Layla Xuseen Cali waa qoraa iyo gabyaa Soomaali ah oo da’ yar (22 jir), waxayna ku dhalatay Sanca, Yaman 4.12.1998. Waxay ku kortay oo wax ku baratay Sanca oo uu qoyskeedu deggan yahay. Layla waxay dhigataa sannadka saddexaad ee kulliyadda Clinical-Dietery and Nutrition ee Jaamacadda: University of Science and Technology, Sanca.
Haseyeeshee, hiwaayadeeda dhabta ah waa curinta sheekooyinka gaagaaban iyo dhaadheer, maansooyinka, riwaayadaha masraxa, iyo musicals. Waxay kaloo jeceshahay inay qorta miraha heesaha (erayada). Maadaama dhammaan waxbarashadeeda ay ahayd afka Carabeed, Layla afkaas ayay wax ku qortaa. Waxay ku hadashaa Carabiga ka sokow afkeeda hooyo ee Soomaaliga iyo afka ingiriiska oo ay u leedahay aqoon shaqo.
Sannadkii 2018 waxay ka qayb qaadatay oo ay qayb ku lahayd Diiwaan gabayo bahwadaag ah oo ciwanaankiisu ahaa: “Geigbayba Ma Waalni.” Isla sannadkaas waxay ku guulaysatay inay soo saartay hees magaceedu ahaa “Lucbatii, Cayaartaydi.”
Buuggeeda ugu horreeyay wuxuu soo baxay 2019, cinwaankiisana waa: Octavia (Oktafiya), waana gabayo. Buuggaan daabacaaddiisi hore waa la wada dhammaystay; wuxuu sugayaa daabacaaddii labaad. Buuggan Octavia sidaan hore u sheegnay wuxuu dabcan kusoo baxay af Carabi oo u turjuman af Ingiriiska. Buugga waxuu leeyahay sawirroo gabar fannaanad ah ay sameyso; sawir walibana wuxuu la xiriiraa micnaha gabayga uu xambaarsan yahay.
Isla sannadkaas waxay ka qayb qaadatay curin riwaayad masraxeed oo gebigeedaba hees lagu jilayo (Musical) oo abwaanna kale ay ka qayb qaateen. Cinwaanka musical-kan waa: “Qofkii Noolow La Noolow Dadka!”
Layla waa indheergarad, maansayahan, qoraa iyadoo curdin ahna muujisay inay hibo iyo karti dabiici ah weyn ay leedahay, misna waxaa u dheer fahmo iyo dadaal dheeraad ah. Waxaa hubaal ah in ay meesha sare oo ay tiigsanayso gaari doonto guulna soo hoyin doonto. Diiwaankeeda Octavia taas ayuu ka markhaati kacayaa. Dhabbaha Layla ay ku socoto waa mid ujeedda badan ah: maanso, sheeko, heeso, riwaayad, iyo masraxa loo yaqaan musical.
Layla waa jiilalka da’da yare ee Somaaliyeed oo dhashay dagaalka sokeeye ka dib oo lagu habay technologiyada digitaalka ah ee cusub oo ay ku firfircoon tahay adeegsigeeda iyo ka faa’idaysigeedaba. Facebook, Twitter, Instagram, Youtube, iwm intaba way dhex-dabbaalataa kula xiriirtaa taageerayaasheeda iyo asxaabteeda.
Wargayska Jamhuuriyadda wuxuu akhristaiyaashiisa goor dhaw usoo bandhigi doonaa Faallo la xiriirta buugga Layla ee Oktafiya.
Axmed Qaasim Cali