Wednesday, December 6, 2023
Home Dib U Eegis Buug Taariikh Nololeedka Rashiid Xaashi

Taariikh Nololeedka Rashiid Xaashi

Rashiid Xaashi, waa qoraa reer Jabuuti ah, wuxuu ku dhashay Borame 1da Disembar 1977. Waxbarashadiisu waxuu ku qaatay dalka  Faransiiska dugsiyadiisa ugu wanaagsan. Waxbarashadiisuna waxay ahayd injineer, balse wuxuu doortay inuu noqdo qoraa tiraab iyo maanso oo uu ku qoro afka faransiiska.

Rashiid inkastoo uu jiro 44 sano misna buugaagta uu qoray, intaan ka warqabno, waa ku dhawaad konton bug isugu jira maanso (Aan ka yarayn labaatan) iyo sheekooyin dhaadheer iyo gaaggaabba leh. Waa dhif nin da’daas ah misna tira intaas la eg oo buuugaag ah curiyay.

Marka aan arkay tirada badan ee buugaagtiisa waxaa durbadiiba maankayga ku soo dhacay qoraa Beljiig ahaa oo afka faransiiska ku qori jiray lixdameeyadii taniyo siddeetameeyadii sheekooyinka detective story (Dembi baaris)oo la oran jiray  Georges Simenon (1903-1989) oo waagii aan da’yarayn akhrisan jirnay buugaagtiisa, gaar ahaan tixanaha Kormeere Maigret. Qoraagan Buugaagtiisa iyo qoraalloada kale waxaa lagu qiyaasay wax ka badan 400. Rashiid qudhiisa wuxuu qoray hal sheeko ah nooca dembi barista ah  ama loo yaqaan detective story.

Rashiid Xaashi wuxuu ahaa sarkaal sare ee ciidamada qalabka sida ee dalka Jabuuti oo uu u ahaa afhayeen. Haseyeeshe, sheeko gaaban malaawaal ah oo cinwaankeedu ahaa « Les Al Capone du lait »  ayaa  sababtay in la xiro -14.3 ilaa 15.3, 2018- aqalkiisana la baaro kaddibna laga saaro ciidamada.

Nasiibdarro, dalal fara badan ee Afrika iyo Bariga dhexe ayaa sidaas loo cabburiyaa qorayaasha iyo indheergaratada afkaartooda. Dhaqanka aan dulqaad habayaraatee u lahayn indheergaratadka, qooraayaasha, weriyayaasha iyo suugaanyahannada haddaysan  u ahayn hayin kooxda talada dalka markaas faraha ugu jirto waa waxa sababa inay dadkani ka hayaamaan dalkoodi oo ay gabbaad u doontaan dalal shisheeye halka ay wax weyn u tari lahaayeen ummaddooda.

Rashiid buuggiisi ugu horreeyay wuxuu ahaa: L’Enfant de Balbala (Gabankii Balbala) ahna buugga Rashiid oo logu akhris badan yahay. Faallooyinka laga qoray buuggan aad baa loogu ammaanay. Nasiibwanaag, buuggani waxaa la heli karaa isagoo u turjuman afka-Ingiriisiga: The Kid of Balba, 2007 (Amazon iwm.). Waxaana laga iibsan karaa isagoo xaashi ah ama isgoo eBook ah, hadba kuu doono akhristaha. Waxuu sannad ka dib soo saaray sheeko kale: La Couronne de Negus, 2008 (Taajka Neegus-ka).

Qaraxii Muqdisho ka dhacay agagaarka Isgoyska Soobbe 14 Disembar 2017 wuxuu Rashiid ugu baroordiiqay buug  maansooyin ah oo uu ugu magacdaray Mogadishu (Muqdisho) wuxuuna ugu deeqay dakhliga buuggaas kasoo gala in lagu taakuleeyo dadkii ay masiibadaas wax ku gaareen. Buuggaan isagana waxaa la heli karaa isagoo ku u turjuman af-Ingiriisiga, xaashi iyo eBook, iyadoo weliba dalkhliga uu aadayo dadkii uu Rashiid ugu talaggalay.

Goor aad u dhaw JAMHURIYADDA  waxay akhristayaasheeda usoo bandhigi doontaa Faallo la xiriirta buugga Le Pacte Du Silance, Le Drame De L’Immigtration (Wacadka Aamuska, Xasarada  Hijrada)  oo uu sida cinwaanka muujinayo la xiriira arrimaha tahriibka.

Rashiid buugaagtiisa waxay ku saabsan yihiin mashaakillo badan oo aan ku koobnayn keliya Jabuuti , oo ay buugagtiisa badidooda la xiriiraan, balse saameyn weyn ku leh Geeska Afrika oo idil.Tusaale ahaan: Destins brisés (Qaddarka Baaba’ay), wuxuu la xiriiraa mashaakilka ururrada diineed ee xagjirka, gaar ahaan Al-Shabaab; Wiil Waal, Le Despote Somaal (Wiil Waal, amarkutagle Soomaal), waa sheeko taariikhi ah; Letres de Gabode,(Warqadaha Gaboode) mashaakilka bulshadeed ee Jabuuti iyo qoyska, qaatka, iwm.

Rashiid waa qoraa waayaaragnimo dheeraad ah ku leh qoraalka, buugaagtiisa kama marna mashaakilka aad agaggaarkaaga ku arkaysid.

Axmed Qaasim Cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments