Wednesday, September 22, 2021
Home Gudaha Goormaa Dilalka Qoorshaysan ee Birima-Geydada Heli Doonaan Caddaalad!

Goormaa Dilalka Qoorshaysan ee Birima-Geydada Heli Doonaan Caddaalad!

Waxay ahayd 26-kii Oktoobar markii koox hubaysan ay bartamaha magaalada Kismaayo ku dileen Madaxii Shirkadda Amal faraceeda Kismaaayo Cabdullahi Cabdisalaam Sheikh Axmed (shig-shigow). Inkastoo goobta dilka uu ka dhacay ay soo gaareen ciidanka boliiska, misna kuma aysan guulaysan inay gacanta ku soo dhigaan dooxatadii dilka geysatay. Balse booliiska degmada waxay ballanqaadeen inay baaritaan ka furi doonaan kiiska dilka.

Goobjooge ayaa sheegay in marxuumka laga toogtay madaxa iyo xabadka, taasoo sababtay inuu isla-goobta ku geeriyoodo. Sida ay goobjoogayaasha xaqiijinayaan  waxaa dilka loo adeegsaday  qori  AK-47 ah. Kooxda dilka fulisay waxay ku baxsadeen gaadhi aan sumad (targa) la’aan ah.

Durbadiiba waxaa soo baxay warar sheegaya jiritaanka khilaaf kala dhaxeeyay Marxuum Cabdullahi Shig-shigow iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta magaalada Kismaayo ka taliya. Marxuumka waxuu dad ku dhow u sheegay in “DIL” loogu hanjabay!

Golaha Amniga Jubbaland kulan uu ku yeeshay magaalada Kismaayo 28-kii Oktoobar ayaa lagu go’aamiyay in sida ugu dhakhsaha badan lagu dhamaystiro baaritaanka falkaas. Kulankaas waxaa shir guddoominayay Madaxweyne Ku-Xigeenka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (luga-dheere).

Aaska Cabdullahi Shig-shigow kaddib, waxaa baraha bulshada la soo dhigay cod laga helay telefoonka gacanta ee marxuumka oo soconaya 2 daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi (2:20). Waxay ahayd wada-sheekaysi dhexmaray Marxuum Cabdullahi Shig-shigow iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (luga-dheere)!

Dad aqoon dheer u lahaa Marxuumka waxay xaqiijiyeen in mid ka mid ah codka uu yahay kii Cabdullahi Shig-shigow, halka ay dad badan oo aqoon u leh Madaxweyne Ku-xigeenka caddeeyeen in codka kale uu yahay kan Cabdulqaadir Luga-dheere. Inkastoo dalka aysan ka jirin “Forensic audio transcription,” haddana haddii si qumaati ah loo xaqiijiyo, iyadoo lala kaashanayo khabiiradda aqoonta u leh kala-saaridda dhawaaqyada hadalka (phonology) waxay ka dhigan tahay in la helay kiiska afkiisi!

Sida ay ku doodayaan dad khibrad u leh amaanka, kiiska waxaa qayb ka ah Shirkadda Amal oo diidday inay bixiso dhaqaale  uu Maamulka Jubbaland ka doonayo Amal Bank. Dilka loo geystay Cabdullahi Cabdisalaam waxuu iftiiminayaa tacaddiyada ay shaqaalaha shirkadaha gaarka loo leeyahay u shaqeeya kala kulmaan kooxaha geysta dilka abaabulan, kuwaasoo iskugu jira xagjirka Alshabaab  iyo madaxada maamulladda ku tagri-fala awoodooda (power abuse)! “Hal nin gurrani dheelmiya, dhanna uma fayooba.”

Shirkadda Amal Express waa inay kiiska dilka Cabdullahi Shig-shigow aysan fududaysan, maadaama marxuumka loo dilay “Go’aan” ay gaareen Madaxda Sare ee Shirkadda, sida ku cad codka laga helay talefoonka gacanta ee marxuumka. Shirkadda Amal Express waxay awood u leedahay inay kiiskan u kirayso “Garyaqaanno Sare,”  si “gal-dacwadeed” looga furo Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka, iyo maxkamadaha Galbeedka, maadama ay xawaaladooda ka shaqayso 22 dal oo ay ku jiraan Maraykan iyo Midowga Yurub.

Waxaa wax lala yaabo ah, in “Dharaar” cad gaadhi aan sumad sidan lagu dhex-wato gudaha Kismaayo, iyo in dil-fuliyaasha adeegsadaan qori AK-47, kana baxsadaan goobta! Saddexdaas arrimood waxay falka dilka ku riixayaan ku-lug-lahaanshaha maamulka! Waxaase  intaas dheer, in masuuliyadda falka dilka aysan sheegan Ururka Alshabaab, oo horay looga bartay in si aan gabbasho lahayn ugu faanaan dilalka ay fuliyaan, sida dilkii ay gudaha Kismaayo ugu geysteen Guddoomihii Rugta Ganacsiga Jubbalnd Marxuum Shaafi Raabi Kaahin. Dilkaasoo uu fuliyay qof isniidaamiye ah maalinnimo Jimco ah, Septembar 11, 2020.

Qaabka ay Ururka Alshabaab u fuliyeen Dilka Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Shaafi Raabi Kaahin waxay caddayn u tahay in amaanka magaalada Kismaayo uu aad u adag yahay. Isla-markaasna Alshabaab ay waayeen fursad aan ahayn  “ismiidaamin.”

Kismaayo waxaa horay loogu dilay dad fara badan oo “birimo-geedho” ah, kuwaasoo iskugu jira oday-dhaqameed, siyaasiyiin, iyo ganacsato, oo dhamaantood aan la ogayn cidda ka dambaysa dilkooda, marka laga reebo kuwa ay masuuliyaddooda sheegtaan Alshabaab. Taasoo ka dhigan inay jiraan dhinacyo aan ahayn Alshabaab oo fuliya dilalka qorshaysan!

Haddaba waxaa jira laba su’aalood oo ka guuxaya maanka dadka damiirkoodu nool yahay: (1) goorma ayuu Cabdulaahi Shig-shigow, iyo dadka la midka ah, oo la dilay sanadihii la soo dhaafay  ay heli doonaan caddaalad? iyo  (2) goormaa ay soo af-jarmi doonaan dilalka qorshaysan ee loo gaysanayo birimo-geedhada, iyo  la-xisaabtan la’aanta dhagar-qabayaasha ka danbeeya dilalkaas!

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Waa Maxay Ujeeddada Ka Dambeysa Duullaanka Lagu Beegsanayo Jiritaanka Sirdoonka Qaranka?

Tafiftiraha Jamhuriyadda Fahad Yaasiin iyo Hay’adda Nabadsugida NISA ayaa wajahaya duulaamo siyaasadeed iyo mid sirdoon oo uga imanaya...

In Escalation over Submarine Deal, France Recalls Envoys from U.S. and Australia

By John Irish and Colin Packham, David Brunnstrom, & Humeyra Pamuk PARIS/CANBERRA/WASHINGTON, Sept 17 (Reuters) - France plunged into an unprecedented diplomatic crisis with the...

Muuse Suudi iyo Dottor Dufle oo Doorasho Hufan ku Harqiyey Rajadii Daaci iyo Tarzan

Tafiftiraha Jamhuriyadda Badanaa ciyaaraha kubadda cagta ayaa ka dhaliya bulshada dhexdheeda muran kulul oo socda bilooyin. Marka laga...

Maxaa Ka Dhalan Kara Dastuur Qabya ah, Damac Siyaasiin iyo Dano Shisheeye oo Isku Milmay?

Tafiftiraha Jamhuriyadda Khilaaf xooggan ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha soo dhexgalay oo la xiriira Ikraan Tahliil Faarax oo la la’aa tan...

Recent Comments

%d bloggers like this: