Friday, January 15, 2021
Home Diblomaasiyadda Maxaa Kibirkii Uhuru Kenyatta Jibiyey Maxuuse Ka Qaban Karaa Abiy Axmed?

Maxaa Kibirkii Uhuru Kenyatta Jibiyey Maxuuse Ka Qaban Karaa Abiy Axmed?

December 9, 2020 ayaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta kaga hortegay Ra’iisulwasaare Abiy Axmed magaalada Mooyaale ee gobolka Marsabit. Hab naamuuskaan waxuu si aad ah uga duwan kii March 6, 2019 markii uu garwadeenka ka ahaa madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo si loo xaliyo khillaafkii diblomaasiyadeed ee labada dal. Booqasha Abiy waxay ku beegantay xilli adag oo dowladiisu ku hawlan tahay hawlgalka amniga ee gobolka Tigreyga.

Labada madax ayaa si rasmi ah u furay barta looga gudbo xuduudda Kenya iyo Itoobbiya ee Mooyaale, goobtaas oo la filayo inay kordhi doonto ganacsiga iyo canshuuraha labada dal. Dhammaystirka mashruuca waddada Mooyaale iyo Hawaash ayaa iyana la filayaa inay hoos u dhigi doonto qiimaha rarka badeecadaha iskaga gudba labada dhinac. 

Madaxdu waxay sidoo kale kormeereen dhismaha Dekedda Lamu oo loogu talagalay inay isku xirto Kenya, Koonfur Sudan iyo Itoobbiya, balse ay hakisay baqdin Kenya ay ka qaaday dhismaha waddo tareen ee isku xirta Itoobbiya iyo dekedda Sudan.  Dekedaha Casmara (Asmara), Jabuuti, Berbera iyo Port-Sudan ayaa marin ahaan toos u ah ganacsatada Itoobbiya oo ay u badan tahay in mustaqbalka Addis Ababa ay siin doonto muhiimad weyn. 

Amniga iyo Nabadgelyada Gobolka

Inkastoo si rasmi ah aan loo sheegin barnaamijka maalinta labaad ee booqashada, haddana waxaa la filayaa waxyaabaha labada mas’uul ay ka wadahadleen inay ka mid ahayd dhacdadii diblomaasiyadeed ee toddobaadkii dhawaa dhexmartay Muqdisho iyo Nairobi. Madaxweyne Uhuru waxaa soo dhaweynta ku wehliyey mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Arrimaha Dibedda Marwa Raychelle Omamo iyo Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya Janan Robert Kibochi.

In muddo ah hoggaamiyeyaasha dalalka Eritrea, Itoobbiya iyo Soomaaliya ayaa ka wada shaqeynayay dhismo iskaashi amni iyo dhaqaale oo saddex geesood ah. Marar badan Soomaaliya waxay kaga badbaadday xeeladda xoogsheegashada Kenya is-xakamadeyn iyo iskaashiga “Horn of Africa Cooperation” oo ay xubinta ka tahay.

Dalal ay ka mid tahay Kenya ayaa dareensaday iskaashiga una arkay mid halis ku ah urur goboleedyada kale ee Bariga Afrika. Ujeeddada iskaashiga waxay ka dhalatay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin: (1) Caqabadaha ka jirta amniga; iyo (2) Suurtaggalnimada is-dhexgalka dhaqaalaha iyo ganacsiga ee saddexda dal.

Jilaalkii sanadkii tegay Madaxweyne Isaias Afwarki iyo Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed ayaa kula taliyey Madaxweyne Uhuru Kenyatta in ismaandhaafka Muqdisho iyo Nairobi lagu xalliyo wadahadal diblomaasiyadeed, balse Nairobi ayaa ka cagajiidday dadaalkii  siina wadday murankeedii.

Somaaliya waxay ka mid tahay isbeddellada ka soo ifbaxay Geeska Afrika oo Kenya u baahan tahay inay ku baraarugto in hoggaanka maanta ka duwan yahay midkii ay hore ay ula macaamilli jirtay.

Dhinaca kale, Mudane Abiy waa inuu ka dhaadhiciyaa Mudane Uhuru in dantiisu ay ku jirto inuu Madaxweyne Farmaajo kula fariisto miiska wadahadalka is-ixtiraam niyad sami ku dheehan tahay. Soomaaliya waxaa si dhab ah uga go’an inay wadahadal nabadeed ku xalliso dhammaan arrimaha ka dhex taagan labada dal marka laga reebo faraggelinta gudaha [Jubbaland] iyo dacwada badda hortaal Maxkamada ICJ.

Balse taas waxaa ka horreysa dhowr arrimood oo kala ah: (1) In Kenya ay faraha kala baxdo arrimaha siyaasadda Soomaaliya; (2) In la dagaallanka burcad badeedda aysan ku waxyeellayn danaha Soomaaliya; (3) Inay isku dayay in isbahaysatadeeda badda ay carqaladeyaan sahminta shidaalka Soomaaliya; iyo (4) Inay si nabadgeliya ah u qaadato garta Maxkamadda ICJ.

Ma aha wax qorsoodi ah in uusan jirin wax is afgarad ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi. Sidaas awgeed Kenya waa inay garwaaqsataa in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay la ganacsato cidda ay doonto. 

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Waa Maxay Sababaha Fashiliyay Dib U Doorashadii Xasan Sheikh Maxamuud ee 2017kii?

Sanadkii labaad oo lagu qabtay dalka gudahiisa doorashada madaxweynaha ayaa xaqiijisay in xitaa dimuqraaddiyada daciifka ah ay dhali karto isbeddel siyaasadeed haba...

Ciyaarta Khaliijka – Imaaraadka oo Fashilmay, Qadar oon Is-dhiibin iyo Soomaaliya oo La Iibsan!

Talaadadii January 5, 2021 saacado ka dib markii Dooxa laga qaaday xannibaaddii ayaa Amiirka Sacuudiga Maxammed bin Salmaan garoonka diyaaradaha Al-Culaa ku soo...

Sheeko Madmadow Leh – Maxay Soomaaliya Uga Dhigan Tahay Xubinnimada Kenya ee Golaha Amniga?

Jimcihii January 2, 2021 waxaa si rasmi ah u bilaabmay muddadii labada sanadood ahayd (2021-2022) ee Kenya ay xubin aan joogto ahayn...

An Emboldened Horn of Africa Axis and an Unfolding Humanitarian Crisis Await the Biden Administration

By Guled Ahmed Summary The Biden Administration is set to face a series of challenges in...

Recent Comments

%d bloggers like this: