Thursday, November 30, 2023
Home Siyaasadda Maxaa Xigi Doona Xiisadda Siyaasadeed ee Xilkasnimo Loo Xalliyay?

Maxaa Xigi Doona Xiisadda Siyaasadeed ee Xilkasnimo Loo Xalliyay?

Dowladda iyo Musharrixiinta Madaxtooyada ayaa tallabo u qaaday xagga dejinta xiisadda siyaasadeed. Khamiistii February 25, 2021 kulan Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharrixiinta Mucaaradka ay ku yeesheen hotelka Decale ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa rabsadii ka dhalatay banaanbixii February 19, 2021 si nabadood layskaga qanciyey. 

Xiisadda siyaasadeed waxay dhalisay su’aallo ku saabsan hab-dhaqanka dimuqraadiyadda dalka. Tan iyo wixii ka dambeeyey heshiiskii September 17, 2020 waxaa sii kordhayay ismaandhaafka u dhexeeyo dowladda dhexe iyo bahda mucaaradka (musharrixiinta madaxtooyada iyo madaxda Puntland-Jubbaland). 

Loollanka awoodda ayaa waji ka duwan kii hore la soo baxay, kaddib markii musharrixiinta mucaaradka ku dhawaaqeen in la dhiso “Gole Badbaado,” kaas oo shabbahda bayaankii ay ku kala dhawaaqeen Abril 25 iyo 27, 2020 xoogagga adeecsan Imaaraadka ee dalalka Liibiya iyo Koonfurta Yaman (Jamhuriyadda 20/05/2020).

Walow dalabka bannaanbaxa uu yahay xaq dastuuri ah, haddana tallaabada mucaaradku waxay abuuri lahayd jawi qatar geliya amniga daciifka ah. Balse hadafkii ahaa in lagu cadaadin dowladda laguna dhiso sumcadda mucaaradka waxaa dhabqiyey Yuusuf Siyaad Indha-cadde kaddib markuu ku dhawaaqay inuu qabsaday Taallada Daljirka Dahsoon.

Halkaas waxaa ka caddaatay in mucaaradku uusan haysan waddo dastuuri ah oo uu ku rido Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Si kastaba ha ahaate, heshiiska maamulka Farmaajo-Rooble iyo musharraxiinta mucaaradka oo ah tallaabo aan horay looga baran Soomaaliya waxay dunida tustay in dalku uu isqancin ku xallin karo mashaakilkiisa haddii faragelinta shisheeye maaro loo helo.

Garawsiga xukuumadda mas’uuliyadda ku aadan wixii dhacay Jimcihii February 19, 2021 iyo oggolaashaha in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo dhacdada ayaa iyada u muuqato xilkasnimo hor leh. 

Sidoo kale, in mucaaradku uu aqoonsado in xukuumadda ay mas’uul ka tahay amniga dalka waa tanaasul muujinaya bisayl siyaasadeed.

Musharrax Daahir Maxamuud Geelle oo ka faalloonayey tanaasulka ayaa bartiisa tweetterka ku yiri, “Waxaan caawa qaadannay heshiis qaraar [adag] si aan ugu laab qaboojinno hooyooyinka iyo caruurta ka walwalsanaa waxa berri dhici doona!” 

Haddaba su’aasha waxay tahay: Soomaaliya goormee ka bixi doontaa meertada xasillooni darrada siyaasadeed?

Laba cilladood ayaa caqabad ku ah guud ahaan hadafkaas: (1) Dhaqanka bahda mucaardka oo ah in wax kastoo lagu heshiiyo lugta lagu dhufto lana dul dhigayo xujo; iyo (2) Beesha caalamka badankeed oo aan weli diyaar u ahayn in Soomaaliya xasisho.

Kalsooni darrada ka dhexeysa dowladda dhexe iyo madaxda maamul-goboleedyada ka soo horjeeda (Puntland iyo Jubbaland) ayaa hirgelinta heshiiskii doorashada dadban ee September 17, 2020 ka dhigaya mid aan sahlanayn balse aan fogeen.

Isbeddelka siyaasadda Maraykanka ee Geeska Afrika iyo Khaliijka Carbeed waxuu astaan u yahay in siyaasaddii Amiirrada Carbeed ay ku dhaqi jireen Soomaaliya uu gabalkeedii sii dhacayo. 

Soomaaliya waxay hore uga soo dhergtay hoggaamiye kooxeedyo gar ma galeen ah oo dalka ka lumiyay rubac qarni. Sida muuqata Mudane Saciid Cabdullahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe waa noocii ugu dambeeyay hoggaamiye kooxeedkii, si fududna loogama takhallusi doono ficiltankooda inta Abu Dhabi iyo Nairobi ay faraha kula jiraan jihaynta masiirka siyaasadda Soomaaliya.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments