Friday, January 15, 2021
Home Diblomaasiyadda Soomaaliya Diyaar Ma u Tahay Bixitaanta Ciidamada Mareykanka?

Soomaaliya Diyaar Ma u Tahay Bixitaanta Ciidamada Mareykanka?

Toddobaadkii dhawaa ayaa Ku-simaha Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Christopher Miller ee la magacaabay November 9dii booqashadii ugu horraysay ee calami ah ku yimid Soomaaliya. Boqashadu waxay ku soo beegantay xilli walaac ka taagan yahay qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee dib u celinta ciidamada Mareykanka ka joogga Soomaaliya. 

In ka badan rubuc qarni, ayaa Soomaaliya oo kaashanaysay beesha caalamka la tacaalaysay dib u dhiska ciidan hannaan qaran leh. Himilada waxay ahayd in xal loo helo amni la’aanta dalka, ciidamada AMISOM-na lagala wareego xilka sugidda amniga dalka, si loo furo waddooyinka isku xira degmooyinka inta ka horreysa doorashada 2021.

Sidii qorshuhu ahaa ciidamada Xoogga Dalka waxay si qunyar u bilaabeen inay xilka kala wareegaan kuwa AMSOM, walow aan si dhammaystiran loo qalabayn. Mareykanka waxuu ka mid yahay dalalka sida hagar la’aanta ah u tababbara ciidamada Soomaaliya ee sida gaarka ah loogu tababbaray hawlgallada lama huraanka ah. 

Walwalka la wajahayo waxaa ugu weyn xasilloni la’aan amni ee xilliga doorashooyinka. Dalku waxuu dhowr toddobaad kaddib gudaggeli doono doorashooyinkii xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo madaxtooyada. 

Sida ku xusan maqaal uu qoray wargeyska Bloomberg ku dhowaad dhammaan ciidamada Maraykanka waxaa Soomaaliya u soo diray maamulka Trump. Safarka Christopher Miller waxuu u muuqaday mid lagu xoojinayo ballanqaadkii la dagaallanka kooxaha xagjirka maadaama Gaashaandhigga “Pentagon-ka” aysan ilaa hadda si rasmi ah u soo bandhigin jadwalka ka saarista ciidamada, taas oo abuuri lahayd marnaansho ciidan awood leh.

Seddaxdii sanadood ee la soo dhaafay dalku waxuu horumar muhiim ah ka sameeyey hawlgallo militari oo wadajir ah oo ay ciidanka Danab udub dhexaad ka ahaayeen, kana qeybgaleen kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, AMISOM iyo daroonnada Mareykankana.

Horumarkaas ma suuraggeli lahayn haddii aan la heysan tababarka, qalabeynta iyo taakuleynta dowladdaha ay ka midka yihiin Mareykanka iyo Turkiga.  Ciidamada Soomaaliya aad ayey niyadoodu u wanaagsan tahay marka ay helaan taageero xagga hawada ah, sirdoonka iyo sahanka.

Intaas waxaa dheer, in joogista Mareykanka ay si dadban dalal badan ugu dhiiriggelisay inay Soomaaliya gacan ka siiyaan dib u dhiska amniga si ay u sugto dhulkeeda.

Balse fadhigii Golaha Amniga ee QM ee November 12, 2020 ayaa mar kale sannad la joogteeyay cunaqabataynta hubka. Waxaa kaloo muddo sannad ah lagu kordhiyay muddada Guddiga Khubarada Kormeerka “Panel of Experts”; taasoo la gaarsiiyey ilaa December 15, 2021. Qaramada Midoobey waxay arrinta cunaqabataynta Soomaaliya go’aan ku qaataan keliya warbixinta guddiga “Panel of Experts” oo runtii si weyn lid ugu ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dooneysa inay dhisato ciidan hanan kara amniga dalka.

Su’aashu waxay tahay sidee ciidan qaran ku dhismaa haddii aan loo oggoleen inuu hub iyo saanad ka duwan midka tababarka ciidamada ku qaataan helaan?

Si kasta oo dawlado ay horseed ka yihiin Turkiga, Qadar iyo saaxiibbo kale ay u dadaaleen in cunqabataynta hubka laga qaado ama laga fududeeyo Soomaaliya, haddana xoogga Qarbiga oo uu Maraykanka horseed u yahay way mari waayeeen. Taas waxay daliil u tahay aragtida qabta in reer Galbeedku marnaba dooneyn in Soomaaliya yeelato ciidamo cudud leh.

Isbeddelka siyaasadda Mareykanka iyo bixitaanka ciidamada ka joogga Soomaaliya waxay dhaawici doonaan amniga gobolka iyo danaha Mareykanka ee mustaqbalka, iyadoo dhinaca kale dacaayad u noqon doonta sheegashada xagjirka inay ka difaacayaan dalka shisheeyaha ku soo duulay islamarkaasna ay awood caalami ah [Maraykanka] ay ka ceyriyeen dalka.

Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo xeeldheerayaasha amaanka iyo diblomaasiyadda Mareykanka ayaa walaac aad u weyn ka muujiyey ka bixitaanka ciidamada, taas oo si xun u dhawacaysa siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka iyo dib u soo kabashada dowladnimada Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa suuroggal ah in taas ay jid u furi doonto Shiinaha iyo Ruuska oo mar dhow heshiis saldhig ciidan la galay Sudan. Gobolku waxuu durba wajahayaa masiibo bina’aadamnimo oo la xiriirta dagaalka Itoobbiya iyo xasillooni darrada Sudan oo ay weheliso muranka biyaha Nile ee u dhaxeeya Masar iyo Itoobbiya. 

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Waa Maxay Sababaha Fashiliyay Dib U Doorashadii Xasan Sheikh Maxamuud ee 2017kii?

Sanadkii labaad oo lagu qabtay dalka gudahiisa doorashada madaxweynaha ayaa xaqiijisay in xitaa dimuqraaddiyada daciifka ah ay dhali karto isbeddel siyaasadeed haba...

Ciyaarta Khaliijka – Imaaraadka oo Fashilmay, Qadar oon Is-dhiibin iyo Soomaaliya oo La Iibsan!

Talaadadii January 5, 2021 saacado ka dib markii Dooxa laga qaaday xannibaaddii ayaa Amiirka Sacuudiga Maxammed bin Salmaan garoonka diyaaradaha Al-Culaa ku soo...

Sheeko Madmadow Leh – Maxay Soomaaliya Uga Dhigan Tahay Xubinnimada Kenya ee Golaha Amniga?

Jimcihii January 2, 2021 waxaa si rasmi ah u bilaabmay muddadii labada sanadood ahayd (2021-2022) ee Kenya ay xubin aan joogto ahayn...

An Emboldened Horn of Africa Axis and an Unfolding Humanitarian Crisis Await the Biden Administration

By Guled Ahmed Summary The Biden Administration is set to face a series of challenges in...

Recent Comments

%d bloggers like this: