Xaliima Aaden oo ah gabadh Soomaali-Americaan ah, oo ku soo caanbaxday quruxda “xijaaban” ayaa toddobaadkii dhawaa go’aansatay inay iskaga harto tartamada quruxda dharka caqiidadeeda awgeed.
Asturnaanta Xaliima, ayaa si dhab ah u soo jiidatay dareenka dumarka dunida. Waxay noqotay haweeneydii ugu horraysay ee xijaaban oo ka muuqata jildiga wargaysyada astaanta u ah xayeysiinta quruxda haweenka sida “British Vogue Magazine, Allure iyo Glamour”.
Waxaa kaloo lagu soo bandhigay iyadoo lebbisan xijaabka dabaasha (hijab and burkini) wargeyska “Sports Illustrated”. Waxay noqotay safiirka mutadawiciinta UNCEF ee xerada qaxootiga Kakuma – Kenya.
Xiisaha loo qabay habka ay u lebbisato xijaabka ayaa keentay in loogu magac daray “trailblazer”(Qofka ugu horreyo oo jidka dadka kale u furo). Gabadha waxay horrey cagta ugu soo dhufatay dhowr soohdimood oo lagu hakinayay gabdhaha muslimka ah.
Xaliima waxay qaadatay go’aan geesinimo leh kaddib markii ay ku dhawaaqday inaysan ahayn inay tanaasul ka samayso caqiidadeeda si ay u raaliggeliso warshadaha dharka.
Xaliima waxay isku dayday inay lebbiskeeda waafajiyo rabitaanka warshadaha dharka iyo quruxda, taas ayaana sababtay inay ku sigato inay simbiririxato. Iyadoo ka qoomamayneyso gefka ayay si geesinimo leh u soo dhigtay barta bulshada qoraal raalliggelin ah oo ay gaar ahaan ku hagaajisay dumarka muslimka ah oo u eeganayay inay ku dayasho mudan tahay.
Xaliima Aaden waxay qaadatay go’aanka ah inay si kale u wajahdo shaqadeeda, waxayna qorsheyneysaa inay noqoto wakiilkii ugu horreyay ee Soomaaliya ee “Miss Universe.”
Burhan Rooble
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.