Monday, June 5, 2023
Home Siyaasadda Farmaajo iyo Biixi - Inaan Waxba Laga Qaban Su’aasha Qaranimada Ma Xalbey...

Farmaajo iyo Biixi – Inaan Waxba Laga Qaban Su’aasha Qaranimada Ma Xalbey Moodeyn?

Maalmo uun ka dib shirkii 38aad ee hoggaamiyeyaasha dalalka ku bahoobay ururka IGAD, waxaa magaalada Jabuuti booqasho aan la shaacin ujeeddada kulanka ku tegay Muuse Biixi Cabdi Madaxa Somaliland oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulkiisa. Waxaase la filayaa in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Muuse Biixi ka wada hadli doono siyaasadda gobolka iyo dib u heshiinta Soomaaliya.

Gugii dhawaa ayaa wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo kula kulmeen Muuse Biixi Cabdi iyo wafdigiisa magaalada Jabuuti, taas oo loo arkayay inay ahayd fursad wanaagsan oo horey loogu dhaqaaqay. Balse isku daygii ma uusan dhalin mirahii laga filayay.

Wadahadallada cakiran waxaa loo aaneeynayaa mowqifyada labada dhinac oo aad u kala fogaa iyo isku garawsi la’aanta siyaasiyiinta oo malaha ka baqaya cadaadiska siyaasadeed ee gudaha iyo danaha shisheeyaha ee khatarta ku ah dadaallada nabad-dhisidda Soomaaliya. Waxaa dhab ah inaan waxba la qaban inaysan xal aheyn.

Si kastaba ha ahaate, baaqii hoggaamiyeyaasha dalalka IGAD waxuu u muuqdaa raadin waddo horay loogu sii wado wadahadallada. Tan iyo burburkii nidaamkii Siyaad (1991) maamulka Somaliland waxuu dadaal ugu jiray inuu helo aqoonsi caalami ah. Hadafkaas uma suuraggelin ilaa maanta mana aysan ka rajo dhiggin. 

Wadaxaajoodkii Soomaaliya iyo Somaliland ee ugu dambeyey ee lagu qabtay Jabuuti waxaa goobjooge ka ahaa Mareykanka iyo Midowga Yurub oo guud ahaan door muhiim ah ku leh dib u soo kabashada Soomaaliya, riixayayna dib u heshiisiinta. Malaha qabanqaabiyeyaasha kulanka waxay ka ilduufeen doorka Bratain (UK) ku leedahay shisheeyaha fidnada ku haya Soomaaliya. Khaladkaas diblomaasi ayay u muuqataa inuu qayb ka yahay burburka fursadda heshiis lagu gaari kari lahaa.

Wax yar kaddib wadahadalladii Jabuuti ee June 2020, ayaa Muuse Biixi tweetterkiisa ku shaaciyay in maamulkiisa xidhiidh diblomaasiyadeed uu la yeeshay Taiwan. Arrintaas waxay walaac hor leh ku kordhisay wadahadalladii rahmanaa. Dalalka Masar iyo Malawi ayaa lagu tuhmayaa inay doonayaan inay xiriir la yeeshaan maamulka.

July 2019, Soomaaliya ayaa dowladda Gini (Guinea) oo faraggelin ku samaysay midnimada Soomaaliya u jartay xidhiidhkii diblomaasiga. Tallaabadaas waxay diginin u ahayd in dalalka kale aysan isku dayin inay ku xadgudbaan qarannimadda Soomaaliya. 

Waxay u muuqataa in hoggaanka Somaliland ay ku dawakhsan yihiin qorshe shisheeye oo aan natiijo lahayn. Inta xaaladdu sidaas tahay xalka siyaasadeed wuu adkaan doonaa welina lagama yaabo in mustaqbalka dhow wadahadallo lagu gaaro guul xitaa haddii maamulka Muqdisho isbeddel ku dhaco.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments