Wednesday, September 22, 2021
Home Siyaasadda Waa Maxay Sababaha Fashiliyay Dib U Doorashadii Xasan Sheikh Maxamuud ee 2017kii?

Waa Maxay Sababaha Fashiliyay Dib U Doorashadii Xasan Sheikh Maxamuud ee 2017kii?

Sanadkii labaad oo lagu qabtay dalka gudahiisa doorashada madaxweynaha ayaa xaqiijisay in xitaa dimuqraaddiyada daciifka ah ay dhali karto isbeddel siyaasadeed haba yaraadee.

Doodda maqaalka waa falalka sababa guuldarrada madaxweyne xilka haya. Maqaalku kama doodi doono saamaynta shisheeyuhu uu ku leeyahay doorashada dalka.

February 8, 2017 waxaa tartanka madaxweynaha u soo istaagay 21 musharrax oo badankoodu ku haray yoolkii (10% cod) lagama maarmaanka u ahaa codbixinta wareegga kowaad ee doorashada. Loollanka waxaa ku soo baxay: Xasan Sheikh Maxamuud (88), Maxamed Cabdullahi Farmaajo (72), Shariif Sheikh Axmed (49) iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke (37). Mar kale waxaa caddaatay in hayb qabiil aysan waxba ku ool.

Sideedaba, ma sahlana in laga guuleysto musharraxa xilka haya. Waxuu la tartamayaasha kale dheer yahay: magac, khibrad siyaasadeed, helitaanka adeegyada ilaha dowladda, dhaqaale iyo malaysi guul (presumption of success). Balse waxaa horyillay Xasan Sheikh saddex xaaladood oo saameyn taban leh: (1) Hay’ado daciif ah oo ka dhashay xukuumad saldhiggii la’; (2) Musuqmaasuq ragaadiyay qaranka; iyo (3) Maqnaasha caddaalad madax-bannaan.

Doorashada 2017kii waxaa ka muuqday dhowr shay oo sababay guuldarradii 2012kii ee Shariif Sheikh Axmed sida: (b) Kala jabka koox xil wada hayay (madaxweyne, ra’iisulwasaare iwm); (t) Sanadka doorashada oo lagu dhaqaaqo ficil abuuri kara qalqal dastuur.

Dabcan, dibudhacii doorashadii la filayay August 2016kii ayaa abuurtay walaac ah in nabad iskugu wareejiyintii xilalka dastuuriga ah uu qasmay. Sidoo kale, safarkii Makele (Tigree) iyo JigJiga oo loo arkay qab-jab iyo meel ka dhac qaran ayaa kordhiyay ku qanacsanaan la’aanta shacabka madaxweynaha xilka hayay.

Haddana Madaxweyne Xasan Sheikh waxuu u ekaa mid shaxda dagaal ee ololihiisa aan la loodin karin. Haseyeeshee, qiimeynta isku dhafan ee dhaxalkiisa waxay noqotay arrinta qeexday doorashadii 2017kii. Himiladiisii isbeddel doonka ahayd waxaa raamsaday mooshin iyadoo hannaankii doorashayooshinka loo arkay rimmi-gacmeed (electoral manipulation).

Su’aasha madaxa dadweynaha ka guuxaysay ayaa ahayd, yaa u roon dalka inuu hoggaamiyo marka loo eego xaaladda markaas taagnayd? 

Sida qaalibka ah, haddii madaxweyne xilhaya uu la tartamayo qof haybad leh amase halyey ah (wadani) waxuu halis u yahay inuu ciriirigalo. Walow dib u doorashada uu maareynayay Faarax Cabdulqaadir oo ahaa naqshadeyihii ololihii bulshada (grassroot campaign) ee guulshii 2012kii, haddana Farmaajo waxuu ka faa’iideystay niyad jabka sii kordhiyay iyo bulshada oo u aragtay wadani (halyey) isbeddel curi kara.

Si kastaba ha ahaate, waxaa markale caddaatay in lacagta oo lama huraan u ah ololaha doorashada aysan ahayn cunsurka keligii ee guusha dhalin kara. Taas waxaa daliil u ah in si lama filaan ah Farmaajo ugu guuleystay 184 cod, halka Xasan Sheikh uu helay 97 keliya.

Inkastoo doorashada ay ka fogayd hannaanka qof iyo cod, haddana dareenka bulshadda waxuu saameeyay haba yaraatee xildhibaannada damiirka leh iyo kuwa musharraxoodu ku hungoobeen wareegga kowaad, kuwaas oo laaluush ka doortay danta dadka. Halkaas waxaa ku hirgashay oraahdii Salaad Cali Jeelle ee lahayd “beeso waa qaadasho.” 

Fursada guusha Farmaajo waxaa kor u qaadday ololaha dhaleecaynta musuqmaasuqa iyo faragelinta Itoobbiya. Isku soo wada duub, arrimahaas ayay u muuqdaan inay gacan ka geysteen sababta madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu u lumiyay kursigii madaxtinnimada.

Adkeysiga dadka Soomaaliyeed waxuu mar kale marqaati ma doonto u noqday in qiyamka dimuqraaddiyada uu ka hirgeli karo dalka. Balse, weli waxaa maqan Dastuur haga xisbiyo siyaasadeed oo xasilloon, si loola dagaallamo musuqmaasuqa, sinnaan la’aanta iyo saboolnimada dalka ka jirta.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Waa Maxay Ujeeddada Ka Dambeysa Duullaanka Lagu Beegsanayo Jiritaanka Sirdoonka Qaranka?

Tafiftiraha Jamhuriyadda Fahad Yaasiin iyo Hay’adda Nabadsugida NISA ayaa wajahaya duulaamo siyaasadeed iyo mid sirdoon oo uga imanaya...

In Escalation over Submarine Deal, France Recalls Envoys from U.S. and Australia

By John Irish and Colin Packham, David Brunnstrom, & Humeyra Pamuk PARIS/CANBERRA/WASHINGTON, Sept 17 (Reuters) - France plunged into an unprecedented diplomatic crisis with the...

Muuse Suudi iyo Dottor Dufle oo Doorasho Hufan ku Harqiyey Rajadii Daaci iyo Tarzan

Tafiftiraha Jamhuriyadda Badanaa ciyaaraha kubadda cagta ayaa ka dhaliya bulshada dhexdheeda muran kulul oo socda bilooyin. Marka laga...

Maxaa Ka Dhalan Kara Dastuur Qabya ah, Damac Siyaasiin iyo Dano Shisheeye oo Isku Milmay?

Tafiftiraha Jamhuriyadda Khilaaf xooggan ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha soo dhexgalay oo la xiriira Ikraan Tahliil Faarax oo la la’aa tan...

Recent Comments

%d bloggers like this: