Thursday, April 25, 2024
Home Diblomaasiyadda Talada IGAD – Soomaaliya oo Oggolaatay In Xiisadda La Dejiyo Balse Xaqiiqada...

Talada IGAD – Soomaaliya oo Oggolaatay In Xiisadda La Dejiyo Balse Xaqiiqada La Raadiyo

Hammiga Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isbeddelay kaddib markii dalalka Geeska Afrika la horgeyay faraggelinta qaawan oo uu ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya. Shirkii IGAD ee maalintii Axadda December 20, 2020 ka furmay magaalada Jabuuti ayaa hoggaamiyayaasha dalalka gobolka u xilsaaray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisulwasaare Abiy Axmed xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, si ay ugu kala dab qaadaan labada dhinac.

Sida Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud Abuubakar uu warbaahinta u sheegay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa lagu cadaadiyay inuu xiisadda diblomaasiyadeed si hoose loo xalliyo. Haseyeeshee ka gudubka caqabadaha diblomaasiyadeed waxay ku xiran yihiin hadba sida Nairobi ula dhaqanto Muqdisho.

Faragelinta dowladda Kenya waxay xadgudub ku tahay xeerarka aasaasiga ah ee sharuucda caalamiga ah. Madaxweyne Farmaajo waxuu fursad u helay inuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisulwasaare Abiy Axmed u bandhigto eedeymahiisa. Khilaafka labada dhinac laguma xalin karin hal fadhi waxaana wanaag loo arkay in waddamo kale ay miiska la soo fariistaan labada dhinac.

Ismaandhaafka u dhexeeya labada dal ee deriska ah ma aha wax cusub, balse Soomaaliya waxay u adkeysan la’dahay inay dhibbane u noqotay “xadgudub xad-dhaaf ah” oo aan laga fiirsan. Maalmo ka hor shirka Jabuuti, Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa soo dhigay bartiisa Twitterka in Kenya ay ku uruurinayso maliishiyado maxalli ah [Soomaaliyeed] aaga Mandheera ee ku yaal xuduudda labada dal ay wadaagaan.

Sida la sheegayo maliishiyoyinkaas waxaa taliye ka ah Cabdirashiid Xasan Cabdinuur “Janan” oo “masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha” (BBC 2.9.2019 iyo Amnesty Intl); waxaana taageera dowladda Kenya.

Sida la wada ogyahay Janan waa Wasiirka Amniga ee Axmed Maxamed Islaan “Madoobe,” wuxuuna ka yahay Xukuumadda Soomaaliya iyo Amnisty International baxsad ka fakaday xabsiga Muqdisho.

Dadka reer Mandhera oo ka cabanaya maliishiyayoyikaas ayaa xaqiijiyay in deegaanka ay ka jirto cabsi dhab ah. Xeeldheereyaasha amniga ayaa rumeysan in dhaqdhaqaaqa Kenya uu yahay iska caabbin diblomaasiyadeed oo loola dan lahaa in lagu helo xujo, si loola gorgorton Muqdisho. Labada waddan midkoodna ma awoodo inuu sababo isku dhac ciidan. 

Isagoo arrinta maleeshiyada Mandheera ka hadlayo Wasiirka Arrimaha Dibadda  Jabuuti  Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayuu yiri “Tan ugu culus uguna degdegta badan waxay ahayd mid ku saabsan jabhadda lagu soo abaabulay Kenya, sida aan annagu qabno, oo xuduudda dhinaceeda kale ku abaabulan, taasoo IGAD ay go’aan ku gaartay in guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro.”  Guddiga xaqiiqa raadis ah wuu tagay goobta xadka labada dhinacba dhawaanna wuxuu u war celin doonaa Jabuuti.

Soomaaliya waxay gudaggashay ololaha doorashada mana ka marna in madaxtooyadu maanka ku hayso inay u adeegsato muranka hab siyaasadeed. Waxaa mowqifkaas qaba masharrixiinta madaxweynenimada oo dhammaan eedda gebigeedba saaraaya Dowladda Farmaajo.

Balse sidaas haddii ay dhab tahay Madaxweyne Farmaajo wuxuu lumiyey fursad uu dacwada ku geyn kari lahaa Ururka Midowga Afrika si ciidamada Kenya dalka looga saaro, taas oo uu ku heli lahaa taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Ruuxa keliya oo musharrixiinta madaxtooyada ka midka ah oo eed saaray Kenya waa Xasan Sheikh Maxamuud oo yiri “martiggelintii Muuse Biixi ee Uhuru Kenyatta uu ku martihggeliyay aqallka madaxtooyada Kenya waa wax aan loo dulqaadan kari oo ku ah meel- ka-dhac madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya”.

Si kastaba ha ahaate, waxaa lala yaabban yahay in dacwadii aan si rasmi ah loogu soo qaadin warmurtiyeedka shirka. Waxaa la tuhunsan yahay in Jabuuti iyo Addis Ababa ay eeganayeen danahooda gaarka ah. Labada dalba waxay si weyn u danaynayaan inay xidhiidh wanaagsan la yeeshaan Kenya oo sanadka bilowgiisa ku biiri doonto Golaha Amniga ee Qaramada Midowbay.

Nasiibdarro, Kenya waxay gobolka, dalalka kale ee Afrika,   iyo adduunweynahaba ku leedahay culays ka weyn midka Soomaaliya. Waa midda kalliftay in Xukuumadaha Soomaaliya (Tii Xasan Sheekh Maxamuud iyo tan  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo) ay miciin ka doonaan Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ. Waxaa kaloo xusuus mudan in dowlahadaha Carabta qaarkood, sida Imaaraadka iyo Masar ay u janjeeraan dhinaca Kenya.

Kenya waxaa culays ku haya dhaqaalaha xayiran, kaas oo u muuqda dib u soo celintiisu inaysan dhawayn inta waxyaabaha dhaliyay xiisada meel laysla dhigayo. Waxaa lagu qayaasay in dakhliga Kenya ee qaadka Soomaaliya loo dhoofiyo uu ka badan yahay 140 milyan sannadkiiba (BBC News – 13/05/2020).

Casumaadda Mudane Muusa Biixi inkastoo ay dhan ka tahay casdaadis la saarayo Soomaaliya, dhanka kale waxay ka mid tahay dadaalka suuq-u-raadinta qaadka Kenya oo aan ku koobnayn Soomaaliland oo keliya, balse ay ku jiraan waddamo kale oo ay ka mid yihiin Jabuuti, Mozambiik- oo ay deggan yihiin jaaliyad reer Yaman oo fara badan, Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Kongo, iwm.

Guusha diblomaasiyadeed  ee Soomaalida kala soo hoyatay Jabuuti ayaa ah in gardarrada Kenya ay hadda caalamku indhaha ku hayo.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments