Saturday, April 10, 2021
Home Siyaasadda Maxaa Laga Ogyahay Sababihii Shariif Sheikh Axmed uu Ku Lumiyay Kursiga Madaxweynaha?

Maxaa Laga Ogyahay Sababihii Shariif Sheikh Axmed uu Ku Lumiyay Kursiga Madaxweynaha?

Sanadkii 2012kii waxuu ahaa sanad taariikhi ah oo afartan sanadood ka dib doorasho madaxweyne dalka gudihiisa lagu qabto, taas oo astaan u ahayd in amniga dalku uu dib u soo hagaagayay. Balse, ilaa hadda wax badan lagama baran caqabadaha kala duwan ee sanadihii tegay xakameeyey dimuqraaddiyeynta dalka. 

Doorashada Soomaaliya waa ciyaar xiiso badan oo fadhi ku diriryada amase baraha bulshadu ku waashaan cidda ku guuleysan doonto kursiga madaxtooyada. Dalku ma laha sahmiyeyaal codbixinta ka hor saadaaliya natiijada halka ay u dhici doonto. 

Sidaas oo ay tahay, haddana doorashadu waxay leedahay casharro badan oo laga faa’iideysan karo. Ujeeddada doodda maqaalkan waa falanqayn kooban oo lagu baadiggoobayo astamaha lagu garan karo falalka sababa guuldarrada madaxweyne xilhaya.

Wargeyska Jamhuriyadda waxuu isku dayayaa inuu soo bandhigo doorsoomayaal (variables) kooban oo muhiim u ah saadaalinta natiijooyinka doorashada madaxweynaha, si wax looga barto loona odoroso waxa dhici kara haddii dib loo arko astamahaas oo kale.

Haddaba, su’aashu waxay tahay dimuqraaddiyada oo ah qaab si nabdoon leyskugu wareejiyo xilalka dastuuriga ah ma ku habboon tahay dhaqanka Soomaaliya?

September 10, 2012 waxaa tartanka madaxweynaha u soo istaagay 20 musharrax oo uu ka mid ahaa madaxweyne Shariif Sheikh Axmed. Musharraxiinta badankoodu kuma guuleysan inay ka gudbaan yoolka (10% cod) lagama maarmaanka u ahaa wareegga kowaad ee isreereebka doorashada.

Tartankaas waxaa ku soo baxay Shariif Sheikh Axmed (64), Xasan Sheikh Maxamuud (60), Cabdiweli Maxamed Cali Gaas (30) iyo Cabdulqaadir Cosoble Cali (27). Waxyaabaha laga bartay doorashadaas waxaa ka mid ahaa in heebsi qabiil aysan waxba ku ool mar haddii tartanka la gudo galo, inkastoo codbixiyeyaasha laftooda lagu soo xulay heebtooda. 

Sideedaba, musharraxa xilka haya waxuu dheer yahay tartamayaasha kale: magac, khibrad siyaasadeed, helitaanka adeegyada ilaha dowladda iyo dhaqaale.

Dabcan doorasho kasta way ka duwan tahay midda kale, basle Shariif Sheikh Axmed waxaa horyillay saddex xaaladood oo si toos ah amase dadban u wiiqayay fursaddiisi: (1) Dayacaadii kiiska badda; (2) Musuqmaasuq maaro loo waayay; iyo (3) Xukuumad salka dhiggi la’. Xilhaynta Shariif Sheikh gudaheeda waxaa xukuumadda isku beddeshay ilaa seddax ra’iisulwasaare weliba iyadoo dalku ku soo duulay cadow [Kenya].

Su’aasha dadka Soomaaliyeed madaxa ku hayeen ayaa ahayd, yaa u roon dalka inuu hoggaamiyo marka loo eego xal u helidda xaaladda markaas taagnayd (doodda badda iwm)? 

Ku dhaqaaqidda ficil abuuri kara qalqal dastuur sanadka doorashada waxuu weligiiba dhaawacdaa fursada dib u doorashada madaxweynaha xilka haya. Ka qaadistii xilka ra’iisulwasaare Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo doonista muddo kororsiga xil hawleedka hay’adaha dastuuriga ah waxay wiiqeen sumcadda madaxtooyada.

Waxa kaloo caqabad noqotay in ra’iisulwasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ka garab tartamay madaxweynihii xilka hayay. Xeeldheerayaasha siyaasadda ayaa rumeysan in haddii koox xil wada haysay (madaxweyne iyo ra’iisulwasaare) ay kala jabaan aalaaba ay halis u yihiin in midkooda uusan guuleysan marka xil qur ah loo tartamayo.

Walow codbixinta dadku ay tahay xuquuq aasaasi ah oo aan Soomaaliya weli ka hirgelin, haddana dareenka shacbiga waxuu saameeyey xildhibaannada damiirka leh iyo kuwa musharraxoodu ku hungoobay wareegga kowaad, kuwaas oo badankoodu siiyey codkooda musharrax aan ahayn madaxweynihii xilka hayay. 

Inkastoo doorashada ay hareysay eedeymo, haddana casharka laga bartay ayaa ahaa in lacagtu lama huraan u tahay ololaha doorashu, balse aysan ahayn cunsurka (factor) keliya ee guusha dhaliya. Taas waxaa u daliil ah in natiijada doorashadu ay ka duwanaato wixii laga filaayay. Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed waxuu helay 79 cod keliya, halka Xasan Sheikh Maxamuud oo ah qof ku yara cusub siyaasadda uu 190 ku guuleystay.

Ololaha Xasan Sheikh Maxamuud waxuu doorashada ka dhigay afti loo qaadayo Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed. Isku soo wada duub, arrimahaas ayay u muuqdaan inay gacan ka geysteen sababta Shariif Sheikh Axmed uu u lumiyay kursigii madaxtinimada iyadoo weliba ololahiisa dib u doorasho uu mareynayay Sharif Xasan Sheikh Aadan oo ah ruugcadaa ku xeel dheer siyaasadda degaanka.

Qabashada doorashada madaxtooyada iyo sharci-dejinta (baarlamaanka) Soomaaliya waxay markhaati ma doonto u tahay in dimuqraaddiyada ay tahay qayim ka hirgeli kara meel kasta ee adduunka ka mid ah.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Waraysi JAMHURIYADDA ay la yeelatay Takhtar Nazim Masinghi, M.D.

Jamhuriyadda - Waxaan ognahay in tallaalka  AstraZeneca ee Jaamacadda Oxford, inkastoy Guddiga Dawooyinka ee Midowga Yurub ay ku taliyeen sida Ururka Caafimaadka...

Real – World Efficacy Rates for Every COVID-19 Vaccine, Based On Age and Symptoms

By Sissi Cao Moderna, Johnson & Johnson and Pfizer (with the help of Germany’s BioNTech) developed three highly...

Siyaasadda Madasha Badbaado Qaran: Ma Cayaar Jogta Ahba Mise Waa Awood Isbeddel Curin Karta?

Xilli siyaasadda dalka ay cakiran tahay ayaa shirkii koowaad ee Madasha Badbaado Qaran (MBQ) oo ay ku bahoobeen Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, Golaha...

Farriinta Maraykanka Maxay Saamayn Ku Yeelan Karta Xasilinta Soomaaliya?

Maamulka Madaxweyne Joe Biden oo dib u hagaajinaya siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka, ayaa u muuqda inuu Afrika ula dhaqmi doono si ka duwan...

Recent Comments

%d bloggers like this: