Saturday, April 10, 2021
Home Dacwada Badda Maxay Dowladda Soomaaliya Uga Furi Waayday Baaritaan Madaxbannaan Dhacdada Badda?

Maxay Dowladda Soomaaliya Uga Furi Waayday Baaritaan Madaxbannaan Dhacdada Badda?

Toddobaadkii dhawaa ayey Kenya oggolaatay ugu dambeystii inay hortimaaddo Maxkamada Caddaaladda Caalamiga ICJ (March 15 -19, 2021) tan iyo markii August 28, 2014 ay Soomaaliya horgeysay dacwad ka dhan ah. Muranka labada dal u dhexeeya waxuu ka dhashay jihada soohdinta badda Hindiya ee ay wadaagaan.

Maqaalku wuxuu bud-dhig u yahay doodda masiirka badda Soomaaliyeed, waxaana si kooban dib loogu eegayaa dhacdooyinkii sababay halka mas’aladu taal.

Abril 7, 2009 Soomaaliya iyo Kenya waxey ku saxiixdeyn magaalada Nairobi heshiis is-afgarad ah (Memorandum of Understanding – MOU) oo ujeeddadiisu ahayd in laba dal midkoodna midka kale uusan ka hor istaagin dalabka qolfoofta badda. 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midowbay Ban Ki-moon ayaa Jun 2008, ugu baaqay dowladaha horumaray inay gacan ka gaystaan dalabka xuquuqda qolfofta badda ee dalalka soo koraya, kuwaas oo aan awood dhaqaale iyo khibradba laheyn. 

Kenya ayaa 1989 si rasmi ah ugu andacootay dhul-badeed aysan lahayn ka dib markii ay 1979 iskeed u beddelatay sohdintii. Sheegashadeedu waxay ku aaddan tahay xilligii dunida ku heshiineysay axdigii “United Nation Convention on the Law of the Sea – UNCLOS,” Soomaaliyana ay jilcaneyd.

Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii axdigaas saxiixay ka hor May 13, 1989 ee lagu shardiyeelay in inta ka horreysa May 13, 2009 ay si rasmi ah ugu gudbiyaan dalabkooda qolfoofta badweynta guddiga CLCS – “Commission on the Limits of the Continental Shelf”.  Madasha oo dib looga dhaco, waxey keeni kartay in dalku uu lumiyo xuquuqdiisa, masiirka dhul-badeedkana ay la wareegto hay’adda “ISA – International Seabed Authority.”

Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u fadhiya Soomaaliya – Axmedou Ould Cabdallah oo ka jawaabaya baaqa Xoghayaha Guud, ayaa Oktoobar 2008, diyaariyey macluumad kooban, si Soomaaliya aysan u lumi xuquuqdeeda. Guddiga Amaanka ee QM ayaa Desembar 16, 2008 dib-u-ayiday “xushmeynta qaranimada, xuduudaha dhulka, madax-banaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliyeed.”

Danjiraha Norway u fadhiya Nairobi Hans Wilheln Longva iyo Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya – Charles Petrie ayaa March 10, 2009 kula kulmay Nairobi Wasiirka Kalluumeysiga Cabdirahman Aadan Ibrahiim – Ibbi, una bandhigay qorshaha dowladda Norway ay ugu fidin doonto Soomaaliya gargaar khibradeed.

Danjire Hans Wilheln Longva wuxuu Abril 5, 2009 socdaal laba maalmood ah ku yimid Muqdisho. Danjiruhu wuxuu la kulmay Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Ra’iisul-wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Sidoo kale, wuxuu warbixin buuxdo siiyey Golaha Wasiirrada, oo ansixiyey mashruuca dalabka qolfofta badda.

Bil ka hor – Maarso 2009, inta aan heshiiska la saxiixin, Norway waxay soo dirtay nuqulka (draft) heshiiska, si labada dhinac ay uga sii baarandegaan qaabka uu u qoraan yahay is-afgaradka. Su’aasha isweydiinta u baahan ayaa ah, maxaa u diiday xukuumadda Soomaaliya inay kala tashato heshiiska khubarada sharciga badda?

Kenya waxey Jun 2009, heshiiskii si rasmi ah uga diiwaan gelisay xafiiska heshiisyada caalamka ee Xoghaynta QM. Waxay September 3, 2009 ka hor jeedisay warbixin guddiga “CLCS,” dalabkeedina waxaa loo gudbiyey guddi-hoosad farsamo, iyadoo madal loo qabtay September 5, 2014. 

Oktoobar 10, 2009 Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke ayaa warqad u qoray Xoghayaha Guud ee QM, oo uu ku tifaftirayey mowqifka Soomaaliya ee xudduudda badda inuu waafaqsan yahay shuruucda caalamiga.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ka codsaday Xoghayaha, in Qaramada Midowday ay tixgeliyso go’aan Baarlamaanka Soomaaliya ee ka dhigayay heshiiska Kenya iyo Soomaaliya – wax kuma oolan (null and void).

Baarlamanka Federaalka Soomaaliyeed ayaa cod-buuxa ku diiday August 1, 2009 heshiiskii, inkastoo Kenya aysan dheg jalaq u siin. Su’aasha iyana muddan in lays weydiiyo ayaa ah, maxay tahay cawaaqibta ka dhalatay la daahidda Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashid qoraalkiisa?

Ugu dambeyntii, Maxkamadda ICJ ayaa February 2017 taageertay mowqifka Soomaaliya ee ahaa inay awood u leedahay inay qaado dacwadda laga soo gudbiyay Kenya. Balse waxay maxkamadda sugtay in heshiiskii Abril 2009 uu yahay Axdi rasmi ah.

Ergayga Soomaaliya ee QM Danjire Dr. Cilmi Axmed Ducaale, ayaa March 2, 2010 mar labaad u qoray Xoghayaha Guud inuu tixgeliyo codsigii Dowladda Federalka Soomaaliya. Ma jirto meel dowladda Kenya, iyo tan Soomaaliya ay ku soo hadal qaadeen in heshiisku xeerinayo soohdinta badda labada dal.

Su’aal kama taagna in mas’uuliyad ay dayacantay, balse su’aasha dad badan isweydiinayaan ayaa ah, maxay maamulladii Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu furi waayeen baaritaan madaxbannaan dhacdada badda si loo helo xaqiiqda waxna looga barto?

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka.

Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Waraysi JAMHURIYADDA ay la yeelatay Takhtar Nazim Masinghi, M.D.

Jamhuriyadda - Waxaan ognahay in tallaalka  AstraZeneca ee Jaamacadda Oxford, inkastoy Guddiga Dawooyinka ee Midowga Yurub ay ku taliyeen sida Ururka Caafimaadka...

Real – World Efficacy Rates for Every COVID-19 Vaccine, Based On Age and Symptoms

By Sissi Cao Moderna, Johnson & Johnson and Pfizer (with the help of Germany’s BioNTech) developed three highly...

Siyaasadda Madasha Badbaado Qaran: Ma Cayaar Jogta Ahba Mise Waa Awood Isbeddel Curin Karta?

Xilli siyaasadda dalka ay cakiran tahay ayaa shirkii koowaad ee Madasha Badbaado Qaran (MBQ) oo ay ku bahoobeen Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, Golaha...

Farriinta Maraykanka Maxay Saamayn Ku Yeelan Karta Xasilinta Soomaaliya?

Maamulka Madaxweyne Joe Biden oo dib u hagaajinaya siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka, ayaa u muuqda inuu Afrika ula dhaqmi doono si ka duwan...

Recent Comments

%d bloggers like this: