Thursday, June 1, 2023
Home Dhaqaalaha Maxay Uga Dhigan Tahay Soomaaliya Bixinta Ruqsaddii Ugu Horreysay ee Isdhaafiga Lacagta...

Maxay Uga Dhigan Tahay Soomaaliya Bixinta Ruqsaddii Ugu Horreysay ee Isdhaafiga Lacagta Taleefoonka?

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maalintii Sabtiga February 27, 2021 siiyey ruqsaddii ugu horreysay ee maareynta lacagta teleefoonada moobiilka Shirkadda Hormuud Telecom oo saldhigeedu yahay Muqdisho. Hormuud waa shirkadda ugu weyn ee bixisa adeegyada isgaarsiinta iyo isdhaafiga lacagta teleefonada gacanta (EVC Plus).

Tobankii sanadood ee tegay wax isdhaafsiga ganacsiga iyo xawaaladaha dalka waxay ku socdeen qaabka lacag bixinta teleefoonada gacanta iyadoo dalka uusan lahayn sharci si rasmi ah u dammaanad qaadayey. Waxaa maanta si joogta ah u isticmaasha isdhaafsiga lacagta moobillada in ku dhow ilaa 3.6 malyan macaamil.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in, “EVC plus hadda ay hoos imaan doonto nidaamka lacagaha [dalka] ee Bankiga Dhexe, taas oo kordhineysa kalsooni macaamiisha” (Sonna 27/02/2021).

War laga soo xigtay Bankiga Adduunka ayaa sheegaya in qiyaastii 155 malyan dhaqdhaqaaq wax isdhaafsi taleefoon oo ku kacaya ilaa 2.7 bilyan doorlar laga diiwaangelinayey Soomaaliya bil kasta tan iyo 2018kii (Reuters 27/02/2021).

Tilaabadda sharciyeenta lacagta moobiillada waxay wax weyn ka teri doontaa xakameynta lacagaha been-abuurka baahsan. Maqnaashaha lacag rasmi ah ee daba-dheeraatay ayaa fursad u siisay ganacsato-isku-sheeg burcad ah, dagaal-ogeyaal iyo maamul-goboleedka Puntland inay si sharci darro ah dalka u keenaan lacag been-abuur ah, taas oo dhalisay sicir barar xad-dhaaf ah oo kordhiyay saboolnimo baahsan.

Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud Axmed Maxamuud Yuusuf (Axmed Sacuud) ayaa hore u yiri, “hadafka Hormuud waa in adeegsiga isdhaafsiga lacagta teleefoonka ee gudaha Soomaaliya la gaarsiiyo 100% – boqolkiiba boqol” (Connecting Africa 18/09/2020).

Dardar gelinta qaanuunka lacagta dijitaalka waxay muujineysaa in nidaamka maaliyadda Soomaaliya uu dib ula qabsaday dhaqaalaha adduunka.

Sanadihii tegay, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay halgan ugu jirtay sidii ay dib ugu yagleeli lahayd dhaqaale rasmi ah oo bangiyo heer caalami ah adeegsada. Sida muuqata dalku waxuu ku guuleystay inuu dib u soo celiso siyaasadda lacagta iyo maaliyadda kaddib markii uu fuliyey shuruudihii hay’adaha maaliyadda caalamka (IMF, World and AfDB).

Burhan Rooble

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments