Friday, January 15, 2021
Home Siyaasadda Ololaha Musharrixiinta Madaxtooyada – Maxaa Ka Soo Baxay Maxaase Laga Filayay?

Ololaha Musharrixiinta Madaxtooyada – Maxaa Ka Soo Baxay Maxaase Laga Filayay?

Dhowr iyo toban musharrax madaxweyne oo November 21, 2020 ​uga furmay shir Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho ​si ay uga arrinsadaan siyaasadda dalka ka hor doorashada madaxweynaha ayaa lix maalmood ka​ dib soo saaray warmurtiyeed ay ku muujinayaan walaac!

Waa markii ugu horraysay ee musharrixiinta u tartamaya madaxtooyada ay si wadajir ah u dhegeystaan dareenk​a ​qaar ka mid ah ururada bulshada, taas oo lafteeda ah horumar muhiim u ah dimuqraaddiyada dalka. Tan 2012kii Soomaaliya waxaa caado u ahayd in afartii sanadoodba mar si nabdoon layskugu wareejiyo awoodaha dastuuriga ah (baarlamaanka iyo madaxtooyadaba).

Guud ahaan madashu ma siin musharraxiinta fursad ay isku kalsooni ku helaan. Weliba waxaa la yaab lahayd in daqiiqadii ugu dambeeyay laysku afgartay in shirku yeesho shir-guddoon la wada oggol yahay, taas oo ay u sabab ahayd dhowr arrimood: (b) daciifnimo hoggaamineed;  (t) kalsooni darro qoto dheer oo u dhaxeeysa musharrixiinta; iyo (j) shisheeye daaha gadaashiisa ka maleegayay hab dantooda uun u adeegaya.

Si kastaba ha ahaate, wadatashiga ayaa la rajaynayay inuu saameyn toos ah ku yeesho isbeddel ku dhaca hab-dhaqanka siyaasadda dalka, inkastoo  xeeldheerayaasha siyaasadda Soomaaliya ay badankoodu ku muransan yihiin, sidee siyaasiyiinta mudnaanta kowaad siinaya danahooda siyaasadeed ee gaarka ah uga dhabeen doonaan hawlqabad danguud ah? Dimuqraaddiyadda ma aha doorasho hufan oo keliya!

Madashu waxay u muuqatay mid lagu baadiggoobayay sidii loo heli lahaa hab ka duwan tartankii sanadihii tegay (2017 iyo 2012). Inta badan musharixiinta kala daadsan kama gudbi jirin codbixinta wareegga hore ee doorashada madaxweynaha. Weliba codbixiyeyaal aan go’aan gaadhin (swing voters) ayaa beddeli jiray gebi ahaanba natiijada, kuwaas oo ku dhaqaaqi jiray hadba sida xaaladda ula ekaato.

Marka laga yimaaddo far-isku-fiiqa, ujeeddada ugu weyn ee shirka waxay ahayd in la helo labo arrin middood doorashada ka hor: (1) In musharrixiinta ku heshiiyaan mowqif siyaasadeed iskuna xulufaystaan riditaanka madaxweynaha xilka haya; amase (2) In musharrixiintu yeeshaan hoggaan u horseedi kara guul.

Sida muuqata doorashada madaxweynaha ee soo socota waa mid xasaasi ah oo haddana aad loogu loolami doono. Musharrax qur ah ma heli karo aqlabiyad toos ah oo gaarsiin karta guul. Taasi waxay ka dhigan tahay in cidna aysan ka xigin madaxtooyada Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo haddii la waayo xulafooyin ku heshiiya siyaasadda qallafsan. 

Duruufaha siyaasadeed ee dalka ayaa maraya marxalad kala guur ah, musharrixiintana waxay u muuqdaan kuwo ka mideysan khatarta ay leedahay in la faraggeliyo xulashada xildhibaanadda Somaliland iyo in hawlwadeenada doorashooyinka ay ka mid noqdaan shaqaale dowladeed oo hayin u ah kooxda talada dalka haysa.

Hadabba su’aasha taagan ayaa ah, muranka aan kala gar-qaadashada lahayn, maxaa ka dhalan kara? maxaase xal u noqon kara khilaafka taagan?

Dhegaha shacabka Soomaaliyeed kuma cusba maqalka dhawaq fariimo dhiilo xambaarsan oo ay ku gudbinayaan qalabka warbaahinta qaar ka mid ah mucaaradka iyo muxaafidkaba. Balse marnaba dadka Soomaaliyeed ma doonayaan fowdo dib ugu celisa maalmihii madoobaa (burbur iyo barakac).

Sidaas awgeed, xalka waa in la wadahadlo iyadoo musharrixiinta maanka ku hayaan in waqtiga iyo sharciyadda u baneyneysa inay dabarogaan heshiiska doorashada dadban ay xadidan yihiin. Waxaa loo arkaa doodda musharrixiinta madaxtooyada ciyaar awoodeed xeeladeysan maadaama aysan diyaar u ahayn inay qaataan go’aan wadareeya.

Ma cadda in musharrixiintu mucaaradka ay curin karaan isbeddelkii siyaasadeed ee laga filayay inta ay fikir ahaan is-khilaafsan yihiin.  Waxay ku fashilmeen inay sameystaan isbahaysi mideysan amase iskaashi curiya mowqif ciriiri lagu gelin karo madaxweyne Farmaajo. 

Haddii hadafku ahaa in ololaha saameyn ku yeesho sumcadda mucaaradka doorashada ka hor tani ma ahayn mid wax ku ool ah. Balse Mudane Shariif Sheikh Axmed oo wadatashiga horyaal u ahaa mar kalena isku dayay inuu isku soo ururiyo shaqsiyaadka mucaaradka ah ayaa dhibco ku yeeshay, waxaase gogosha ka faa’iidey Mudane Xasan Cali Khayre oo laga sii daayay dabarkii eedaynta. 

Nasiib daro, guul darrada doorashooyinka dalka waxay uun anfici doontaa kuwa rabo in  dimuqraadiyadda aysan ku xidideysan dalka.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

1 COMMENT

Leave a Reply

Most Popular

Waa Maxay Sababaha Fashiliyay Dib U Doorashadii Xasan Sheikh Maxamuud ee 2017kii?

Sanadkii labaad oo lagu qabtay dalka gudahiisa doorashada madaxweynaha ayaa xaqiijisay in xitaa dimuqraaddiyada daciifka ah ay dhali karto isbeddel siyaasadeed haba...

Ciyaarta Khaliijka – Imaaraadka oo Fashilmay, Qadar oon Is-dhiibin iyo Soomaaliya oo La Iibsan!

Talaadadii January 5, 2021 saacado ka dib markii Dooxa laga qaaday xannibaaddii ayaa Amiirka Sacuudiga Maxammed bin Salmaan garoonka diyaaradaha Al-Culaa ku soo...

Sheeko Madmadow Leh – Maxay Soomaaliya Uga Dhigan Tahay Xubinnimada Kenya ee Golaha Amniga?

Jimcihii January 2, 2021 waxaa si rasmi ah u bilaabmay muddadii labada sanadood ahayd (2021-2022) ee Kenya ay xubin aan joogto ahayn...

An Emboldened Horn of Africa Axis and an Unfolding Humanitarian Crisis Await the Biden Administration

By Guled Ahmed Summary The Biden Administration is set to face a series of challenges in...

Recent Comments

%d bloggers like this: