Monday, June 5, 2023
Home Dib U Eegis Buug Faallo La Xiriirta Buuga: OCTAVIA

Faallo La Xiriirta Buuga: OCTAVIA

Oktaafiya (Octavia – Naqsh Publisher, Sana’a Yemen, 2019, bog 168) waa cinwaanka buugga maansooyinka Layla Xuseen Cali oo ah inan Soomaali ah oo qoraa maansayahan ah  oo Sanca ku kortay. Maanso kastoo buugga ku qoran carabiga waxaa ka soo horjeeda tarjumadeeda oo afka-ingiriisiga ah.

Waxaa si xarraga leh ugu tarjuntay afka ingiriisiga Xafsa Naasir Majli. Waxaa mansooyinka weheliya sawiirro ay ku fara-yaraysatay sawiryahan (Sawir gacmeed) Raawiya Maxamed Al-atwani. Waxaad moddaa in sawirrada ay la weydaarayaan haasaawe maansooyinka; mararka qaarkoodna waxayba shabbahaan humaaggooda fog isla markiina muujinaya legdenka isku milayo  goobta iyo  waqtiga.

Cinwaanka waxuu ka yimid riwaayad masraxeed oo qoraaga ay beri daawatay; taasoo khussayay marwo Octavia la oran jiray oo ka tirsanayd qoyska boqortooyada Roomaanka, oo qurux iyo samaan isku darsatay; inkastoy ku milantay loollan siyaadeed iyo awood misna si xarraga leh u muujisay sakhsiyaddeeda adag oon marna ka weecan hilinka ujeeddadeeda misna tunka saaratay masuuliyad mahiigaan ah. Layla waxay u fahamtay in Octavia  ay lahayd shakhsiyad shay iyo liddigiisa oo isburin karo (Contraddictory) (Fadlan hoos ka eeg maansada Octavia.)

Mansooyinka Layla inkastoy gaagaaban yihiin haddana waxaad moodda inay soo koobayaan sheekooyin dheer, haasaawe iyo milgo jacayl oo  mawduuca hilowga uu yahay mid soo noqnoqda, halka beerlaxawsiga iyo caaddifadda ay yihiin ilaha murtida, iyo halka lidkooda oo ah awood-bursiga uu yahay astaan taagdarro../Waa maalaig, waa carruur/ Waa inan waa naag/Waa habar/../Jacayl iyo nacayb/Hir caaddifad oo garaacay birlabta awoodda/Iyadu waa qof waalan oo murti sidda/ Misna iyadaaba ah isburin miiran. Waa erayada maansada ay u magac-bixisay Octavia oy Layla ku furtay buugga.

Waa haasawe jacayl, haseyeeshee, lajeclaha waxaad mooddaa in  loo qaadan karo xitaa dalkii lumay, oo ah wax dhaqaajin kara caaddifad quus raja-beel ah ee xooggan oo ruuxa gaarsiinaysa in walxaha aan si fudud lagu koobi karin xayndaabka freemka sawirka.  Musaafiriska (Exile) iyo xilliga dhaxanta  (winter/shitaa oo ah xilliga aad ugu soo noqnoqonaya maansadeeda) waxaad mooddaa inay matilayaan colaadda iyo dagaalka.

Si kale haddii loo eego, waxaa la dhihi karaa buuggani  waa maansada duruufaha ay ku sugun yahiin dumarka oo xukunka bulshada horey ugu dhacay,  una diidayo xita inanta inaysan leexada ku lulan sababtoo  ah “dhurwaa” (waa ninka-e) ayay ku  madalsan tahay inay afadiisa noqoto (iyadoo warmoog ka ah); kaasoo madixiisa ay ka buuxaan dhaqammo iyo caadooyin duugoobay.

Maansa kale, inanta waxaa miraayadda ay isku eegayso uga muuqanaya weji dhugashadiisa adag tahay, qosolkiisuna  hillaacayo, haseyeeshee, muqaalkan miraayadda ka soo noqday   ee nolosha miiran ah ka duwan muqaalkeeda culus oo u eg jir dhintay. Maansadeeda waxaa ka muuqata go’aan iska-caabbin iyo adkaysi leh. Mar kalena iyadoo indhashareerka ka hadlayso waxay leedahay: ../Ka digtoon  inay qososho/ Qosol aan cidna arakayn/Uma suurtowdo inay yeelato ubax ama buug/Haddii kale waxaa lagu deldelayaa timaheeda tidcan/Gudcurku ma dondoonayo xarig/ Inuu ka takhalluso inan iftiin ku riyoonayso. Layla awoodda mala-awaalkeeda ayaa ah hubkeeda koowaad: Inan u nool sida ruux gaboobay/Ruuxeeda ayaa gaari kara meel allaale meeshay doonto. Waxa ay u hanqaltaagayso waa xorriyad.

Waxy leedahay wadahadalka wuu adag yahay, haseyeeshee, waxay maansadeeda ku muujinaysaa inan u riyaqday warqaad ay imminkaas qortay, inkastoo duufaantu ay dhexjibaaxayso wadnaheeda iyo maankeedaba. Malahaa qoraalku waa hubka lagu badbaadin karo xusuusta, loogana hortagi karo illowshaha.

Ugu dambayntii, Layla da’deeda (22 jir) iyo dhumucda fikradaheeda, dhinacyada badan leh, iyo dulucda murtideeda haddaad  isbarbardhigto waxaa soo muuqanaysa inay da’deeda ka horrayso.

Ubax C. Cali Faarax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments