Thursday, September 21, 2023
Home Gudaha Geeridii Galaal oo Farta Ku Fiiqday Cilladaha Goldaloollada Amniga Muqdisho

Geeridii Galaal oo Farta Ku Fiiqday Cilladaha Goldaloollada Amniga Muqdisho

Axaddii January 31, 2021 weerar argaggixisada ay ku qaadday Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho (Km 4) ayaa lagu dilay shan qof oo uu ka mid ahaa Janan Maxamed Nuur Galaal. Ciidanka Boliiska ayaa sheegay inay laayeen dablaydii ku soo duushay Hotelka, dad badanna ka soo badbaadiyeen inta aysan soo afjarin go’doomintii.

Balse, sheegashada Alshabaab mus’uuliyadii weerarka waxuushnimada ahaa ayaa lafteeda dhalinaysa su’aallo ah: Yaa ka dambeeyey shirqoolka? Maxay ahayd ujeeddada laga lahaa? Maxayse u fududeeyey argaggixisada goldaloollada amniga?

Marxuum Maxamed Nuur Galaad waxuu ahaa Janankii hoggaaminayay sacbooley-da oo ku dhiirraday inuu kaga hortago caasimadda ciidamadii daacadda u ahaa kalitaliskii Maxamed Siyaad Barre. Waxaa hubaal ah in haddii dib loo eego “Kacdoonkii Muqdisho,” Galaal uu ku sifoobayo Askari dhab ah “halyey” oo gutay waajibaadkiisii qaran, dalkana ka badbaadiyey nidaamkii faashilka ahaa, balse guusha sideedaba waxay leedahay aabbayaal badan (waa la wada sheegtaa).

Dhinaca kale, khatarta amni ee Muqdisho hareereysay waxaa loo kala saari karaa saddex qaybood:

  • Gaari waxyaabaha qarxa sita oo albaabka hore lagu dhufta  sidaasna dabley firxad ah ay gudaha ku galaan. Dhagartaas oo mararka qaarkood adeegsada qof ismineyay waxaa ku caan baxay argaggixisada al-Shabaab, waxaana lagu bartilmaamsadaa shacabka aan waxba galabsan, ganacsiga deegaanka iyo rugaha dowladda. 
  • Miino dhulka lagu aaso oo la kacda gaadiid warmoog ah amase duunyo iyo dadba. Tabtaas iyo dilalka qorsheysanba waxaa inta badan lagu tilmaamaa inay yihiin mashaqo ay adeegsadaan, jileyaal maxalli ah iyo sirdoon shisheeyaba oo maaro loo la’yahay waxayna ka dhacdaa dalka oo idil.
  • Gaari waxyaabaha qaraxa lagu soo rakibay oo la dhigo waddooyinka. Tabtaan oo xitaa qofkii dhigay gaariga aan badanaa la helin waxaa ka dambeeya basaasiin u adeegayay dowlado shisheeye, waxaana lagu bartilmaansadaa bartamaha magaalada, gaar ahaan waddada Makka inta u dhaxeysa Sayidka iyo lambar afar, si niyada looga jabiyo dadweynaha.

Waxaa xaqiiq ah in khatarta argagixisada ay hoos u dhacday marka loo eego sanadihii tegay (Africa Center for Strategic Studies – 29/01/2021). Taas waxaa u sabab ah: (b) In Xoogga Dalka oo kaashanayo AMISOM iyo doroonka Mareykanka uu jiidda hore guulo isdaba joog ah ka soo hooyay; (t) In degmooyinka dib loo furto loo fidiyo adeeggii bulshada; (j) In isbaacsigii Eritrea iyo Itoobbiya, iyo siyaasadii TPLFba ay meesha ka wada baxeen; iyo (x) In baraha koontoroolka iyo waddooyinka caasimadda qaarkood lagu xoojiyey kaamerooyin iyo ilaalo dhar cad.

Marka meel layska dhigo shirqoollada jaan, masiibadii ex-koontorool iyo diyaaraddii Turkiga ee ka duushay garoonka Aadan Cadde (Muqdisho), layskuna dayey in lagu soo rido kumputer nin sitay farsamadaas oo dunida qariib ku ahayd, waxay marqaati ma doonta u yihiin in hawlgallada lagu fuliyey gacmo argaggixiso, balse maskax sirdoon shisheeye ay soo maleegtay.

Cidna xaq uma laha inay qalqal geliso Soomaaliya, waxaase lagu kala aragti duwan yahay ujeeddada looga gol lahaa iyo in argaggixisadii noqotay qandaraasley u adeegto shisheeye. Aragtida hore, waxay ula muuqataa weerarka in laga lahaa “dano siyaasadeed,” si shacabka loogu kiciyo xukuumadda Farmaajo-Rooble, iyadoo lagu eedeynayo inay dammaanad qaadi la’dahay amniga caasimadda.

Aragtidaas waxaa barbartaal mid leh weerarka waxaa looga gol lahaa “fidno” lagu kicinayo colaad qabiil si loo carqaladeeyo wada-noolaanshaha bulshada, qalqalna loo geliyo doorashooyinka dalka. Labadaan qorshe waxay ka mid yihiin carqaladaynta fursadaha dib-u-doorashada Farmaajo.

Fikradda seddaxaad oo ka duwan labada hore ayaa iyana rumeysan in ujeeddadu ahayd “gumaad” (aqoon tirtirid), lagu bartilmaansanayo inta wax garata, si dalka loogu reebo maggudbayaal (umiyiin) aan kala garan halka laga yimid iyo halka loo socdo. Xog lala wadaagay Jamhuriyadda ayaa xaqiijineysa in dableydu, markii ay jahwareereen ay kor ugu dhawaaqayeen lambarka qolka Jan. Galaal.

Inkastoo aysan jirin tirakoob sugan, waxgaradka ciidan iyo rayidba leh ee burburkii dowladda kaddib la laayay, waxay dalka u geesatay khasaare aad u weyn. Arrinkaan ma aha dhaqan ku cusub dalka oo waxaa horey u adeegsan jiray sirdoonka Kenya iyo Itoobbiyadii TPLF, waxaase war ka taagan yahay, maxaa dib u soo nooleeyay?

Xeeldheerayaasha amniga iyo siyaasadda waxay aamni-darrada korortay u aaneynayaan seddax shay mid kood:

  • Khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhax taagan Soomaaliya iyo Kenya oo keeni kara in ciidamadooda dalka laga saaro;
  • Mareykanka oo ciidankiisii dib uga gurtay Soomaaliya ay ka dhaltay in dowlado dan ka leh dalka ku tartamayaan; iyo
  • Dib ugu soo laabashada Ruushka ee Geeska Afrika oo jahwareer ku abuurtay Midowga Yurub iyo dalal kale.

Haddaba aanu isweydiinnee, maxaa argagixisada u fududeeyey hawlgalada lagu xasuuqayo shacabka?

Sideedaba, khatarta amniga waxaa shida kala qaybsanaanta siyaasadda iyo iscaraadinta xanafta leh, taas oo nafaqaysa argaggixisada xilliga doorashooyinka. Dalka waxaa ka jira dhaqan xun oo ah inaan laysla xisaabtamin, waxaana muuqata in dhaliisha cilladda goldaloollooyinka amniga caasimadda aan loo kala harsaneen.

Mucaaradku waxuu ku eedeysan yahay, iyadoo aan laga taxaddirin cawaaqibta ka dhalan kara, inuu dowladda ku cadaadiyay inay qaaddo baraha koontroollada. Dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadirna waxay ku eedeysan yihiin inay qaadeen tillaabo ay ku qancinayeen mucaaradka iyagoo aan si dhab ah u qiimeyn khasaaraha ka dhalan kara dabcinta ilaalinta amniga.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments