Tuesday, June 15, 2021
Home Siyaasadda Muranka Doorashada: Isku Maqan Lagu Maqan Yahay Ma Badbaado!

Muranka Doorashada: Isku Maqan Lagu Maqan Yahay Ma Badbaado!

Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa saaran culays, iyo cadaadis dibadeed oo uga imaanaya qaar ka mid ah waddamada deriska ah, kuwa khaliijka, iyo Yurub. Dhamaantood waxay ka midaysan yihiin in la carqaladeeyo dib u doorashada Farmaajo. Kaddib markii afar sanadood ee ina weedaaratay uu maamulkiisa is hortaag ku sameeyey danaha ay dowladahani ka lahaayeen Soomaaliya.

Maqaalkan waxuu iftiiminayaa dowladaha dagaalka diblomaasiyadeed kula jira Soomaaliya, iyo waxa ay yihiin danaha ay ka leeyihiin dalka.

Imaaraadka Carabta:

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa sii xumaanayay kaddib markii Soomaaliya ay diidday inay la safato dalalkii xiriirka u gooyay dalka Qatar, ka gadaal markii uu abuurmay khilaafka diblomaasiyadeed ee khaliijka. Amiirrada Imaaraadka waxay u muuqdaan kuwo go’aansaday inay ciqaabaan waddankan leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika (3,300 km), oo marin u ah tamarta caalamka.

Shirkadda DP World ee Imaaraadka, ayaa heshiisyo gooni-gooni ah la saxiixatay maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland iyadoo aan oggolaansho laga helin Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay u hantido maamulka iyo maaraynta dekadaha Soomaaliya, taas oo u saamaxeysa inay saameeyn ku yeelato awoodda siyaasadeed iyo dhaqaalaha dalka.

Si loo fahmo ujeeddada Imaaraadka ama cawwaqibta ka imaan karta haddii ay kansho u hesho inay ku amartaaglayso dalka waxaa nagu filan inaan eegno waxa ku dhacay dalka Yaman oo ay Imaaradku kadeed iyo kaladhantaal ku hayso, iyo dalka Liibiya oo nabad loo diiday iyadoo u kaashanaysa Masar oo u noqotay dal macmal ah oo la adeegsado. Dalka Tuunis, markii ay maaro u weyday faraggelinta Imaaraadka ayey gashay maganta Qatar.

Dowladda Kenya:

Colaadda dowladda Kenya ayaa salka ku haysa kiiska badda ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ICJ.  Kenya markii ay xaqiiqsatay in looga guulaysanayo kiiska badda, ayey go’aansatay inay dagaal diblomaasiyeed iyo mid ciidanba ku qaaddo Maamulka Farmaajo, si ay u oggolaysiiso dowladda Soomaaliya in kiiska badda lagu xalliyo Maxkamada ICJ dibeddeeda.

Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa gacanta ku haya magaalada dekedda leh ee Kismaayo iyo weliba dhul ballaaran oo ka mid ah Maamulka Jubbalnd, taas oo dowladda Kenya u sahashay inay saamayn siyaasadeed iyo mid amni ku yeelato gudaha Soomaaliya. Kenya waxay dabada ku wadata Imaaraadka oo ay la yeelatay isbahaysi dhaawacaya Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti:

Inkastoo, Jabuuti iyo Soomaaliya ay wadaagaan xiriir dhaqan iyo dhalasho, misna isbahaysiga ka curtay Geeska Afrika ee u dhaxeeya Soomaaliya, Itoobiya, iyo Erateriya ayaa kala irdheeyay labada dal. Soomaaliya oo eeganaysa masaalixddeeda amniga iyo dhaqaalaha ayaa dadaal ku bixisay sidii ay xiriir dhow ula yeelan lahayd Itoobbiya iyo Erateriya. Saddexda waddan ayaa ku heshiiyey inay iska kaashadaan dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka.

Dowladda Jabuuti oo xiriir aad u dhow la lahayd Maamulkii TPLF ee ka arriminayey Itoobbiya ayaa u arkay in iskaashiga dhexmaray dariskeeda (Soomaaliya, Itoobbiya iyo Erateriya) ku yeelan karo saameyn taban, kaas oo waxyeeli kara dhaqaalaha Jabuuti, lagana yaabee inuu abuuro sicir barar iyo kacdoon shacab oo saameyn xun ku yeelan kara xukunka Ismaaciil Cumar Geelle, haddii uu ku guul darraysto bixinta amaahda lagu dhisay dekedaha Jabuuti, oo muddo dheer ahayd irridda ugu weyn ee laga soo dejiyo shixnadaha dibadda uga yimaada Itoobbiya ama laga dhoofiyo wax soosaarkeeda.

Dalalka Yurubta Galbeed.

Dalalka Midowga Yurub, Boqortooyada Ingriiska, iyo Norway waxay dhammaan ka walaacsan yihiin xiriirka iskaashiga dhaqaale, siyaasadda iyo amni ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Dalka Turkiga ayaa gacan weyn ka geystay yaraynta saamayntii ka dhalatay abaartii dalka ku dhufatay horraantii 2011. Markii laga doogsaday abaartii, Turkigu waxuu billaabay mashaariic dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashadda, caafimaadka, iyo ciidamada. Badi dalalka Yurub oo quuddarraynayay inay heshiisyo aan dheelli tirnayn uga faa’iidaystaan kheyraadka Soomaaliya, ayaa dadaalkoodu u muuqdaa mid haggardaamo ku ah xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Dalalkaas ma aha kuwa, haddii saaxibtinnada iyo gargaarka Turkiga meesha ka baxdo, u cawilcelin doona Soomaaliya. Balse haddiiba ay meesha ka baxdo gacan qabashadda iyo deeqda walaltinimo uu dalka Turkiga siiyo  Soomaaliya waxay fursad u noqonaysaa cadawga Soomaaliya.

Dalka Masar.

Masar waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u horistaagi laheyd mashruuca biyoxireenka Itoobbiya, kaasoo saamayn taban ku yeelanaya qulqulka biyaha wabiga Niil, oo waxyeeli kara beeraha iyo dhaqaalaha Masar.

Soomaaliya waxay xiisadda u dhaxaysa Masar iyo Itoobbiya ka qaadatay mowqif dhexdhexaad ah, waxayna ku talisay in xiisadda lagu dhameeyo wadahadal. Masar oo kaashanaysa Imaaraadka iyo Yahuuda ayaa gobolka ka abuurtay isbahaysi dhan ka ah Itoobbiya iyadoo Koonfurta Suudan ay noqtay dalkii ugu dambeeyay ee ku biira iskaashigaas.

Dhamaan quwadahan shisheeye si ay u gaaraan danahooda gurracan waxay adeegsanayaan maamullada Somaliland, Puntland, Jubbaland, qaar ka mid ah ururada bulshada ee rayidka ah iyo kooxda fadhigoodu yahay Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Adeegayaashaas ku sugan dalka ayaa ku guulaystay inay meesha ka saaraan awoodda Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka GMDQ iyo doorashadii Qof iyo Cod, kaddib markii ay xaqiiqsadeen in haddii doorasho shacab la qabto uu ku guulaysan karo Farmaajo.  

Haatanna waxay rumaysan yihiin haddii la qabto doorasho dadban iyadoo la dabbaqayo heshiiskii “September 17, 2020” iyo talooyinkii ay soo jeediyeen guddigii farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo “February 16, 2021” ay suuraggal tahay inuu ku soo baxo Madaxtooyada Farmaajo.

Gollaha Amaanka ee QM waxuu awood u leeyahay inuu si toos ula hadlo waddamada hortaagan doorasho nabdoon oo ka qabsoonta Soomaaliya, balse waxaa muuqata in la doorbidayo inay Soomaaliya ka hanaqaadin dimuquraadiyad ka horimanaysa danaha dowlado iskaashaday! Isku maqanta lagu maqan yahay maxaa u dan ah!

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka.

Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

1 COMMENT

  1. Alaa maxaad guulwadayn wada , xaqiiqdana aad kaa fog tahay kolay qof kaste Somali ah wuu fahansan yahay laakiinse suaal baan kuu waydiyeey farmaajo muxuu doorosha laa wadacogol yahay uu qaban kari layahay ???

Leave a Reply

Most Popular

Tababbarka Eritrea – Ma Arrin Runteeda aan Laga Sal Gaarinbaa?

Toddobaadkii dhawaa Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo sannadkan hoorraantiisii si rasmi ah u shaaciyey in dalka Eritrea ay jiraan dufcooyin...

UAE Takes Measures to Clean its Image as Failing to Stem Money Laundering

The UAE has taken another step in addressing its abysmal record in the proliferation of dirty money through two separate Memoranda of...

Maxaa Keenay Isbeddelka Siyaasadda Imaaraadka ee Soomaaliya – Maxaase Ka Socda Muqdisho?

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carbeed oo in mudda ah heerkii ugu hooseeyay marayay ayaa u muuqda mid isbeddel aan la filayn ku...

African Leaders Must Account for $89 Billion Stolen Annually Under Their Watch

By David Himbara The UN has published a dark report on how Africa is robbed of billions of...

Recent Comments

%d bloggers like this: