Thursday, April 18, 2024
Home Diblomaasiyadda Soomaaliya Ma Ka Badbaadi Kartaa Dagaal La Mid ah Kan Ka Dhex-qarxay...

Soomaaliya Ma Ka Badbaadi Kartaa Dagaal La Mid ah Kan Ka Dhex-qarxay Maamulka Tigreega Iyo Dowladda Federaalka Itoobiya?

Maamulka Addis Ababa waxuu burburiyay hubkiisa ugu cuslaa, uguna casrisanaa ee yiillay Taliska Qaybta Waqooyi (Makelle,ama Mek’elle), kaddib markii uu gacanta u galay hoggaamiyaasha TPLF ee maamula gobolka Tigreeyga, kaasoo xiriirkiisa dawladda federaalka uu aad u xumaaday. 

Xeeldheerayaasha ciidanka ee gobolka ayaa rumaysan in Taliska Qaybta Waqooyi ay leeyihiin cudud ciidan oo lixaad leh tiro iyo tayoba, marka la barbardhigo qeybaha kale ee ciidanka Itoobiya, taasina waxaa suurtog-gal ka dhigay  labo xaaladood: (1) TPLF oo Itoobiya maamulaysay 27 sanadood, kuna talagashay inay qowmiyadaha kale ku cabburiso awood ciidan, si ay xukunka ugu sii raagto, iyo (2) Gobolka Tigreey oo dhaca cirifka waqooyi ee xuduud Itoobbiya iyo Eriteriya, halkaas oo dagaal dhiig badan ku daatay ku dhexmaray labada dal 1998-2000, balse laga heshiiyay 2018.

Sida ay xaqiijinayaan ilo military, Ciidamada Itoobiya ayaa afar meelood meel (rubac) ka soo jeeda qowmiyadda Tigreeyga, oo qiyaas ahaan dhan 250 kun askari! Halka qowmiyadda Tigreeyga ay ka tahay 6% (boqolkii lix, halka qawmiyada Soomaalida ay ka tahay 6.2%) tiradda guud ee dadka Itoobbiya.

Si loogu xardho maskaxda da’ yarta ee reer Tigreey qiiro iyo qab ahaanba ayaa “Matxaf ka sheekenaya geesinimada halgamayaasha Tigreniya laga furay gobolka, halka TV-yada maxalliga ah laga sii daynayey muuqaallo dagaal oo laga soo qaaday dagaaladdii ay la galeen Taliskii Mingiste” oo Tigreey ay ka qaadatay qayb libaax (Reuters DEC 16, 2018).

Ilo diblomaasiyeed sida ay ku doodayaan waxaa jira qorshe labaad oo ay dejisteen hoggaanka TPLF kuna qotoma inay ku dhawaaqaan “ go’itaan” haddii ay lumiyaan hoggaanka Itoobbiya, taana waxaa caddeyn u ah in hoggaamiyeyaashii TPLF ay dastuurka Itoobbiya ku qoreen in “ qowmiyad waliba xaq u leedahay inay ka go’do dalka intiisa kale.”

Ra’iisulwasaare Abiy Axmed waxuu diiday dhexdhexaadin ka timaada beesha caalamka ama inuu wax wadahadal ah la galo hoggaanka TPLF, isagoo ka baqaya inay hoggaanka TPLF doonayo in lagu kor xaajoodo qodobka dastuurka ee dhigaya “gooni-isutaaga.”

Inkastoo, Dr. Abiy ku doodayo inuu dagaalka qaadan doono muddo yar, balse waxaa cad inay Itoobbiya lugaha la gashay dagaal sokeeye oo qaadan kara waqti dheer, maadaama dowladda federalka ku adk​a​an doonto kala soocida Hoggaamiyaasha TPLF iyo Shacabka Tigreeyga. Dagaalkan waxuu dhaawici doona dhaqaalaha, iyo midnimada Itoobiya. Waxaana la odorasayaa in ay ka dhalan doonto dagaalada socda masiibo bina-aadamnimo oo aad u xunuun badan.

Haddaba Soomaaliya maxay cashar ah oo ay ka baran kartaa dagaalka ka socda Itoobbiya?

Dagaalka Itoobbiya waxaa asal u ah labo arrimood: (b) Dastuur loo qaabeeyey kala-tagga Itoobbiya, iyo (t) Dowlad goboleed leh cudud ciidan ka tiro iyo tayo badan booliiska deegaanka. Waxaa xaqiiqo ah, in labadaas arrimoodba ay ka jiraan dalka Soomaaliya!

Inkastoo aan ognahay in Itoobbiya ay ka dhaxashay boqortooyadii hore dal ballaaran oo qawmiyado aan is lahayn ka kooban, misna Dastuurka Itoobbiya ​ayaa qeexay​a in qawmiyadahan ay ismaamul xaq u leeyihiin iyo xitaa ugu dambayntii goosasho ay u furan tahay, haddana maanta labadan dawladood ee deriska ah meela fara badan, gaar ahaan nidaamka federaaliga, ayay wadaagaan, marka way dhici kartaa in mashaakilkaa ay kusoo biya-shubaan Soomaaliya. Eritrea markay goosatay iyadoo ka faa’idsanayso qodobka Dastuurka, adduunweynaha wuu aqoonsaday, ​balse xaaladda Somaliland ma shabahdo tan Eritrea, waana taas mida keentay in ay weydo aqoonsi!

Haseyeeshee, maanta waa lays weydiin karaa sideebuu arrinkan u saamayn karaa Soomaaliya ama suurtaggal miyaa in khilaafka  maanta ka dhexeeya dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe uu gaaro heerkaas?

Ciidamada Daraawiishta maamul goboleedyada, iyo kuwa Ilaalada Xeebaha Puntland midkoodna ma hoos-tago Talisyada Ciidamada Federaalka, taas oo wiiqaysa awooda dowladda dhexe, isla-markaasna kobcinaysa awooda qabiillada khilaafka ka dhaxeeyo!

Weli waxaa taagan dalabka Axmed madoobe ku dalbanayo in laga daadgureeyo Ciidamada Federaalka ee ku sugan gobolka Gedo, gaar ahaan xudduudda Soomaaliya iyo Kenya!

Waxgarad badan ayaa rumaysan in Dastuurka Federaalka Soomaaliya, hoos u dhigay xuquuqda muwaaddinka, isla-markaasna uu naaxinayo heyb-dhul-ku-sheegasho iyo anaaniyada.

Soomaaliya waxay u ooman tahay dastuur si hufan u damaanad qaada xuquuqda shakhsiga, isla-markaasna dareensiiya dhamaan muwaaddiniinta inay wada leeyihiin dalka. Sidoo kale, waxay indheer-garadka ku talinayaan in Maamul-Goboleedka uusan yeelan ciidan ka badan Booliiska Deegaanka (local police), kuwaas oo ku jaan go’an awooda dhaqaalaha, iyo baahida aminga deegaanka.

Shacabka Soomaaliyeed waxuu maanta marqaati ka yahay halka ay taladii iyo awaamiirta TPLF dhigtay mustaqbalka Shacabka Tigreega, iyo aayaha Itoobbiya. Waxaa xaqiiqo ah inay dhaan dabogaale wadaan siyaasiyiintii daruusta ka meersatay ee jilaya siyaasadda Soomaaliya.

Nidaamka dowladnimada casiraga waxaa lagu ilaaliyaa dastuur, iyo hay’ado ku qotoma qodobbo qaanuuni ah, kuwaasoo si isku mid ah u dhowra xuquuqda muwaaddinka iyo midnimada dalka.

Da’ yarta oo ah 75% tirada guud ee shacabka Soomaaliyeed waa inay u halgamaan helitaanka dal loo siman yahay xuquuqda iyo waajibaadka. “Awoodda dadka ayaa aad uga xoog badan tan dadka xukunka haya” sidaas waxaa yidhi Weal Ghonin.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments