Saturday, April 10, 2021
Home Diblomaasiyadda Sidee Dagaalka Diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Kenya uu u Waxyeellayn Doonaa Kenya?

Sidee Dagaalka Diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Kenya uu u Waxyeellayn Doonaa Kenya?

Soomaaliya iyo Kenya ayaa galay dagaal diblomaasiyadeed kaddib markii xisaab-xumada dowladda Kenya ay gaartay in eeddii loo jeediyay November 29, 2020 ay kaga soo jawaabto casuumaad rasmi ah oo ay u fidisay Mudane Muuse Bixi Cabdi madaxa Somaliland, taas oo u muuqata “ismiidaamin siyaasadeed”.  

Dowladda Soomaaliya oo gudanaysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah ayaa December 15, 2020 ku amartay diblomaasiyiinta Kenya inay dalka uga baxaan toddoba maalin gudahood. Dhacdadu waxay adkeyneysaa cabasho rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliya u gudbisay urur goboleedka IGAD lana filayo in December 20, 2020 looga hadli doono Jabuuti. 

Labada dal ee deriska ah ayaa tan iyo 2011-kii inta badan xidhiidhkoodu qasnaa, balse dhaawaca xiisadda cusub waxuu u badan doonaa dhanka dhaqaalaha Kenya. Inkastoo ay jirto tiro koob kooban, haddana kumaan kun reer Kenya ah ayaa ka shaqaysta Soomaaliya. Maalgelinta Soomaalida ee dalka Kenya waa wax ku dhaw 6 bilyan doolar oo ay dheer tahay 150 ilaa 190 bilyan doolar oo ay u soo dhofiyaan dalka sanadkii.  

July 2019, Soomaaliya ayaa dowladda Gini (Guinea) oo faraggelin ku samaysay midnimada Soomaaliya u jartay xidhiidhkii diblomaasiga. Tallaabadaas waxay diginin u ahayd dalalka kale [sida Kenya] in aysan isku dayin inay ku xadgudbaan qarannimadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya.

Soomaaliya oo ku cibrad qaadatay saamayntii dagaalkii qaboobaa uu ku yeeshay Geeska Afrika ayaa ku dadaashay in si nabdoon ay kaga hortagto siyaasadda ka dhanka ahayd. Waxay ku guuleysatay in iskaashiga saddex-geesoodka ah ku fashiliso munaafaqnimadii nidaamkii isbahaysiga Itoobbiyadii Meles Zenawi iyo Kenya (Arap Moi). Isbeddelka Muqdisho badbaadada ka doontay ayaa habdhaqanka siyaasadeed ee Nairobi dhabqiyey.

Halkii Kenya ay ka qaadi lahayd mas’uuliyada oo ay ka raadin lahayd hab lagu xasilo ayay dhaqan ka dhigatay falal cadaawadeed, eedeymo soo noqnoqday oo aan sal iyo raad toona lahayn, bayaanno xanaf leh, dafiraad iyo aflagaaddooyin taxane ah. Afhayeenka dowladda Kenya Cyrus Ogona oo warbaahinta la hadlayay ayaa qaab is-diidsiis ah ku yiri, “Waxaan nahay ummad sareysa, (We are a higher nation) ma sameyn karno wax la mid ah wixii ay Soomaaliya sameysay, ….” (The Star 16/12/20). 

Warbaahinta Talyaaniga oo dib u baaris ku sameysay afduubkii Silvia Romano ayaa soo bandhigtay in gabadha loola baxsaday Soomaaliya 10 maalmood kaddib markii mas’uuliyiinta Kenya si ula kac ah u joojiyeen hawlgalkii badbaadinta. Wariyeyaasha ayaa isku raacsan in ujeeddadu ahayd in Soomaaliya “lagu sunto” inay tahay dal fashilay oo hoy u ah arggaggixisada (Super Guida TV- 1/12/2020). 

Xiisadaha karkaraya waxay ka turjumaya iska soo horjeedka danaha Soomaaliya iyo Kenya. Nairobi waxay dooneysaa Soomaali nugul, siyaasad ahaan kala qeybsan oo aan weligeed xasillin. Waxay in muddo ah abaabuleysay fidnoole kasta oo ay heli karto kana soo horjeedo siyaasadda Muqdisho (shisheeye iyo sokeeyaba) oo ay siin karto taageero aan xad lahayn. 

Kenya waxay u baahan tahay inay mas’uuliyad dheeri ah iska saarto ku dhaqanka hab maamuska ganacsiga. Wax ka soo dhoofinteedu waxay keentay khatar. Guddiga Kormeera Soomaaliya iyo Eritrea ee Qaramada Midoobay ayaa warbixin ku helay in sanadkii 2018/2019 dalka Soomaaliya loo soo dhoofiyay ilaa iyo 60 tons “potassium nitrate” oo gebi ahaanteed laga soo raray dalka Kenya, taas oo loo isticmaalay qaarkeed waxyaabaha qarxa.

Shaki kuma jiro, in mowqifka ulakaca ah ee dowladda Kenya qaadatay uu wax u dhimayo isku soo dhawaasha ummadda Soomaaliya, marin-habaabin doonana madaxda maamul-goboleedyada dalka qaarkood. Waxaa laga doodayaa waxa ciidamadoodu dhan 3,600 weli ay ka qabanayaan dalka, halkaas oo taliyeyaashoodu ay ku hawlan yihiin la ganacsiga al-Shabaab. Ficilladaas oo si cad uga hor imaanaya qaraarkii QM ee ​tirsigiisu ahaa 1844 ​ee soo baxay 2008, kaasoo lagu beegsanayey ilaha dhaqaalaha Ururka Alshabaab.

Wax kasta oo sababay ismaandhaafka aan horey loo arag, haddana labada dalba waxay u baahan yihiin inay la yimaadaan niyad wax dhista oo shartooda u rogta wadahadal iyo wadatashi oo ah habka keliya ee wax lagu xalin karo walow, inta Kenya ka baran doonto inay ixtiraanto madaxbannaanida Soomaaliya, ay adag tahay in la arko astaan dhab ah oo muujinaysa in dagaalkoodu uu ku dhow yahay inuu dhammaado.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Waraysi JAMHURIYADDA ay la yeelatay Takhtar Nazim Masinghi, M.D.

Jamhuriyadda - Waxaan ognahay in tallaalka  AstraZeneca ee Jaamacadda Oxford, inkastoy Guddiga Dawooyinka ee Midowga Yurub ay ku taliyeen sida Ururka Caafimaadka...

Real – World Efficacy Rates for Every COVID-19 Vaccine, Based On Age and Symptoms

By Sissi Cao Moderna, Johnson & Johnson and Pfizer (with the help of Germany’s BioNTech) developed three highly...

Siyaasadda Madasha Badbaado Qaran: Ma Cayaar Jogta Ahba Mise Waa Awood Isbeddel Curin Karta?

Xilli siyaasadda dalka ay cakiran tahay ayaa shirkii koowaad ee Madasha Badbaado Qaran (MBQ) oo ay ku bahoobeen Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, Golaha...

Farriinta Maraykanka Maxay Saamayn Ku Yeelan Karta Xasilinta Soomaaliya?

Maamulka Madaxweyne Joe Biden oo dib u hagaajinaya siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka, ayaa u muuqda inuu Afrika ula dhaqmi doono si ka duwan...

Recent Comments

%d bloggers like this: