Wednesday, September 22, 2021
Home Diblomaasiyadda Khatar Lakab Leh - Maxay Siyaasadda Masar ee Geeska Afrika Salka Ku...

Khatar Lakab Leh – Maxay Siyaasadda Masar ee Geeska Afrika Salka Ku Haysaa?

Wafdi ka socda dowladda Masar ayaa December 6, 2020 la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirizaaq xilli dowladda Masar iyo xulufadeeda khaliijka midkoodna uusan si rasmi ah uga guddoomin waraaqadihii aqoonsiga danjireyaashii Soomaaliya u dirsatay dalalkooda. Waa maxay ciyaarta!

November 28, 2020 ayaa safar noqday kii ugu horreyey ee noociisa ah Madaxweynaha Masaarida Cabdel Fatax al-Sisi ku tegay dalka Koonfur Sudan. Booqashada oo ujeeddadeedu maldahan tahay ayaa ku soo beegantay maalintii dowladda Itoobbiya ay gacanta ku dhigtay maamulka magaalada Mekelle ee gobolka Tigray. 

Sidoo kale, safarku waxuu ku soo beegmay Itoobbiya oo si kedis ah u erisay Ergaygii Koonfur Sudan u fadhiyay Addis Ababa saacado ka dib markii Danjirihii u fadhiyay Juba Fisseha Shawl uu isaga ka soo tegay geyigaas. Warar la isla dhexmarayay ayaa sheegay in Danjiruhu qoonsaday in al-Sisi uu la kulmi doono maalintii Axadda madaxii TPLF Debretsion Gebremichael (Sudan’s Post – 29/11/20).

Inkastoo Addis Ababa iyo Juba ay beeniyeen xurgufta, haddana waxay su’aal ka taagan tahay, maxuu Cabdel Fatax al-Sisi ka doonay Juba?

Wax u muuqda niyad wanaag ayaa haddana yeeklan kara weji kale (lakab). Markii shacabka Sudan uu garwaaqsaday in dimuqraaddiyaddu tahay waddada ay ku gaari karaan horumarka ay hiigsanayaan, ayaa dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka oo duullaan ku ah dimuqraaddiyada bilaabeen in Khartoum ay ku harqiyaan ballanqaad dhaqaale.  

Si lama filaan ah, Koonfur Sudan oo tan iyo 2011 cadawtinnimo xun kala dhexeysay Sudan ayaa u arkay Burburkii Al-Bashir fursad ay Khartoum dib ugula yeelan karo xidhiidh saaxibtinnimo. Balse, xidhiidhkii waxaa ka dhashay cawaaqib lama filaan ah oo kharribay xidhiidhkii Kampala, jahwareeriyeyna midka Addis Ababa oo labaduba hiilo u ahaa gooni isutaag dalkaas. 

Si kasta ha ahaate, dib u hagaajinta xidhiidhkiisa Sudan waxuu Madaxweyne Salva Kiir u arkayay inuu kusoo duman (jiidan) karo isbahaysiga carbeed ee Sacuudigu hoggaamiyo oo galaangal toos ah ku leh maamulka Madaxweyne Trump, si uu reer galbeedka dib ugula yeesho xidhiidh. Balse, Juba waxaa filanwaa ku noqotay in dadaalkii ay ka faa’iidday Masar oo xulufo la ahayd Amirrada Khaliijka.

Al-Sisi oo aad u caraysan ayaa durbadiiba bilaabay inuu ka abaabulo saldhig military deegaanka Pakar ee gobolka Maiwut oo ku yaal xuduudda u dhexeysa Konfur Sudaan iyo Itoobbiya (SSNewsNow 19/06/2020).  

Xinta sida xawliga ah u sii kordhaysay ee Addis Ababa iyo Qaahira ayaa sii xumaanaysay markastoo laysku khilaafo buuxinta harada biyoxireenka (Grand Renaissance Dam). War uu soo weriyay wargayska “American Geopolitical Futures” ayaa sheegayay in Masar ay ka codsatay Asmara inay saldhig militari ka siiso xeebteeda Badda Cas. 

Xidhiidhka u dhexeeya labada quwadood ee qaaradda ayaa foodda la galay jar caalami ah kaddib markii ay soo baxday in Qaahira ay ku howlan tahay ololaynta xulufo ka dhalata Geeska Afrika oo ka dhan ah hammiga Turkiga, balse ujeeddo badan ah una eg tii dalalka danwadaagga ku ah colaadda Liibiya. 

Kaba sii darane, al-Sisi waxuu u aragtay Soomaaliya fursad uu ku cadaadin karo Itoobbiya. Hargeysa ayuu wafdi diblomaasi u diray si looga dhaadhiciyo hindisaha saldhig, iyadoo Qaahira la doondooni doonto Somaliland aqoonsi diblomaasi, arrintu waxay ahayd xeelad lagu soo jiito Muqdisho, si ay ula safato Qaahira (Egypt Watch 24/08/2020). Markale, ujeeddada dhabta ah ee Masar iyo xulufadeeda (Sacuudiga-Imaaraadka) ka leeyihiin Soomaaliya ayaa weli ku hoos qarsan luuqadda diblomaasiyadda.

Madaxweyne al-Sisi waxaa xanuun ku noqday iskaashiga seddax geesoodka ee Geeska Afrika oo Muqdisho ku riixay inay dhexdhexaad ka noqoto khilaafka gobolka. Balse, iskaashi dhexmara dalalka gobolka iyo Masar ayaa u adeegaya mustaqbalka dheer xasilloonida iyo horumarka ummadda walaalaha ah.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Waa Maxay Ujeeddada Ka Dambeysa Duullaanka Lagu Beegsanayo Jiritaanka Sirdoonka Qaranka?

Tafiftiraha Jamhuriyadda Fahad Yaasiin iyo Hay’adda Nabadsugida NISA ayaa wajahaya duulaamo siyaasadeed iyo mid sirdoon oo uga imanaya...

In Escalation over Submarine Deal, France Recalls Envoys from U.S. and Australia

By John Irish and Colin Packham, David Brunnstrom, & Humeyra Pamuk PARIS/CANBERRA/WASHINGTON, Sept 17 (Reuters) - France plunged into an unprecedented diplomatic crisis with the...

Muuse Suudi iyo Dottor Dufle oo Doorasho Hufan ku Harqiyey Rajadii Daaci iyo Tarzan

Tafiftiraha Jamhuriyadda Badanaa ciyaaraha kubadda cagta ayaa ka dhaliya bulshada dhexdheeda muran kulul oo socda bilooyin. Marka laga...

Maxaa Ka Dhalan Kara Dastuur Qabya ah, Damac Siyaasiin iyo Dano Shisheeye oo Isku Milmay?

Tafiftiraha Jamhuriyadda Khilaaf xooggan ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha soo dhexgalay oo la xiriira Ikraan Tahliil Faarax oo la la’aa tan...

Recent Comments

%d bloggers like this: