Friday, July 23, 2021
Home Siyaasadda Maxaa Xiga Siyaasadda Cakiran iyo Fowdada Loo Durbaan Tumayo?

Maxaa Xiga Siyaasadda Cakiran iyo Fowdada Loo Durbaan Tumayo?

Bannaanbixii Jimcihii February 19, 2021 ee dalka ku sigay inuu dib u celiyo toban sano wax ka badan, waa astaanta halka uu khilaafka taagan na gaarsiin karo. Khilaafkan lix-bilood jirsaday wuxuu kasoo billowday markii si ula kac ah loo horistaagay Sharcigii Doorashada Qof iyo Cod, iyadoo cudurdaar looga dhigayo in muddo kordhin uu ku heli karo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Muddo kordhin madaxweyne ma aha shay ugub ah, sababtoo ah labadii madaxweyne ee ugu dambeeyay  waxaa loo kordhiyay muddo ay ugu yar tahay sidded bilood. Doorashada Qof iyo Cod waxay dan u tahay Dadweynaha oo awoodda dimuqraadiga ah ku heli lahaa inuu tala ku yeesho hoggaanka dalka. Haseyeeshee, siyaasiyiinta badankooda waxay doorbideen habka xulashada qabiilka ku dhisan (Doorashada Dabdan).

Haddii ay siyaasiyiinta heleen nooca doorashada ay rabeen: Waa maxay sababta ay ugu heshiin la’yihiin in doorashada dadban lagu dhaqaaqo?

Su’aashan jawaabteed waa mid adag, balse waxaa loo badinayaa inay ka timid kolkii ay jileyaasha siyaasadda dalka ay la noqotay in Madaxweynaha hoggaanka haya uu ka itimaal (probability) badan yahay musharraxiinta kale, dadweynahana ay u bogeen guulaha laga  gaaray dibudhiska dalka.

Aragtidaas ayaa waxay ifisay sidii dheellitirka loo baabi’in laha. Tasna waxay dhashay in isaga la bartilmaansado, kaddibna la qoorsheeyo in laga dhigo mid fashal u keenay Dalka. Mucaaradka waxay isla garteen in fashalkiisa laga dhigo inuu doorasho qaban waayay.

Waxaad arkaysa, markaad dib u eegto wixi dhacayay lixdii bilood ee la soo dhaafay in wax kastoo lagu heshiiyo la fashiliyo lana dul dhigayo shurrudo lagu soo koobi karo Gaw iyo Gash-ma-leh! Haddii aan kasoo qabanno shirka goor dhow la iclaami yahay  (February 18, 2021), lammaanaha Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Saciid Cabdullahi Deeni waxay soo hordhiigeen shurrud cusub oo lama filaan ah.

Haddii aad fiiriso xitaa xujooyinka kale ma aha arrima xasaasi u ah sida siyaasiyiinta ay uga dhigaayaan: waa Geedo iyo soohdinta Kenya ha laga soo saaro cidamada Xoogga Dalka, xulashada xildhibaannada Waqooyi, iyo magacaabidda Guddiga doorashada federralka.

Waaya-aragnimada waxay na tusaysaa in xaajadii cakiranto lagu daweeyo tanaasul oo meel dhexe laysugu yimaado. Nasiibdarro, waxaa muuqato in haddii  tanaasul la sameeyo oo meel dhexe laysugu yimaado in durbadiiba haddana shuruudo lagu buriyo loo helayo.

Waa taariikhda qormeysa ee lixdii bilood ee ugu dambaysay, waa nooca iyo tayada siyaasiyiinta Soomaaliya ee xilligaan, waana dabinka aan ku dhacnay dhammaanteenna. Waa marin-haabaabin iyo in doodda laga weeciyo waxyaabaha dhabtii mihiim u ah dadweynaha iyo dalkaba, qoortana  loo geliyo waxyaabo kale oo sababaya jahawareer qarameed.  Shacabka Soomaaliyeed maanta wuxuu joogaa “Alla ii Qaddaray Quraca Hoostiisa” (barakaca).

Waxa Soomaaliya maanta haysta ma aha masiiba Eebbe kor nooga keenay, balse waa wax ula kac siyaasiyiinteenna noo badeen.

Haddaba aan kala qaad-qaadno dhinacyada ku lug leh fashilka qaran, cid walibana masuuliyadeeda muujinno. Aan ka billowno maamulka madaxtooyada oo ay mucaaradka farta noogu fiiqayaan oo aan eegno lugta uu ku leeyahay eelkan (dhibaatadan ballaaran).

Dowladda Maxamed Cabdullahi Famaajo waa midda horumarka ugu baallaaran samaysay tobankii sanadood ee la soo dhaafay, si ballaaranna u kasbatay kalsoonida dadweynaha, balse  haddeer ku siganayso inay lumiso miraheeda. Maamulkaas, haddii la eego dadaallada khilaafaad siyaasadeed ee taagan waa midka sameeyay tanaasullada ugu tira badan. Cilladdiisa ma aha tanaasul-darro ee waa khaladaad siyaasi oo uu sameeyay.

Khaladaadkaas waxaa ka mid ah: Afgaabnaan, taasoo ah garasho xumo in waxa loo adeegayo uu yahay dadweynaha. Cidda loo adeegayano (dadweynaha) waxay xaq u leedahay inay ogaato, aragto, ayna qiimayso waxa loo qabtay. Waxuu maamul ka gaabiya xitaa inuu ummadda u caddeeyo waxa uu qabtay, iyo mawqifka uu mashaakilka ka tagan yahay. Waa maamul hoggaankiisa sare (madaxweyne iyo ra’iisulwasaareba) aan la socodsiinaynin shacbka mawqifkooda una fasiraynin waxa go’aammadooda ay salka ku hayaan. Cilladda noocan ah runtii waa dimuqraadiyo wadkeeda.

Tusaale waxaa nagu filan inaanu dib u eegno arrinka Gedo iyo Guddiga Doorashashooyinka. Kolka hore Gedo waa cawaaqibta aqoonsiga labada sano ee Axmed Madoobe oo uusan maamulka Farmaajo ka fikirin inuu ku koobo Axmed Madoobe dhulka hoos yimmaadda keliya (Jubbada Hoose). Waa qalad maamul iyo siyaasadeed oo aad u weyn kana dhashay culayska ay Beesha Caalamka iyo indhaha Shacabka ay ku cadaadiyeen madaxtooyada xilli khilaaf hoose uu ka dhex jiray Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre.

Mawqifka xukuumadda waxuu fursad siiyay Axmed Madoobe oo ilaa haatan ku xargagay (suuxsan) halkaas. Dabcan waxaa isna faraska fuulay Saciid Deni.

Sidaasoo kale, Madaxweyne Farmaajo marna ma uusan u fasirin shacabka Guddiga doorashayoonka waxa uu yahay iyo waxa xalkiisa ah.

Dhanka kale, waa maamul goboleedyada iyo bahda musharraxiinta oo isla socda haddana kala socda. Bah kasta waxay leedahay bah hoosaadyo, haseyeeshe, hawl fududayn ahaan, waxaa layskugu geyn karaa hal bah, sababtoo ah waxay leyihiin wax hooseeye ay wadaagan-(common denominator).

Haddii aan u gudubno Maamul Goboleedyada saddex waxay ku jiillan yihiin Dowladda Federaalka. Bahda maamul-goboleedka waxaa ka soocan Puntland iyo Jubbaland oo ah tiirarka ugu weyn ee cakiraadda  masuulka ka ah. Saadaashu waxay tilmaamaysaa in labadan isku afka ah aysan doonayn in heshhiis la gaaro.

Waxaa amakaag ah in indheergaradka, isimmada, akhyaarta, iyo abwaannada gobolka Puntland aysan ka muuqan ka duwanaansho mawqifka maamulka Saciid Cabdullahi Deni, halka shacabka Puntland uu u muuqdo mid dhibsanaya hagardaamaynta danaha dalka. Waxaa la yaab leh inuu arrimaha Saciid Cabdullahi Deni uu heshiis waliba ku burburinayo shir kastana uu shurruud uga dhigo inaysan u muuqan kuwa dhab ahaantii dan muuqata ugu jirto gobolka Puntland iyo dadweynahiisaba.

Bahda musharrixiinta waxaa horseed u ah: Labada madaxweyne ee hore, iyo Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame, waxaa ka dhex muuqda Xasan Cali Khayre iyo Cabdikariim Guuleed. Bahdani waxaa kaloo ku jira koox aad u ballaaran oo xildhibaanna ah sida Mahad Salaad iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay uga dhegtay hal arrin (Xildhibaannada Waqoyi) oo aan ujeedin in bahda musharraxiinta aysan waxba ka galin Waqoyi, balse dantooda ay tahay inay adeegsanayaan haybadda Cabdi Xaashi iyo miisaanka uu ku leeyahay arrinka Waqoyi.

Su’aasha lala yaaban yahay ee mugdi weyn ku jirto ayaa ah, waa maxay waxa labada madaxweyne ee hore, ee hab maamulkoodii horey loo soo arkay ay maanta qaban karaan haddii ay talada dalka gacantooda gasho oo ay horey ugu qaban waayeen dalka?

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

2 COMMENTS

Leave a Reply

Most Popular

Siyaasiga aan Daafici Karin Danaha iyo Amaanka Qaranka Ma u Qalmaa Madaxweyne Soomaaliyeed?

Saciid Cabdisalaam Soomaaliya waxay u baahan tahay siyaasad difaacda danaheeda qaran ee muhiimka ah, kuwaasoo si adag u...

Why US Policy on Ethiopia and Horn of Africa is Flawed

By Yohannes Gedamu The author is a Ph.D. lecturer of Political Science at Georgia Gwinnett College in...

Here’s How Kenya, Somalia Can Restore Ties

By Abdiwahab Sheikh Abdisamad The author is the Executive Director of the Institute for Horn of Africa...

Soomaaliya Xaq Ma u Leedahay Inay Diido Soo Jeedinta Midowga Afrika ee Hawlgalka AMISOM?

Cabdulqaadir Cariif Qaasim Waqtiga hawlgalka AMISOM oo ku dhow gabagabo ayaa muran abuuray. Talaadadii July 13, 2021 ayaa...

Recent Comments

%d bloggers like this: