dantooda ku xaqiijin karaan Soomaaliya oo leh dowlad nugul (maamul, & ciidanba), iyo (t) Qaar aaminsan inay dantooda ku xaqiijin karaan Soomaaliya oo leh dowlad ay xoog badan yihiin hay’adaheeda dastuuriga, lehna cudud ciidan.

Faraggelinta ugu khatarta badan waxay ka kala imanaysaa dowladaha deriska iyo kuwa Khaliijka Carabata! Imaaraadka Carabta waxuu danaynayaa inuu si xaraash ah ku hantiyo dakadaha dalka, halka Kenya ay rabto inay si sharci-darro ah ku milkiso qayb ka mid ah badda Soomaaliya. Waxaa xusid mudan, in Itoobbiya uu hunguri kaga jiro inay Soomaaliya la saxiixato heshiis aan dheeli-tirnayn si ay uga faa’iidaysato dekedaha Soomaaliya. 

Dalka Qadar oo si weyn ay isu hayaan isbahaysi Carbeed oo ay hoggaaminayaan Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa ku loollamay siyaasadda Soomaaliya. Balse ilaa iyo hadda ma cadda dano muuqda oo uu dalka Qadar ka leeyahay Soomaaliya, marka laga reebo inuu si xor ah u isticmaalayo “Air space” ka Soomaaliya, si aysan u saamayn cunaqabataynta ay saareen Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Turkiga waxuu Soomaaliya u soo birmaday xilli dadka Soomaaliyeed quus ay joogaan, gacan furnaantiisa iyo taageeradiisa aan shuruuda ku xirnayn waxuu ku kasbaday quluubta milaayiin Soomaali ah. Waana dalka keliya ay dadaalladiisa dib-u-dhiska si cad looga dareemayo dhinacyada, ciidanka, waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha – taasoo ka dhigan in Turkiga yahay dal doonayo inuu la yeesho dalka kale xiriir ku dhisan sinnaan iyo iskaashi oo ka fog wiiqid iyo  ka faa’idaysiga tabardarrada dalka kale.

Waxgarad badan ayaa rumaysan, in doorashada nagu soo aaddan si weyn ugu hardami doonaan Qadar iyo Imaaraadka oo kaashanaya Kenya. Waxaa la saadaalinayaa in dhaqaale xoog badan la adeegsan doono si codadka loo gato.

Haddii doorashada madaxtooyada Soomaaliya ay ku guulaystaan Jilayaasha jaalka la ah Imaaraadka Carabta iyo Kenya, waxaan shaki ku jirin inuu dhaawac weyn soo gaarayo xiriirka waxtarka leh ay dadka Soomaaliyeed la leeyihiin dalka Turkiga, maadaama Imaaraadka Carabta iyo Kenya aysan dantooda ku jirin xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Waxaa xusid mudan, in sanadkii 2016 markii uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Iiran ay saamaysay xiriirka Soomaaliya iyo Iiraan. Sida ku cad dokumenti ay aragtay Wakaalada Wararka ee Reuters “Soomaaliya ayaa 50 milyan oo doolar ka heshay Sacuudi Carabiya bishan ay u jareen xiriirka Iiraan” (Reuters 17/01/2016).

Soomaaliya waxaa ragaadiyay faraggelin shisheeye oo adeegsanaysa dabaqadda siyaasiyiinta soomaaliyeed oo u badan danaeystayaal  ka hormarinayo danahoda gaarka ah kuwa qaranka iyo shacbiga, sidaas daraddeedna u bareeraya u adeegidda faraggelinta shisheeye oo masiirka dalka ku leh saameyn aad halis u ah. Dhanka kale, waxay u muuqataa in shacabka Soomaaliyeed uusan ku baraarugsanayn saamaynta ay ku yeelan karto jiritaanka Soomaaliya. Weyna adagg tahay in laga baxo ilaa ay shacabka garwaaqsadaan inay yihiin awooda dhabta ah.

“Awoodda dadka ayaa aad uga xoog badan dadka xukunka haya” waxaa sidaas yiri Faylasuufka Weal Ghonin.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Soomaaliya Diyaar Ma u Tahay Bixitaanta Ciidamada Mareykanka?

Toddobaadkii dhawaa ayaa Ku-simaha Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Christopher Miller ee la magacaabay November 9dii booqashadii ugu horraysay ee calami ah ku yimid...

Xaliima Aaden oo Dib u Qiimaysay Asturnaanteeda

Xaliima Aaden oo ah gabadh Soomaali-Americaan ah, oo ku soo caanbaxday quruxda “xijaaban” ayaa toddobaadkii dhawaa go’aansatay inay iskaga harto tartamada quruxda...

Iska Caabinta Faragelinta Kenya Maxaa Xigi Doona

Dood-cilmiyeed uu soo agaasimay Machdaka Raas, ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka yiri “waa su’aal da’weyn wakhtigeeda ayaan sugaynaa Insha Allah,” ka...

Ololaha Musharrixiinta Madaxtooyada – Maxaa Ka Soo Baxay Maxaase Laga Filayay?

Dhowr iyo toban musharrax madaxweyne oo November 21, 2020 ​uga furmay shir Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho ​si ay uga arrinsadaan siyaasadda dalka ka hor...

Recent Comments

%d bloggers like this: