Tuesday, March 28, 2023
Home Caalamka Haweeneydii Ugu Horreysay ee Afrikaan ah oo Hoggaanka u Qabatay Ururka Ganacsiga...

Haweeneydii Ugu Horreysay ee Afrikaan ah oo Hoggaanka u Qabatay Ururka Ganacsiga Adduunka

Marwo Ngozi Okonjo-Iweala oo labada jeer soo noqatay wasiirka maaliyadda dalka Nigeria ayaa taariikhda gashay kaddib markii ay ku guuleysatay hoggaanka Ururka Ganacsiga Addunka “WTO – World Trade Organization.” Marwadu waa haweeneydii ugu horreysay ee Afrikaan ah oo loo xusho inay hoggaamiso hay’adda addunka u qaabilsan xeerarka ganacsiga.

Dayrtii dhoweed ayaa Agaasimihii Guud ee hay’addaas Roberto Azevedo oo u dhashay Brasiil si lama filaan ah shaqadiisii uga tagay sanad ka hor dhammaadka xilhayntiisii (August 31, 2020). Agaasimaha waxaa ka careysiiyey khilaafka ganacsi ee sii kordhayay ee u dhaxeeya quwadaha waaweyn ee dhaqaalaha.

Jagada waxaa u tartamay ilaa siddeed waddan, balse waxaa iskugu soo haray Marwa Ngozi Okonjo-Iweala oo u dhalatay dalka Nigeria iyo Marwa Yoo Myung-hee oo u dhalatay dalka Konfurta Kuuriya. Ururka oo la aasaasay 1995 weligiis ma hoggaamin dumar ama qof Afrika ka soo jeeda.

Marwo Ngozi Okonjo-Iweala oo ah dhaqaaleyahan wax ku baratay dalka Mareykanka heysatana dhalashadiisa, qofka labaad ka ahayd hoggaanka Bankiga Adduunka, weliba taageero ka haysatay 104 dal oo xubno ka ah Ururka Ganacsiga Addunka ayaa jahwareer ku abuurtay ka dib markii Maamulka Madaxweyne Trump uu diidmo dhuldhiggay.

Sida warbaahinta sheegtay, asbaabta diidmada Trump waxay ku saleysneed dhowr arrimood: (1) Shakiga uu ka qabo Marwa Ngozi Okonjo-Iweala oo fikir ahaan aad ula safan kuwa caalamiga ah (internationalists); (2) Cabsi uu ka qabo hoggaamiyaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus oo u dhashay Afrika iyo; (3) Xakamaynta saamaynta Shiinaha ee qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka Itoobbiya, Kenya, Nigeria iwm.

Ururka waxaa u qorsheysnaa in November 9, 2020 la ansixiyo musharraxa ay isku raacsan yihiin dhammaan xubnaha, balse diidmada Mareykanka inuu ku biiro aqlabiyadda ayaa qasabtay in dib loo dhigo xulashada ilaa doorashada madaxtooyada Mareykanaka ay ka dhammaato. Khaskhashaadda maamulka Trump ayaa qayb ka ahayd ciyaarta awoodda caalamka.

February 5, 2021 ayaa Marwa Yoo go’aansatay inay iskaga harto tartanka markii ay muuqatay inuu Trump uusan soo laaban doonin, taas oo maamulka Madaxweyne Joe Biden u fududeysay inuu ku dhawaaqo in Washington ay taageero xoog leh u fidinayso musharraxa Nigeria.

Marwo Ngozi Okonjo-Iweala oo ka mid ah 100ka haweenka adduunka ugu awooda iyo saameynta badan, ayaa diiwaanka taariikhda loogu daray inay noqotay Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Addunka “WTO,” jagadaas oo aan weligeed qof Afrikaan ah amase haweenay soo marin.

Burhan Rooble

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Five Tips for Cardiovascular Patients Fasting During Ramadan

By Daily Sabah Those who suffer from cardiovascular diseases can fast during Ramadan with the approval of their...

Laas Caanood – Caalamka Ma ka Hortagi Doonaa in Soomaaliya Ka dhacdo Xasuuq?

Jamhuriyadda Xiisadda ka aloosan gobolka Sool ayaa u muuqata mid maalinba maalinta ka dambaysa ka sii dheeraanaysa soo...

Diblomaasiyaddii Sanadka – Riyadh iyo Tehran oo Si Lama Filaan ah u Heshiiyay Toddoba Sanadood Kaddib

Jamhuriyadda Wadahadallo aan loo kala kicin shan maalmood kaddib, ayay Boqortooyada Sacuudiga iyo Iran ku dhawaaqay Jimcihii March...

Xagee Soomaaliya Loo Wadaa – Dimuqraadiyad Xisbiyo Siyaasadeed Lahayn

Jamhuriyadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay March 8, 2023, munaasabadda saxiixa sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman,...

Recent Comments