Taariikh nololeedka qoraaga oo kusoo baxay wargayska Jamhuriyadda 29.11.2020, waxaan ku xusnay in buugga Mogadishu oo gebigiisaba maansooyin ahinuu yahay baroordiiqa qoraaga, Rashiid Xaashi, ee dhacdada qaraxii Soobbe ee 14.12.2017 oo ay ugu yaraan ku geeriyoodeen 500 ruux. Waxaan kaloo halkaas ku xusnay inuu dakhliga kasoo gala buuggani [Mogadishu Poems, Rachid Hachi – Les Editions Soleil Levant, 2019, bog. 69], uu ugu deeqay dadkii ay dhacdadaas saamaysay.
Buugga Mogadishu waa buugga 2aad ee kontomeeyada buug oo uu qoray Rashiid Xaashi oo ku tarjuman afka Ingiriisiga. Asliga buugaagtiisa waxay ku qoran yahiin afka Faransiiska.
Qoraaga wuxuu hordhaca buugga ku caddeeyay sababta ku kalliftay inuu maansooyinka ugu baroordiiqo dhacdada qaraxa Soobbe ee murugada lahayd. Rashiid wuxuu horhaca buugga ku yiri: “Masiibadatan haddaan nahay reer Jabuuti aad bay noo lushay waxaana danqaday jirkeenna.
Dadweynaha walaalaha aan nahay ma istaahilin dhiilladan.” Wuxuuna yidhi isagoo sii wata hadalkiisi: “Maalintaas waxaan daawaday TV-ga waxaanna kari waayay inaan joojiyo illintayda. Magaaladan oo aan ku bartay safarradayda waxay la murugoonaysaa dadkii ka geeriyooday, ma ii suurtowdo inaan yeesho jir aan u jixinjixaynin xanuunka haya Soomaaliya.” Wuxuuna ku gunaanaday: “[Akhristow] markaad bogato akhriska maansooyinkan Faataxada u niyoo dhibbanayaashan aan waxba galabsan. Aan u ducayno in maalin [Eebbe] kusoo celiyo nabad Soomaaliya.”
Waxaa kaloo isna ereyo gogoldhig u ah buugga qoray indheergarad Cali Muuse Ciye oo aad ugu taageeray qoraaga buugga iyo mashruuca deeqdaba. Cali Muuse isagana gogoldhiggiisa wuxuu ku yiri: “ [Waa] Gabayo loo galbiyay Soomaaliya. Hab kan habboon oo lagula hadlo dadweynahan [Soomaaliyeed] oo ah dad ay maansadu u tahay habka ugu wanaagsan oo ay iskula xiriiraan. Waa habka ka turjumaya ruuxooda iyo waxa ay u hanqal taagayaan ama tiigsanayaan”
Buuggu wuxuu ka kooban yahay 23 maanso oo u kala qaybsan saddex cutub oo ah: Murugo (8 maanso), Xusuus (9 maanso), iyo Rajo (6 maanso). Maansada ugu horreysa waxuu ugu magac-daray: Iyaguba Waxay Mudan Yihiuin in la Xuso.
Haddii cutubta hore ay tahay tiiraanyo, murugo, iyo xanuun uu qoraaga dareemay markauu maqlay masiibada ku habsatay magaalda Xamar oo uu aad u yaqaan, cutubta dhexe ee xusuusta ah, inkastoo uu Rashiid ina tusayo dadka badan oo ku laqmaday ay yihiin kuwa aan waxba galabsan haddana malahaa wuxuu ina tusaayaa in qaran ahaan aan wadar u galabsannay nabsigaas, saa wuxuu inasoo hor dhigaya waxa caddaal darra iyo dulmi ah oo ka dhacay dalka oo aannan farna u taagin waxna aannaan qaban.
Qoraaga maansadiisa waxay cutubta hore ku dulmaraysaa dadka ku geeriyooday qaraxa nooca ay ahaayeen. Waa wiil daaska fadhiya oo alkuntiisa Huda quruxdeeda daawanaya, waa haweeney ka timid dhakhtarka oo dhararsan inay u bishaaraysiso saygeeda inay uur leedahay oo uu aabbe noqon doono; waa aabbe wiilkiisa buka raba inuu dalka Turkiga kusoo daweeyo; waa inan ku hawlan inay ginginto arooska walaasheeda Caasha maalinta xigta; waa nin laangare ah oo baadiggobaya nolal caadi ah; waa arday maalinta xigta leh imtixaankii uu dhakhtar ku noqon lahaa; waa nin shalayto qurbaha kasoo galay oo waalidkiisa booqasho ugu yimid, iyo dad kaloo la mid ah. Maxay galabsadeen dadkaas?
Wuxuu ina tusay dulmigii ku dhacay wadaaddadii iyo imaamyadii, toddobaatameeyadii bartamaheeda, naftooda ku waayay iyagoo waxba aan galabsan aan ka ahayn inay fidiyaan erayga Eebbe. Malahaa dayuuraddii ku dul-dhacday xaafadda Waabberi kaddib markii culamadii la laayay waxay ahayd astaan ka turjumaysay carada Eebbe.
Buuggan waa mid astaahila ruux waliba oo Soomaali ah meel kasta uu joogaba inuu akhristo. Waa buug ina tusaya meesha uu marayo maanta qaranka. Waa buug misna noo furaya dariishadda rajada in maalin qaranka uu helo waxa uu astaahilo: nolol wanaagsan iyo caddaalad.
Rashiid Xaashi wuxuu mansooyinka baroordiiqa ah ku muujiyay shakhsiga uu yahay, inuu leeyahay qalbi la dikaamaya xanuunka walaalihiisa halka addunweynaha uu muujiyay in dalkani uu yahay mid la illaabay.
Maansada cutubta Rajada oo la magac-baxday Hoodo/Rajo dib bay u curan doontaa, isagoo ka hadlayo Muqdisho wuxuu leeyahay:
Way liicaysaa mase kufayso
Way shakinaysaa mase dhumayso
Way cabsanaysaa mase isdhiibayso
Waxay ku eegaysaa dadkeedi laqmaday
Indha illintu ay caad ku qarinayso
Waxay neefsanaysaa nolol cusub.
Axmed Qaasim Cali