Thursday, September 28, 2023
Home Caalamka Falanqeyn Xeeldheer – Maraykanka oo Xannibaya Musharraxa Nigeria ee Ururka Ganacsiga Addunka...

Falanqeyn Xeeldheer – Maraykanka oo Xannibaya Musharraxa Nigeria ee Ururka Ganacsiga Addunka Isagoo Isha Ku Haya Shiinaha

Diidmada Maamulka Madaxweyne Trump ee musharraxa dalka Nigeria waxay jahwareer ku abuurtay hannaankii xulushada ee Ururka Ganacsiga Addunka WTO. Agaasimihii Guud ee ururka Roberto Azevedo ayaa si lama filaan ah u go’aansaday inuu iskiis iskaga tagay shaqada August 31, 2020 oo ahayd sanad ka hor dhammaadka xilhayntiisii. 

Xulashada jagada oo bilaabatay 4 bilood ka hor ayaa waxaa u tartamay ilaa siddeed waddan, balse waxaa isku soo haray Marwa Yoo Myung-hee oo u dhalatay dalka Konfurta Kuuriya iyo Marwa Ngozi Okonjo-Iweala oo u dhalatay dalka Nigeria. Ururka oo la aasaasay 1995 weligiis ma hoggaamin dumar ama qof Afrika ka soo jeeda.

Intii uu tartanka socday dowladda Maraykanka marna si cad uma shaacin cidda ay taageereyso. Balse wixii ka dambeyey October 28, 2020 Mareykanka ma qarsan u ololeynta musharraxa Koonfur Kuuriya. 

War uu qoray wargeyska Politico ayaa muujinaya in diblomaasiyiinta Mareykanka qaarkood la faray inay waddamada ay martida u yihiin ka codsadaan taageerista Marwa Yoo Myung-hee oo ah Wasiirka Ganacsiga Koonfurta Kuuriya si ay u noqoto hoggaamiyaha soo socda ee ururka.  

Go’aan qaadashada magacaabista hoggaanka waxay ku saleysan tahay is-afgarad. Taas oo macnaheedu yahay in jagadu ku guuleysan doono musharraxa heli karo taageerada ugu ballaaran iyo diidmada ugu yar ee 164 dal oo xubin ka ah ururka. Haddiise la isku raaci waayo musharrax qur ah geeddisocokuna ku dhammaado ismariwaa waxaa dhici doonto in hannaanka xulashada Agaasimaha Guud dib loogu noqdo.

Su’aasha jawaabta mudan ayaa ah, maxuu maamulka Trump u sharaystay musharraxa qaaradda Afrika?

Sida uu sheegay qof si qoto dheer ula socda arrinta, diidmada maamulka Trump waxay ku saleysan tahay dhowr arrimood: (1) Shakiga uu ka qabo hoggaamiyaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) Tedros Adhanom Ghebreyesus iyo; (2) Xakamaynta saamaynta Shiinaha ee qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka Itoobbiya, Kenya, Nigeria iwm; iyo (2) Shakiga uu ka qabo Marwa Ngozi Okonjo-Iweala oo fikir ahaan aad ula safan kuwa caalamiga ah (internationalists).

Si kastaba ha ahaate, Marwo Ngozi Okonjo-Iweala waa dhaqaale-yahan wax ku baratay dalka Mareykanka, qofka labaadna ka ah hoggaanka Bankiga Adduunka. Weliba taageero dhan 104 xubnood ka haysato dalalka Afrika iyo dunida inteeda kale. Intaas waxaa dheer in Marwa Ngozi Okonjo-Iweala ay dalka Mareykanka ka qaadatay dhalasho 2019 kaddib markii ay deggenayd in ka badan 25 sanadood. Xulashada Marwo Ngozi Okonjo-Iweala waxay ka dhigan tahay inay noqto qofkii ugu horreyay ee Afrikan ah haddana ah haweeney. 

Walow intooda badan xubnaha ururka aysan doonayn inay taageeraan musharraxa Koonfur Kuuriya weliba dalka Japan uu diidmo qayaxan la hortaagan yahay, haddana Marwa Yoo Myung-hee waxay go’aansatay inaysan ka bixin tartanka. 

Inkastoo fursaddu yar tahay, haddana Koonfurta Kuuriya waxay rajayneysaa in musharraxoodu helo magacaabista. Ma aha markii ugu horraysay ee ay u tartanto jaggada Agaasimaha Guud ee hay’adda. Musharraxiinta Koonfurta Kuuriya waxay hore ugu soo hungowday tartanka xulashadii 2012 iyo 1994. 

Xaqiijinta magacaabista Marwa Yoo Myung-hee ee hoggaanka Ururka Ganacsiga Adduunka waxay guul weyn u noqon doontaa maamulka Madaxweyne Moon Jae-in oo si aad u baahsan ugu ololeyay taageerideeda, taas oo noqon karta wax ay ku faanaan shacabka Koonfurta Kuuriya. Balse Marwa Yoo Myung-hee haddii ay seegto jagada waxay noqon doontaa khasaaro siyaasadeed oo ku dhaca Madaxweyne Moon.

Duruufaha jira awgeed, dowladda Koonfurta Kuuriya waxay ku dhacday mowqif cakiran. Uma sahlana inay miiska ku geddiso Mareykanka oo ay ku dhici karto guuldarro. Halka waddamada xubnaha ka ah ururkana ay ku eedeyn doonaan inay isku dayday inay naafeyso hay’adda iyadoo u adeegeyso maamulka Trump.

Ururka waxaa u qorsheysan in shirka soo socda ee November 9, 2020 ay ansixiyaan musharraxa ka soo baxa geeddisocoka xulashada oo ay isku raacsan yihiin dhammaan waddamada xubnaha. Khaskhashaadda maamulka Trump ee musharraxa Afrika waxay ku saabsan tahay ciyaarta awoodda Mareykanka, Shiinaha iyo Midowga Yurub ee arrimo kala duwan, taas oo u muuqata inay curyaamin doonto habsami –u- socoshada hawlaha Ururka Ganacsiga Adduunka. Balse waxuu war ka taagan yahay haddii Trump looga guuleysto tartanka madaxtooyada Mareykanka maxaa dhici doona!

Burhan Rooble iyo Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments