Muddo ku dhow soddon sanadood dalka Soomaaliya waxaa si furan uga hawlgalayey hay’addo ka madaxbanaan maamulka dowliga, oo soo saara talooyin siyaasadeed, amni, iyo dhaqaale. Hay’adahani ma cadda falsafada ka danbaysa, halka ay ka helaan maalgelinta, iyo cidda taageerta aaraada ay faafinayaan!
Xeeldheere Yuri Bezmenov oo ka tirsanaan jiray hay’adda sirdoonka Midowga Sofiyeeti “KGB” ayaa yiri, “si qaran loo dumiyo, waa in la sameeyaa maskax dhaqid weyn; si taas loo sameeyana waa in la qaadaa afar talaabo oo is xig-xiga, oo suurtaggal ka dhigaya in lala wareego dalkaas.” haddaba maxay yihiin 4 tallaabo?
- Niyad Jebin “demoralization”: Qofka niyad jabsan ma qiimayn karo macluumaadka dhabta ah. Xaqiiqooyinka ma rumaysto, xitaa haddii aad u keentid caddayn dhab ah, dukumiintiyo. Qofka niyadda jebsan runta kuma qasbi kartid, xitaa haddii aad xoog adeegsatid. Balse waxuu xaqiiqda rumaystaa marka ay “masiibada” haleesho.
- Xasilloni darro “destabilization”: Inta lagu jiro muddadan waxaa bartilmaameed ah tiirarka asalka u ah jiritaanka ummada, sida dhaqaalaha, xiriirka dibadda, iyo nidaamyada difaaca.
- Qalalaase “crisis”: Waxuu keenaa in rabshado lagu beddalo maamulka, qaab-dhismeedka dowladda, iyo dhaqaalaha.
- Caadiyeen “normalization”: Waa marka waddankaaga asal ahaan lala wareego, waxaana ku hoos noolaanaysaa fikir cusub iyo xaqiiqooyin dhab ah.
Yuri Bezmenov ayaa ku qoray buugiisa “love letter to America” si loo fuliyo tallaabooyinkan “firfircoon” waa in la helaa “nacasyo waxtar leh-useful idiots” oo la adeegsan karo, waxaana ka mid ah Barafosooro, kuwo wata magac aad u quruxda badan “difaacayaasha xuquuqda madaniga”, saxaafadda, suugaan-yahandda, ururada bulshada, culumadda diinta, iyo odayaasha dhaqanka. Dhamaantood waa hogaamiyaal aan la dooran, balse saamayn ku leh jiheynta maanka ummada.
Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalada “CAADIYEENTA” taasoo ka dhigan in dalka lala wareegay, waxaana caddeyn u ah arrimahan: (1) Dalka waxaa ku sugan ciidamo shisheeye, oo aan ku imaan rabitaanka dadka Soomaaliyeed; (2) Badaha Soomaaliya waxaa kalluunka ka xaalufiya maraakiib shisheeye aan ruqso loo siin; (3) Imaaraadka Carabta waxuu heshiis aan xaq ahayn kula wareegay dekadaha Berbera, iyo Boosaaso iyadoo dowladda dhexe aysan raalli ka ahayn; (4) Kenya waxay nagu haysataa qayb ka mid ah baddeenna, waxayna si buuxda u maamulataa Jubbaland. Dhulkaas looma oggola inay dowladda Soomaaliya ka hawlgasho; iyo (5) In muddo soddon sanadood ku dhow hawada Soomaaliya laga maamulaye Kenya.
Laga soo billaabo sanadkii 2000, quwadaha shisheeye ee danaha ka leh Soomaaliya ayaa mashquul ku ahaa qaabaynta “nidaam dowladeedka Soomaaliya” si ay u helaan dowlad ay danahooda ka fushan karaan, isla-markaasna khatar siyaasdeed, ammni, iyo dhaqaale ku ahayn dowladaha gobolka. Si taas loo helo nidaamkii TPLF ee ka talinayey Itoobbiya ayaa waxuu Soomaaliya u soo waariday labo qorshe oo lagu daciifinayo dowladnimada Soomaalia.
- Nidaamka 4.5 ee beelaha: dadka Soomaaliyeed oo wadaaga dhaqan, luqad, diin, muuqaal, iyo dhiig, ayaa siyaasadda loogu kala qaybiyey heyb, iyo abtirsiinyo, halkii ay afkaarta siyaasiga, iyo aragtida ay iskugu tolmi lahaayeen. Waxay aheyd hal-abuurkii Meles Zenawi, waxaase lagu dhaqan gelliyey Carte Jabuuti.
- Federaalka qabiilaysan: waxay aheyd fikraddii Meles Zenawi, waxaana soo xambaartay jilayaal Soomaali ah. Qoysas ood-wadaag ah, ayaa loo sameeyey soohdimo, sida magaalada Gaalkacyo oo loo qaybiyay labo maamul. Waxaa xusid muddan in tiro dhowr jeer ay ku dagaallameen Gaalkacyo maamullada Puntland, iyo Galmudug. Dirirtaas oo ay ka dhasheen dhimasho, dhaawac, barakac, iyo burbur hantiyeed.
Haddaba shirka Garoowe, ee ay soo abaabushay Heritage maxuu daaran yahay? Maxaase laga filayaa?
Hay’adda Heritage waxay martiqaaday madaxda Maamul-gobolleedyada, Guddoomiyeyaasha Aqallada Soomaaliya, xildhibaanno, Ra’iisulwasaare ku-xigeenka, xubno wasiirro ah, madaxweyneyaashii hore, iyo siyaasiyiin mucaarad iyo muxaafid leh. Hay’adda waxay u qabatay kulammo furan oo su’aallo lagu weydiinayo jilayaasha siyaasadda Soomaaliya.
Dhaliilaha kulanka ayaa ah, inay is ballansadeen wajiyo” IS-YAQAANNA” oo ku loollamaya hoggaaminta dalka, mana jiri doonto in jawaabo loo helo su’aalaha dadweynaha ay qabaan, maadaama aan fursad loo siin shacabka inay su’aalo weydiiyaan kuwa ku matela golayaasha dowladda.
Xubnaha su’aalaha weydiiyey waxaan ka xusi karnaa Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ku fashilmay siyaasadda dhaqaalaha, iyo maareynta sicir bararka gobolkiisa. Xildhibaan Mahad Salaad oo weydiiye su’aal Guddoomiye Mursal oo ay kawada tirsan yihiin “Barlamaanka”, iyo Senator Dhag-dheer oo aaminsan inuu xilka ka dhammaaday 27kii Decembar.
Faa’iidooyinka shirka ayaa ah in shacabka Soomaaliyeed wax badan ka ogaadeen mawqifyada ay kala aaminsan yihiin jilayaasha siyaasadda marka ay timaado wadiiqada loo marayo helitaanka dowlad Soomaaliyeed oo ay u dhamaystiran yihiin hay’adaheeda dastuuriga ah, dastuur damaanad qaadaya xuquuqda muwaaddinka iyo midnimada dalka.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa sheegay in haddii Puntland ka weyso danaheeda federaalka xaq u leedahay inay gooni u istaagto. Waxuu sidoo kale raaciyey inuu jeclaan lahaa in hawada Soomaaliya laga maamulo Nairobi ilaa dowladda federalka iyo maamul-goboleedyada ka heshiiyaan.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka dhawaajiye inuu damacsanaa inuu wakiil, ama qunsul matala Jubbaland danaheeda uu geysto Nairobi, isagoo ku dooday in Jubbaland xuduud 700 KM ah la leedahay Kenya. Waxaa xusid mudan in horay Xildhibaanka reer Kenya Adan Barre Ducaale u sheegay in Kenya xuduud dheer la leedahay Jubbaland! Shir aan gunaanad laheyn, iyo go’aamo aan la fullin ayaa ragaadiyay qaranka Soomaaliya.
Saciid Cabdisalaam
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.