Monday, June 5, 2023
Home Caafimaad & Nolol Covid-19 - Dunida oo Heshay Tallaal Rajo Leh

Covid-19 – Dunida oo Heshay Tallaal Rajo Leh

Warka ka soo yeeray tijaabada caafimaadka tallaalka shirkadaha Pfizer iyo BioNTech ayaa muujinaysa in guul laga gaari karo dagaalka lagula jiro caabuqa safmareenka ah ee dunida ku laayey dad kor u dhaafay hal malyan, islamarkaas aafeeyay 52 malyan qof jilbahana dhulka u dhigay dhaqaalaha awoodaha caalamka. 

Hargabkaas Kibray “CoronaVirus” oo aafadiisa ka billaabatay dalka Shiinaha December 2019 ayaa hubanti la’aanta inta masiibadiisa ay sii faafi doono walbahaar weyn gelisay dunida oo dhan. Dalalka qaarkood waxay ku badbaadeen dhaqanka kala fogaanshaha bulshada, afxirka oo la gashado, iyo xannibaadda safarka, halka kuwo kale ay ku adkaatay inay xakamadeyaan aafada. 

Si kastaba ha ahaate, natiijooyinka horudhaca ah ee Pfizer iyo BioNTech  waxay khubarada sayniska iyo kuwa daryeelka caafimaadka uga falceliyeen guud ahaan si wanaagsan, walow ay u muuqdaan kuwo doorbidaya inay arkaan xogta tijaabo caafimaad oo baaxad weyn, taas oo si loo helo u baahan ansixin sharciyeed oo aan suuraggal ahayn sanadkaan.

Tallaal ayaa loo arkayay inuu yahay fursada ugu wanaagsan ee looga gudbi karo meertada caabuqa safmareenka ah. Balse rajadii waxay hungowday kaddib markii shirkadda AstraZeneca ee British-Swedish-ka ah iyo tan Johnson & Johnson oo ugu rajo fiicnaa ilaa 9 shirkadood oo ku tartamayay tallaalka Covid-19 ay si kedis ah u hakiyeen tijaabooyinkii loo han weynaa. 

Ilaa hadda afartameyo shirkad ayaa ku tartamaya baarista tallaallo looga hortago cudurka safmareynka ah iyo daawooyin waxtar u leh. Haddaba, haddii shirkadaha daawada Pfizer iyo BioNTech dowladda Mareykanka u fasaxdo in tijaabooyin caafimaad (clinical trials) la marsiiyo waxaa la qiyaasayaa inay soo saari karaan ilaa 50 malyan halbeeg ama xabbo (doses) oo lagu badbaadin karo ilaa 25 malyan qof, iyadoo kaddibna ay soo saari doono sanadka 2021 tallaal lagu qiyaasayo ilaa 1.3 bilyan xabo (doses).

Madaxweyne Trump oo ka mid ah hoggaamiyayaasha adduunka ee ku wajahay caabuqa safmareynka ah dafiraad iyo caqli-xumo ayaa hadda maamulkiisu sheeganaya inay gacan siiyeen shirkadda Pfizer si loo hormariyo loona qaybiyo tallaalka.

Balse shirkaddu waxay caddaysay inaysan wax taageero ah haba yaraate ka helin marka laga reebo inay kula heshiiyeen inay ka iibsan doonaan ilaa 100 malyan xabbo ama halbeeg oo qiimahoodu ahaa 1.95 bilyan doolar (Forbes – 09/11/2020). 

Inkastoo warka natiijada lagu farxay, haddana Trump waxuu barta tweetterkiisa ku dhaliilay in shirkada Pfizer iyo Hay’adda US FDA ay ku dhawaaqa warka wanaagsan ee tallaalka la sugeen ilaa iyo doorashada sababo siyaasadeed awgood.

Shirkadda Pfizer oo lacagteeda ku maalgelisay tijaabada tallaalka ayaa ku adkeysatay in shaqadeeda aysan saameyn siyaasadeed ku lug lahayn, warkana ay soo deysay kaddib markii xogta baarista cilmi la soo gaarsiiyay.

Lama xaqiijin ilaa hadda in tallaalku wax tar u lahaan doono dadka da’da ah. Shirkadda Pfizer waxay xareysay oggolaanshaha adeegsi degdeg ah si loo qaybiyo tallaalka. Wasiirka Caafimaadka Mareykanka Alex Azar ayaa sheegay inay qaadan doonto dhowr toddobaad in maamulayaasha caafimaadka helaan macluumaandka kaddibna ay ka baaraandegi doonaan xogta ka hor inta aysan fasixin. 

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments