Saturday, April 10, 2021
Home Siyaasadda Maxaa Xigi Doona - Mucaaradka oo Guranaya Mirihii ay Beerteen!

Maxaa Xigi Doona – Mucaaradka oo Guranaya Mirihii ay Beerteen!

Qoraal ku taariikhaysan November 5, 2020 oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul ​wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu magacaabay Guddiyada Doorashooyinka, iyo Xallinta Khilaafaadka, balse durbadiiba waxaa duray guddiyadaas mucaaradka xukuumadda, kaddib markii ay ka dhex arki waayeen danahooda siyaasadeed!

Haddaba diidmada mucaaradka maxay daaran tahay?

Waxay ahayd Sebtembar 17dii, markii Muqdisho laga soo saaray heshiis ka kooban 15 qodob, kaas oo ay wada-gaareen madaxda shanta Maamul Goboleed, Guddoomiyaha Banaadir, iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Heshiiska waxaa si rayn-rayn leh u soo dhoweeyey dhammaan mucaaradka Villa Soomaaliya oo uu ku jiro Xasan Cali kheyre!

Heshiiska waxay mucaaradka xukuumadda u arkayeen inuu ka dhigan yahay “Darbi” is hortaagay damacii muddo kororsiga Madaxweyne Farmaajo. Maalmo damaashaad, tamashlayn iyo kulammo ay mucaaraka ku qabsadeen Abu Dabi, Ankara, Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho waxaa xigtay in ay qaar ka mid ah madaxda mucaaradka soo saaraan bayaan ay ku cilladaynayaan Guddiga Doorashada iyo hannaanka loo marayo soo xulista xildhibaannadda Waqooyi.

Haddaba xukuumadda dhabadee u martay magacaabista Gudigga Doorashada? 

Qodobka koowaad ee heshiiska ​ay wada-gaareen madaxda Golaha Fulinta Maamul Goboleedyadda iyo Federaalka ayaa u qornaa sidan “In dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah, kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho heer Dowlad Goboleed ah”. Sida ka muuqata qodobkan ma jirto shuruud ku xiran cidda ka mid noqonaysa Guddiga Doorashada Federaalka!

Mucaaradka ayaa ku doodaya in Guddiga Doorashada ay ku jiraan xubno shaqaale dowladeed iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan NISA. Haddaba su’aasha mudan ​isweydiinta ayaa ah: Waa sidee taariikhda Gudiyadda Doorshada Dadban ee dalka?

Guddiyaddii Doorashada Dadban ee 2012, iyo 2016, waxaa ka mid ahaa xubno jaal la ahaa madaxddii xilligaas dalka ka talinaysay, kuwaas oo damacsanaa in ay ka faa’iidaystaan masuuliyadda qaranka ay hayeen si ay galaangal ugu yeeshaan xulista xildhibaannadda si ay dhib yaraan ugu xaluushaan “Villa Soomaaliya.” Balse dhagartii ay maleegayn uma aysan shaqayn! Haatanna cidina ma hubto inay u shaqayn doonto shaxda ay dhigteen kooxda “Nabad iyo Nolol” si ay awoodda ugu waaraan.

Ku-xigeenka Ra’iisulwasaaraha Mahdi Maxamed Guleed Khadar oo warbaahinta la hadlayay ayaa yiri, “Gudoomiyihii Guddiga Doorashooyinka 2016-kii Garyaqaan Cumar Maxamed Cabdulle Dhegay, waxuu ahaa la-tilyaha dhanka sharciga Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, waxaa xubno ka ahaa guddigaas Mudane Maxamed Keynaan iyo Nafisa Geeddi oo Xafiiska Madaxweynaha ka wada tirsanaa, Cabdiraxmaan Sheikh Mucaawiye (xabashow) ku-xigeenka Xafiiska Ra’iisulwasaaraha, iyo Mustaqiim Wayd La-taliye siyaasadda iyo doorshada Wasiirka Arimaha Gudaha.”

Waxaa xaqiiqo ah, in marka lagu tunto qodabbada Dastuurka, lana sharaysto hay’adaha dastuuriga ah, iyadoo laga duulayo dano siyaasadeed ama masaalix gaar ah qoomamada iyo catowga daawo ma keeno! Malaha waxay maanta mucaaradka doorbidi lahaayeen in guddoonka doorashada gacanta loo geliyo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay shalay ka ​dudeen ​“cararayeen​!”

Dhanka kale, mucaaradka waxay dhaliileen hanaanka loo marayo xulista xildhibaannadda Goboladda Waqooyi. Haddaba maxay dareensadeen? Maxayse tahay doodda xukuumadda?

Kaddib markii ay labada Aqal si wadajir ah u ansixiyeen heshiis siyaasadeedkii madaxda fulinta heer gobol iyo heer federaal, waxaa xigay shir lagu go’aamiyey jadwalka Doorashada Dadban 2020-2021. Madaxda Maamul Gobolleedyada, Duqa Caasimada iyo Madaxweyne Farmaajo.

Waxay si wadajir ah qalinka ugu duugeen qodobbo muhiim u ah hannaanka doorashada, sida dhismaha guddiyada, deegaan doorashada xildhibaannada, tirada xildhibaannada laga soo dooran doono maamul goboleed kasta, iyo weliba jifada (reeraha) ay kala matali doonaan.

Dhinacyada ku shiray Muqdisho waxay isku raaceen in guddiga maamuli doona xildhibaannada Somaliland ay soo magacawdo Xukuumadda Federaalka, kaddib markii ay la-tashi la samayso siyaasiyiinta ka soo jeedda Somaliland! Sida ka muuqata qodobka laguma qeexin mudnaan la kala siinayo siyaasiyinta lala tashanayo – mansabkooda iyo sifooyinkooda intaba.

Xukuumadda oo ka faa’iidaysanaysa dul-duleellada ka muuqda qodobka iyo in labada Aqal ay gardaadinta howlaha doorshada u sharciyeeyeen Golaha Fulinta ayaa xukuumadda u gacanbanaysay  magacaabista guddiga xulista xildhibaanadda Somaliland. Balse, arrinka xiisaha gaarka ah u yeeshay dooda metalaadda xildhibaanada Somaliland ayaa ah in Madaxda Somaliland isku dayayaan inay galaangal ku yeeshaan hannaanka loo xulayo xildhibaannada ka soo jeedda Somaliland!

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ka soo dhex muuqday shir ka dhacay magaalada Nairobi – Kenya, shirkaas oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka heer federaal ee 2020-2021. Waxaa sidoo kale ka qayb galay shirkaas Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo xubno kale oo jagooyin heer federaal ah soo qabtay.

Waxgarad badan oo rog-roga siyaasadda Soomaaliya ayaa isweydiinaya halka uu Gudoomiyaha Xisbiga UCID ka helay awoodda uu shirka uu kaga qaybgalay. Ciqaab la’aanta Gudoomiye Faysal iyo xabsiga la dhigay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa muujineysa in masuuliyiinta Somaliland qaar xasaanadooda aysan laheyn xuduud! 

Waxaa xaqiiqo ah, in Maamulka Somaliland saamayn “taban” ku yeelatay ka maqnaanshaha fagaarayaasha lagu go’aaminayo jiheeynta siyaasadda Soomaaliya. Haddaba waa in Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo xildhibaanada Somaliland ay wajahaan xaqiiqda dhulka taalla! “dudun in la dareensado lana duggaalsado la iskuma helo”

Inkastoo xukuumadda ay qorshaysatay in doorashadda waqtigeeda ku dhacdo, iyadoo doonaysa inaysan lumin fursadaha u muuqda, misna waxaa suurtaggal ah in cagajiidka mucaaradka waqtiga dib u riixi doono. Taasoo waxgarad badan ku dhaliilayaan mucaaradka inay dagaal siyaasadeed galeen iyagoo kala daadsan, misna mabda’ ku midaysnayn. Arrinkaas waxaa caddayn u ah maxsuulka “natiijadda” ka soo baxay doorashada Hirshabeelle. 

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

1 COMMENT

Leave a Reply

Most Popular

Waraysi JAMHURIYADDA ay la yeelatay Takhtar Nazim Masinghi, M.D.

Jamhuriyadda - Waxaan ognahay in tallaalka  AstraZeneca ee Jaamacadda Oxford, inkastoy Guddiga Dawooyinka ee Midowga Yurub ay ku taliyeen sida Ururka Caafimaadka...

Real – World Efficacy Rates for Every COVID-19 Vaccine, Based On Age and Symptoms

By Sissi Cao Moderna, Johnson & Johnson and Pfizer (with the help of Germany’s BioNTech) developed three highly...

Siyaasadda Madasha Badbaado Qaran: Ma Cayaar Jogta Ahba Mise Waa Awood Isbeddel Curin Karta?

Xilli siyaasadda dalka ay cakiran tahay ayaa shirkii koowaad ee Madasha Badbaado Qaran (MBQ) oo ay ku bahoobeen Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, Golaha...

Farriinta Maraykanka Maxay Saamayn Ku Yeelan Karta Xasilinta Soomaaliya?

Maamulka Madaxweyne Joe Biden oo dib u hagaajinaya siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka, ayaa u muuqda inuu Afrika ula dhaqmi doono si ka duwan...

Recent Comments

%d bloggers like this: