Saturday, April 10, 2021
Home Siyaasadda Soomaaliya Ma Ka Bixi Kartaa In Loo Celiyo Meertadii Dibuheshiisiinta?

Soomaaliya Ma Ka Bixi Kartaa In Loo Celiyo Meertadii Dibuheshiisiinta?

Shir Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Hoose ee Maraykanka uu yeeshay March 2, 2021 oo looga doodayey doorashooyinka Afrika ayaa lagu akiday heshiiskii September 17, 2020 ee doorashooyinka dadban.

Inkastoo mowqifka Mareykanka uu yahay in Soomaali tashato, haddana waxaa soo kordhay sawaxan aan la sahlan karin oo leh Soomaaliya waa in loo helo dhexdhexaadin ka baxsan, taasoo ka dhigan in “Soomaaliya dib loogu celiyo meertadii dib u heshiisiinta.” Fikradda ma cusuba, waxaana daba socda dalal dan gaar ah ka leh.

Muranka doorashooyinka iyo ku dhawaaqay Midowga Musharrixiinta Madaxtooyada “Gole Badbaadin,” ayaa curyaamiyey hawlihii dowladda, sumcad dilnaa ku riday qaranka. Xaaladda waxay sii murugtay kaddib markii bahda mucaaradka (musharrixiinta madaxtooyada iyo madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland) ay diideen ku lug lahaanshaha madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo geeddi-socoka doorashooyinka.

Doodda mucaaradku waxay leedahay mudnaanteeda siyaasadeed si looga gudbo siyaasadda cakiran, balse kuma fadhido sal sharci ee adag. Weliba muddo kordhin farsamo ee madaxweyne xilhaya loo fidiyo ma aha shay ugub ku ah Farmaajo oo waxaa August 2016 la siiyey Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Isku dayga in loo magacaabo dhexdhexaadiye muranka siyaasadda waxuu dalka soo maray xilligii Ra’iisulwasaare Cabdiweli Sheikh Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu khilaafka ka dhexdhacay. Ergayga QM Michael Keating ka sokow, waxaa gulufkaas horseed u ahaa dalka Kenya, iyo Ingiriiska (UK) oo kaashanayey Midowga Yurub, Imaaraadka iwm.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaare oo qaaday talaabo taariikhi ah ayaa ku adkeystay in dalku leeyahay hay’addo dastuuri ah oo xallin kara mashaakilkaas, taas oo ummadda ka badbaadisay khatar lama filaan ah.

Sida muuqata dadaalladii beesha caalamka ee qabashada doorashooyinka waqti macquul ah ayaa lixdii bilood ee tegtay natiijo dhali la’. Khilaafka taagan hadda oo raagay iyo xiisada isu rogtay qalalaasaha ee mucaaradka qiil ka dhiganayaan ayaan haddii aan loo helin xal halis gelin doona tobanaan sanadood oo horumar joogta ah ee dalku gaari karo haba yaraatee.

Haddaba su’aashu waxay tahay sidee looga gudbi karaa siyaasadda cakiran iyadoo dalka cadow loo oogin?

Had iyo jeer is-afgarad siyaasadeed oo dhexmara siyaasiyiinta Soomaalida ayaa u ah muhiim badbaado qaran. Taas waxaa marqaati u ah tallaabada dabduugga Muqdisho iyo isafgaradka Baydhabo inay muujiyeen in dalku xallin karo mashaakilkiisa haddii faraggelinta shisheeye maaro loo helo. 

Sida shiirarkii uu Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble la qaatay musharrixiinta ka muuqatay waxaa siyaasadda cakiran looga gudbi karaa in la helo tala soo jedin loo dhan yahay. Haddaba, Madaxweyne Farmaajo waa inuu kalsooni u muujiyaa Ra’iisulwasaare Rooble islamarkaasna oggolyahay tanaasulka waqtigan loo baahan yahay si loo soo afjaro middi-middi ku taaga.

Si kastaba ha ahaate, waxaa musharrixiinta loo oggolaan karaa in shirka Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ay goobjoog (Observers) ka noqdaan, wakiillo matilana iska soo doortaan. Laguma qancin karo diidmo qayaxan keliya, inta ay ugu jeedaan in madaxweyne Farmaajo uu ka itimaal badan yahay, walow aysan hore u dhicin madaxweyne laba jeer ku guulesyta madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa u muuqda tijaabadii ugu horeysay ee weyn in Midowga Yurub iyo Ingiriiskaba (UK) ku daydaan Mareykanka culeysna saaraan kuwa ka cagajiidaya hirgelinta heshiiskii September 17, 2020 amaseba la beegsadaan shaqsiyaadka carqalad ku ah geedi socodka tallaabooyin ciqaabeed, si loo beddelo dabeecadda qaswadayaasha.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Waraysi JAMHURIYADDA ay la yeelatay Takhtar Nazim Masinghi, M.D.

Jamhuriyadda - Waxaan ognahay in tallaalka  AstraZeneca ee Jaamacadda Oxford, inkastoy Guddiga Dawooyinka ee Midowga Yurub ay ku taliyeen sida Ururka Caafimaadka...

Real – World Efficacy Rates for Every COVID-19 Vaccine, Based On Age and Symptoms

By Sissi Cao Moderna, Johnson & Johnson and Pfizer (with the help of Germany’s BioNTech) developed three highly...

Siyaasadda Madasha Badbaado Qaran: Ma Cayaar Jogta Ahba Mise Waa Awood Isbeddel Curin Karta?

Xilli siyaasadda dalka ay cakiran tahay ayaa shirkii koowaad ee Madasha Badbaado Qaran (MBQ) oo ay ku bahoobeen Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, Golaha...

Farriinta Maraykanka Maxay Saamayn Ku Yeelan Karta Xasilinta Soomaaliya?

Maamulka Madaxweyne Joe Biden oo dib u hagaajinaya siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka, ayaa u muuqda inuu Afrika ula dhaqmi doono si ka duwan...

Recent Comments

%d bloggers like this: