Saturday, September 30, 2023
Home Dib U Eegis Buug Faallo La Xiriirta Buugga: Le Pacte Du Silence - Le drame de...

Faallo La Xiriirta Buugga: Le Pacte Du Silence – Le drame de l’immigration

Buugga aan halakan ku falangaynayo waa “Wacadka Aamusnaanta, xiisaha hijrada, “ oo uu qoray Rashiid Xaashi [LE PACTE DU SILENCE, le drame de l’immigration, Rashiid Hashi, Les Editions Soleil Levant, 2018]. Ruuxa booqda dalalka Geeska Afrika iyo Jabuutiba waxa ay ugu muuqan  karaan dalal  caadi ah, balse xaqiiqda sidaas way ka fog tahay. Waxaa sidaas ina tusaya qoraaga buugga Rashiid Xaashi. Aaggan waa  sida folkaano  (volcano) uurka ka karaya heerka kulkiisa uu aad u sarreeyo haseyeeshee, mararka qaarkood furka ayuu aayar tuuraa  kaddibna soo dilqaa  laafa (lava) kulul oo kulkeeda dhulka gubaysa.

Jabuuti waxaa ku nool dad kala duwan, dabaqooyin kala sarreeya, mid waa dad hanti leh mid kalena waa dad cayr ah. Da’yarteeduna waxaa hor-yaalla caqabado aan laga tallaabsan karin oo qoysaska, dhaqanka bulshada, ama maamulka dalkaba ay sababaan; marka ay tahay qoyska, ama marka ay tahay dhaqanka bulshada iyo taliska dalkaba mar waliba waa cabburin, xal la’aan,  shaqa la’aan, mustaqbil la’aan,  kadeed joogta ah, marna waa quursi iyo liid joogta ah. Rashiid Xaashi si waxyaabahan uu inoo tuso wuxuu door biday in mawduuca Tahriibka uu abbaaro.

Aan dhadhansanno erayadiisa: “Kolka aad ka eegto [dalka] meel fog,  waxaad odhanaysaa wuu dhawrasan yahay, waadiyadiisoo engagga ah, buurihiisa basaaltiigga madow ah (basaltic ), kaymihiisa  qodoxda mirann ah, [laamahood] isu laacayaan [..] reer guuraagiisa qaar  qaawan oo miyiga meermeeraya oo ay dabaysha kulule khamsiinka karbaashayso. Misna, wax waliba way guurayaan. Dhulka [misna] sidoo kale nolosha.  Damiirlaawaha ayaa bulshada ku haga musuqa iyo monkarka. Himilooyin la hungeeyay oo ku  banjaray tunka caatada ah ee reer miyiga. Caddaala-darrada bulshada lagula dhaqmo waxay curyaamisaa muwaaddinka, waxay shiiddaa uurkujirtadiisa waxayna ku riixdaa inuu ku faafiyo kacdoonkiisa neeftuurka dheer leh  lama maqlaanka ahrugaha fadhikudirirka.

Rashiid wuxuu ararta buugga ku sifeynayaa in labadan adduun oo kala duwan kuna kala tilmaaman tanaad iyo cayr ay deris yihiin, isbarbar socdaan “soohdinta u dhexaysana ay tahay mid aan si quman loo daeemi karin”.

Buugga tahriib keliya kuma koobna, wuxuu fikrad ka siinayaa nolosha dhawr magaalo oo ka mid ah dariiqa tahriibka gaar haan Caasimadda, xaafadda Guudka iyo sida nolosha halkan  ay uga duwan tahay midda dadweynaha, Cali Sabiix iyo sida jaadka uu saameeyo nolosha magaalada, iyo  ugu dambayntii Tajuura.

Rashiid wuxuu usoo xulay sheekadan jilaayaal dhawr ah sida: Musdhafa iyo Hodan, Cali “Reer baaddiye” iyo Mooge. Afartan jilaa waa dadka -jiritaankooda, dhaqankooda, iyo himilahoodaba- ay ku u idil yihiin dhammaan tilmaamaha iyo astaamaha uu qoraagu ku sarbeebay ararta kuna qeexaye cutubyada qaarkood ee buugga oo runtii ah furaha farriinta uu buuggani xambaarsan yahay. Dabcan buugga dad kale oo fara badan ayaa ku xusan oo uu ka hadlayaa gaar ahaan kuwa tahriibka shaqa ku leh.

Cali Reer baaddiye waa nin Jaarso[i] ah oo reer Jigjig ah. Jaarsaha waxay wax ka dega Gaalbeedka (Ama Gobolka Soomaalida ee Itoobbiya) oo taarikhda aagga ay u saamaysay si ba’an. Cali wuxuu go’aansaday inuu tacabburo oo uu tahriib galo. Musdhafa, wuxuu ka yimid Cali Sabiix (Waa Assajog/Asajoog[ii]), waa wiil caadi ah waxbarashadiisa dhammaystay balse aan mustaqbil iyo shaqo uga jeedin dalkiisa, sidaas daraaddeed tahriib ayuu go’aansaday.

Hodan, waa inan da’ yar oo ka dhalatay qoys aad u ladan  aysan waxba ka maqnayn misna u adkeysan weysay cabburidda qoyskeeda oo gaarsiiyay in la dayriyo; iyaduna waxaay wax ka dayday tahriib iyo inay u cararto dal shisheeye. Mooge  waxaa dhashay islaan qoys gob ah ka dhalatay –Ina Suldaan- balse la dayriyay guur khaldan aawadiisa. Wiilkeeda Mooge aabbihiis ma uusan baran waxaana lagu sheegay inuu ka yimid Koonfurta Soomaaliya ama inuu Oromo yahay oo siduu u tagay aan dibba soo eegin. Mooge waxaa loogu wici jiray wecelka. Hooyadiisa waxay ula guurtay Boorame waxayna ka degtay mel ku qabsan “Qashinqub”  oo ay ka dhigatay il-nololeed. Mooge markan magicii wecelka waxaa loogu beddelay wiilka qashinqubka. Isagoo kadeedkaa  ku jiro ayay misna hooyadii geeriyootay markuu 12 sano jirsaday. Saaxiibka keliya oo uu ifka ku  lahaa wuxuu ahaa ey yar oo dibad joog ah. Mooge wuxuu arki waayay nolol iyo mustaqbil uu ku tiirsan karo. Isna wuxuu go’aansaday tahriib.

Buugga tahriibka si faafahsan ayuu uga hadlaayaa. Rashiid wuxuu inoo sheegayaa in tahribka  uu yahay “safar aan magac lahayn, dadka safraayana aqoonsi lahayn. Waxaa laga hadlayaa tahriib iyo tahriibayaal. Waa socdaal ka billaabanayaa mel kuna dhamaanaaya lamayaqaanka.”  Tahriibayaasha talo farahooda kuma jirto taladoo idil waxaa iska leh tahriibiyaha. Waa socdaal badanaaba dadkiisa ay geeri fool xun sugaysa. Waa socdaal jadwalka, dariiqa iyo dalalka la marayo, qiimaha, nooca gaadiidka lagu safrayo dhammaan  la-tahriibiyaha uusan talo ku lahayn, misna uusan ka dhiidhin karin sababtoo ah mustaqbilkiisa ayaa ku xiran –waa sida uu aaminsan yahay.

Baaris dawladeedna kama salgaari karto saa cid xog oggol inay siiso lamaba heli karo. Magaalooyinka ugu dambayntii laga tahriibana, sida Tajuura, dadkeeda aamusnaanta ayay doorteen. Waa shib iyo aamusnaan. Waa wacadka Aamuska! Le Pacte Du Silance. La-Tahriibayaashana  waa cad hadba sida la rabo  loo rogo. Waxa keliya aan ka maqnayn waa rajada iyo ku qanacsanaan inaysan jirin meel ay dib ugu noqdaan.  Shandado ama baagag warkooda daa; hantida loo oggol yahay latahriibiyaha inuu qaato waa wax le eg kolayga gabdhaha ay caadi ahaan u sitaan.

Hasyeeshee, Musdhafa wuxuu barasho la wadaagay Hodan waxaana dhexdooda ka dhashay kalgacayl rajo ku dhaliyay Musdhafa inuu nolol hor leh oo wanaagsan la yeelan karo Hodan. Dhegayso Rashiid oo ka faalloonayo xiriirkan “Sheekadani waa masaafada labadan aadani oo wax waliba ay kala fogaynayaan, balse qaddarka si murugo leh isugu keenay.” Cali-na sidaasoo kale wuxuu Mooge la wadaagay barasho. Ugu dambayntii dariiqa socdaalka waa la beddelay marka laga soo sheegay guluf colaadeed inay ka dillacday soohdinta Jabuuti iyo Eritrea, waxaa afka la aaddiyay Yaman. Masiibaduna way horreysaa.

Axmed Qaasim Cali


[i] Waa dadka mararka qaarkood la yiraahdo Wardeey uu Taliskii Meliteriga Soomaaliya uu bixiyay “Soomaali abbo”. Dadkan waxay isku tiryaan Soomaali waxayna ku hadalaan af-Soomaaliga, balse waa la ciriiriyaa waana la quursadaa.

[ii] Asajoog/Assajog, waa magac loohu yeedho dadka gobolka Cali Sabiix deggan ayuu noogu sheegay Qoraaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments