Friday, July 23, 2021
Home Diblomaasiyadda Ruuxaanta Tigreega iyo Maamulka Farmaajo Maxaa Kala Haysta!

Ruuxaanta Tigreega iyo Maamulka Farmaajo Maxaa Kala Haysta!

Kaddib, markii ay iskhilaafeen Ra’iisulwasaaraha Itoobbiya iyo maamulkii gobolka Tigreega, ayaa shacabka Soomaaliyeed lagu dhex faafiyey dacaayado lagu buun-buuninayo kooxda TPLF. Waxayse wararka beenta ah fiinta ugu saraysay gaadhay markii Abiy Axmed ku duulay gobolka Makelle.

Inkastoo TPLF lagu jebiyey dagaalkii, misna weli waxaa jira dad Soomaaliyeed oo rumaysan inay suuxsan tahay, balse aysan dhiman!

Haddaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah, maxaa shacabka Soomaaliyeed u nugleeyay inay rumaystaan wararka kutiri-kuteen ah?

Sida ay baaritaan caafimaad ku ogaadeen dhaqaatiirta ku taqasustay daawaynta dhimirka “psychiatrists”, dadka ku dhex-nool goobaha colaadda iyo rabshadaha ka jiraan waxaa ku dhici kara xanuunka PTSD (post traumatic stress disorder). Hadabba muxuu yahay xanuunkan, waa maxayse astaamaha lagu garto qofka qaba PTSD? Waa cillad dhimirka oo la soo derista dadka soomaray ama arkay dhacdooyin naxdin leh sida masiibo dabiici ah, shil halis ah, fal argaggixiso, dagaal, kufsi, hanjabaad dil, ama dhaawac culus. 

Dadka qaba cilladda PTSD ayaa wehel u noqda walaac iyo niyadjab, waana tan keentay in qofka ka leexdo ama ka fogaado dhabta iyo dhaqanka saxda ah. Inkastoo, baaritaan qoto dheer lagu samayn caafimaadka maskaxda dadka Soomaaliyeed, maadaama nidaamka caafimaadka dalka uu soo gaaray burbur baaxad weyn, misna astaamaha PTSD waxay ka muuqdaan hab dhaqanka dad badan oo Soomaali ah.

Kutiri-kuteen toddobaadyadii ugu dambaysay si aad ah loo faafinayay oo ay dad badan rumaysteen ayaa ahayd in Ra’iisulwasaaraha Itoobiya la dhaawacay ama la sumeeyey, laguna dabiibayo isbitaal ku yaala dalka Talyaaniga iyo in ciidamo Soomaali ah oo lagu tababarayey dalka Ereteriya ay qayb ka noqdeen dagaalkii sokeeye ee  gobolka tigreega!

Haddaba su’aasha miiska saaran ayaa ah ishee wararkani ka soo butaacayaan?

Ururka TPLF ayaa muddo sodon sanadood ku dhaw hagayey siyaasadda Itoobbiya, taasoo u suurtaggelisay inay awood u yeeshaan inay si buuxda u maamulaan laamaha ammaanka, oo uu ka mid yahay sirdoonka. Waxay shabakado sirdoon ah ku yeesheen gudaha Soomaaliya (koonfur iyo waqooyiba), iyagoo howlgeliyay canaasiir Soomaali ah.

Sida ay ilo xogogaal ah sheegayaan, waxay basaasiinta TPLF ku dhex milmeen laamaha dowladda heer federaal iyo mid goboleedba. Xitaa waxay ku guulaysteen inay ka mid noqdaan madaxda Sare ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya “NISA”.

Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxuu qaaday tallaabooyin dibuhabeen loogu sameeynayey laamaha amaanka oo Hay’adda Sirdoonka NISA ay ka mid tahay:

  • Waxuu Agaasimaha NISA u magacaabay Fahad Yaasiin;
  • Waxaa la kala diray ciidamadii ka tirsanaa NISA, badh waxaa lagu biiriyey boliiska, badhna waxaa laga dhigay howlgab. 
  • Waxaa la qoray kuwo cusub oo xogtooda ay xafidan tahay, lana hubsada sooyaalka noolashooda (background check);
  • Waxaa dhulka la dhigay “Daartii” xarunta u ahayd NISA, waxaana dib loo dhisay dhismo cusub, kaddib markii la tuhmay in sirdoon shisheeye ku rakibteen qalab meelo fogfog lagala socon karo waxa ka dhex socda xarunta NISA.

Nadiifinta xubnaha la shaqaysta sirdoonka TPLF, kuma kobnayn Soomaaliya oo keliya, xitaa Ra’iisulwasaaraha Itoobbiya Abiy Axmed ayaa ku dhaqaaqay tallaabo la mid ah tan Soomaaliya. Waxuu xilkii ka xayuubiyey madaxii Sirdoonka iyo Amniga Getachew Assefa, iyo taliyihii ciidamada Samora Yunis. Labaduba waxay ka tirsanaayeen hoggaanka sare ee TPLF (Reuters Jun 08, 2018).

Marka meel la iska dhigo Gabre iyo saraakiishii la shaqayn jirtay ee fadhiday xafiisyada Itoobbiya ku laheyd Hargeysa, Garoowe iyo Muqdisho, waxaa jiray unugyo firfircoon oo TPLF ah oo aysan qaban indhaha shacabka kuna “sidkanaa” siyaasiyiinta iyo madaxda sare ee NISA sida, Getachew Reda oo ah xubin sare oo ka tirsan TPLF, la-taliyana u soo noqday madaxweynihii gobolka Tigreega.

Ilo madaxbannaan ayaa xaqiijinaya in qofkii ugu horreeyey ee soo bandhiga sheekada ah in ciidamo Soomaali ah oo tababar ku qaadanayey Erateriya ay qayb ka noqdeen dagaalka gobolka Tigreega-Itoobbiya  uu ahaa Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Sirdoonka NISA Cabdisalaam Yuusuf Gulleed. Cabdisalaam waxuu u sheegay warbaahinta inuu warka ka xaqiiqsaday saraakiil Itoobbiyaan ah!

Haddaba saraakiisha Itoobbiyaanka ah ee xogta siisay Cabdisalaam Yuusuf Gulleed ma waxay ahayeen kuwii Tigreega ee xogta dalka loo gudbin jiray, mise kuwa haatan masuulka ka ah sirdoonka Itoobbiya?

Kaddib markii Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe uu u xaqiijiyey warbaahinta inaysan jirin ciidamo Soomaaliyeed oo ka qayb galay dagaalka gobolka Tigreega iyo dal kaleba. Islamarkaasna, waaliddiintii la hadashay warbaahinta iygagoo ka welwelsan ubadkooda, ay mar kale ka hadleen warbaahinta iyo baraha bulshada ka dib markii Wasaarada Gaashaandhigga la hadalsiiysay ubadkooda, caddeeyayna inaysan wax dhib ah qabin ubadkoodii; waxaa shacabka Soomaaliyeed ku noqotay amakaag iyo dhabannahays in Mudane Gulleed uusan ku qancsanayn wax ka yar in lala wadaago warbaahinta xogta tirada iyo magacyada ciidamada tababbarka ku qaadanaya Erateriya!

Ilo dhanka amaanka iyo diblomaasiyadda ayaa sheegaya in ujeeddadu tahay xaalad abuur waxyeelo loogu geysanayo dib u dhiska hay’addaha qaranka, iyadoo ay ku hoos qarsoon tahay dano shisheeye:

  • In la wiiqo howlaha dib-u-dhiska Ciidamada Soomaaliya;
  • In dalka Soomaaliya laga qaadin cunaqabataynta hubka, laguna sumadeeyo inay fidnada gobolka ka taagan ay qayb ka yihiin; iyo
  • In la carqaladayo fursadaha dib-u-doorashada Farmaajo.

Nasiibdarro, in dad badan rumaystaan arrinkan, islamarkaasna lagu qanci waayo hadalka Wasiir Dubbe, suxufiyiin, shaqsiyaadka madaxbannaan, ehelada iyo waaliddiinta la hadlay ubadkooda maxaa lagu macneyn karaa?

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Siyaasiga aan Daafici Karin Danaha iyo Amaanka Qaranka Ma u Qalmaa Madaxweyne Soomaaliyeed?

Saciid Cabdisalaam Soomaaliya waxay u baahan tahay siyaasad difaacda danaheeda qaran ee muhiimka ah, kuwaasoo si adag u...

Why US Policy on Ethiopia and Horn of Africa is Flawed

By Yohannes Gedamu The author is a Ph.D. lecturer of Political Science at Georgia Gwinnett College in...

Here’s How Kenya, Somalia Can Restore Ties

By Abdiwahab Sheikh Abdisamad The author is the Executive Director of the Institute for Horn of Africa...

Soomaaliya Xaq Ma u Leedahay Inay Diido Soo Jeedinta Midowga Afrika ee Hawlgalka AMISOM?

Cabdulqaadir Cariif Qaasim Waqtiga hawlgalka AMISOM oo ku dhow gabagabo ayaa muran abuuray. Talaadadii July 13, 2021 ayaa...

Recent Comments

%d bloggers like this: