Friday, February 26, 2021
Home Siyaasadda Ragaadinta Dowladnimada Soomaaliya Looma Kala Hadhin!

Ragaadinta Dowladnimada Soomaaliya Looma Kala Hadhin!

Burburkii dowladda Soomaaliya sanadii 1991 kaddib, waxaa dalka isku fidiyay ururro ku andacooday inay ku hadlaan codka shacabka, iskuna tilmaamay inay yihiin “difaacayaasha xuquuqda rayidka”, kuwaasoo deeq ka helay shisheeyaha danaha ka leh Soomaaliya. Kooxahani waxay badanaaba fogeeyeen xalka, waxay u darbanaayeen dhaleecaynta iyo cadaadis saaridda xukuumadda dhexe, waxayse indhaha ka qarsadeen ama qiil u sameeyeen ficillada aan qaanuunka waafaqsanayn oo ay ku kacaan maamullada iyo shaqsiyaadka mucaaradka ah.

Dhaliisha Hoggaanka Bulshada Rayidka iyo saaxiibbadooda

Hoggaanka bulshada rayidka, iyo saaxiibbadooda beesha caalamka waxay ku guuldarraysteen inay hor istaagaan, ama cambaareeyaan doorashadii  Jubbaland oo uu afduubay Axmed Madoobe, taasoo aad u kala qaybisay shacabka Jubbaland. Mirihii ka dhashay doorashadaas waxay galaafatay shaqsiyaad magac iyo maamuus ku dhex lahaa bulshada.

Sidoo kale, waxay ka aamuseen maamulka Puntland oo dhiig ku daadiyay ceyrintii gudoomiyihii Aqalka Wakiillada Puntland Mudane Cabdixakiim Dhoobo-daareed, waxayna sifo sharciga aan waafaqsaneen uga caydhiyeen Barlamaanka Puntland 8 xildhibaan.

Waxaa xusid mudan, in hoggaanka bulshada rayidka iyo jaalkooda beesha caalamka ay dawladda ku cadaadiyeen inay dalka ka qabato “doorasho dadban” isla-markaasna meesha laga saaro sharciga doorshooyinka iyo awooda GMDQ. Dalabkooda waxuu u xaglinayay mucaaradka oo diiddanaa in shacabka u dareero sanaadiiqda codbixinta. Doodda ah Soomaaliya suurtoggal kama aha inay ka dhacdo doorasho shacab, waxaa diidaya xaqiiqooyinka jira.

  • Afganistaan, Ciraaq, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Liibiya iyo qayb ka mid ah Somaliland waxaa ka qabsoomay doorasho shacab. Xaaladaha dhulkaas ka jirta waxay shabbahaan ama ka xun yihiin xaaladaha Soomaaliya ka jira maanta.
  • Gudoomiyaha GMDQ Xaliimo Yarey waxay barlamaanka u gudbisay 2 nooc oo doorasho ah, iyo muddada ay ku qaban karto oo kala ah 9-13 bilood, oo ku kala beegnayd bisha March, iyo August 2021. Waxaa haddeer laga yaabaa in muranka doorashada lagu gaaro muddadaas iyadoo aan la qaban doorasho dadweyne.

Waxaa la gaaray xilligii shacabka Soomaaliyeed ay dhisan lahaayeen “ururro bulsho” oo aan laga taakulayn ama laga biilin dibadda, si loo helo hoggaamiyaal bulsho oo aan u taagneen fulinta dano shisheeye! Waxaa aad isusoo taraya dhaliisha loo jeedinayo diblomaasiyiinta ku xareysan xeendaabka “Xalane”.

Haddabba waa maxay shaqada diblomaasiyiinta, maxayse ka shaqeeyaan kuwa fadhigooda yahay Xalane?

Sida uu dhigayo heshiiska “Vienna- 1961” howlaha ergooyinka diblomaasyadeed waxaa lagu soo koobi karaa:

  1. Matalaadda danaha waddankooda, isagoo wakiil buuxa ka ah dowladdooda;
  2. Ilaalinta muwaaddiniintooda ku sugan waddanka martida loo yahay, hantidooda iyo saamiyada ay ku leeyihiin shirkadaha;
  3. Waanwaanta iyo saxiixa heshiisyada lala galayo waddanka martida loo yahay marka la oggolaado;
  4. Warbixinta iyo ururinta macluumaadka xogta, iyadoo loo marayo dhammaan habab sharci ah oo ku saabsan xaaladaha iyo horumarka ka socda waddanka martida loo yahay;
  5. Sare u qaadidda xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dowladood, iyo sii wadidda xidhiidhkooda dhaqaale, dhaqameed, bulshadeed, iwm.

Xirfadda diblomaasiyada waxay shabbahdaa howlaha ay qabtaan “sirdoonka” waxay ururiyaan xogta iyagoo adeegsanaya qaabab sharci ah; taasaa keentay in mararka qaar loogu yeero “Basaas sharciyaysan” waayo, waxay leeyihiin xasaanad. Waxaa intaas dheer mararka qaarkood inay diblomaasiyiinta howlgeshaan jawaasiis u keena siraha waddanka ay martida u yihiin.

Agaasimaha Xarunta Daraasaadka Aminga iyo Sirdoonka ee Jaamacadda Buckingham Bare sare  Anthony Glee ayaa yiri, “Safaarad kasta oo adduunka ku taal waxay leedahay basaasiin”. Waxuu intaas raaciyay in “Basaasidda dhabta ah waxaa sameeya wakiillo lacag la siin karo, la midoobi karo, ama u samaynaya sabab caqiidadeed. Saraakiisha safaaradaha ayaa mas’uul ka ah socodsiinta wakiillada” (BBC March 27, 2018).

Dowlad waliba waxay leedahay shabakado sirdoon oo dabaggal ku samaeysa dhaqdhaqaaqyada ay samaynayaan diblomaasiyiinta martida u ah, si ay u xafidato xogteeda, iskagana moosto dhagarta ay u maleegi karaan. 

Nasaiibdarro, siyaasadda Soomaaliya waxaa lagu hagaa “war murtiyeedyo” ay si wadajir ah u soo saaraan diblomaasiyiinta ku sugan xeendaabka Xalane! Bayannadaas waxaa ku saxiixan dowlado ay Soomaaliya xiriirka u jartay, ama aan ixtiraamin madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, sida Kenya iyo Imaaraadka Carabta iwm.

Nasiibwanaag, shacabka Soomaaliyeed waxay dhaqan u leeyihiin inaysan u dulqaadan, ama aysan qarin dhagarta iyo dhibka loo maleego dalkooda. Waxay “toosh” ku shidaan caddaalad darrada, eexda, boobka hanitida qaranka, iyagoo ugu wanqala magacyo u qalma, sida,  “ Xaafadaha Booli-Qaran, Galmudug, iwm” , xitaa waxaysan ka gaabin inay iftiimiyaan shirqoollada shisheeyaha, sida, Gabre iyo Beesha 6aad oo ay ula jeedaan diblomaasiyiinta ku xaraysan xeendaabka Xalane.

Jilayaasha siyaasada Soomaaliya waxay caadaysteen inay isku ashtakeeyaan diblomaasiyiinta Xalane ku sugan, halkii khilaafaadka siyaasiga ah, ay ku xallisan lahaayeen xeendaabka dowladnimada, iyo sharuucda dalka u degsan.

Dowlada Soomaaliya waxay xaq u leedahay inay heshiis laba geesood ah la geli karto dawladdii ay u aragto inay kala macaashi karaan, sida Mareykanka, Turkiga, iwm. Waxay kaloo awood u leedahay inay dalka ka caydhiso kuwa faraggellinta ku haya sida Kenya!

“Dowlad aan leenahay oo aan Xalane laga xukumin aan samaysanno” sidaas waxaa yiri Marwo Xaliimo Yarey, oo ah Gudoomiyaha Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Siciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Maxay Dowladda Soomaaliya Uga Furi Waayday Baaritaan Madaxbannaan Dhacdada Badda?

Toddobaadkii dhawaa ayey Kenya oggolaatay ugu dambeystii inay hortimaaddo Maxkamada Caddaaladda Caalamiga ICJ (March 15 -19, 2021) tan iyo markii August 28, 2014...

A Fault Line Named Farmajo

by Abukar Arman Somalia, a country of many political fault lines that indicate looming earthquakes of great magnitude,...

Somali Again Facing Period of Great Uncertainty, All Domestic and Foreign Eyes Focused on Upcoming Election

By Deeqa Salad The writer is a campaigner and community organizer who...

Maxaa Xiga Siyaasadda Cakiran iyo Fowdada Loo Durbaan Tumayo?

Bannaanbixii Jimcihii February 19, 2021 ee dalka ku sigay inuu dib u celiyo toban sano wax ka badan, waa astaanta halka uu...

Recent Comments

%d bloggers like this: