Thursday, November 30, 2023
Home Ciyaaraha iyo Dhaqanka Halyey Ku Dayasho Mudan – Cabdi Askari, Aabbaha Silsiladaha Heesaha

Halyey Ku Dayasho Mudan – Cabdi Askari, Aabbaha Silsiladaha Heesaha

Waxaa shabakada Internetka laga heli karaa bogag (ama baro) oo dadka soo bandhiga ay iyaga iskooda isu xilqaameen inay kaydiyaan dadweynahana u baahiyaan suugaan, heeso iyo miyuusig, iwm. kana ilaaliya inay lumaan. Waxaa sidan ku badbaaday kayd qaran oo aan lahayn hay’ado guud ama gaar oo ka masuul ah uruurintooda, kaydintooda iyo u bandhigiddooda dadweynaha. Barahan  abaalka ay dadka u galeen waa kuwa mudan abaalmarin iyo mahadnaq.

Haseyeeshee, maanta waxaan akhristayaasha wargaysa Jamhuuriyadda usoo bandhigaynaa barta Cabdi Askari (ABDIASKARITUBE, ama AA Productions) oo aan doorbidnay inaan ka faalloonno. Sababtuna waa in Cabdi Askari channel-kiisa, oo adeegsada YouTube-ka, uu ka duwan yahay kuwa kale waana mid ay ku idlaadeen sifooyin wanaagsan oo dhinacya fara badan leh, saamayntiisuna ay u egtahay mid mustaqbalka sii kordhi doonto.

Shayga ugu muhiimsan oo uu Cabdi Askari  ammaan ku mutaysto waa inuu billaabay waxa uu u baxshay Silsiladaha Heesaha. Ma aha keliya in silsiladahani ay yihiin heeso  taxane ah oo cutubya kala duwan ah, balse waa kuwa u qalma magaca silsilad. Runtii waa wax ugub ah oo aan horey loo arag. Suugaanta Soomaalida weligeedba way lahaan jirtay Silsilado oo inta aan ognahay ay Gubaa ugu horrayso oo billaabatay qarniga 19aad socotayna mudda aad u dheer.

Silsiladaha heesaha oo uu Cabdi noo soo bandhigay waa silsilado maansadeed oo gaaban oo uu nagusoo gaarsiiyo iyagoo lagu heesayo oo qoraalkana uu weheliyo. Tusaale ahaan Silsiladda  Waxaan Guulle Kuu Qorin Orod Laguma Gaaree, Ha u Culannin Gaawaha – oo lagu soo gaabiyo beyta hore – waxaa ka qayb qaatay  kow iyo toban (11)  maansayahan, 22 hobol heesaa ah,  waxayna ka kooban tahay  23 qaybood, waxayna socotay muddo ku dhow sanaad. Dadka tooska ugu ku xiran bogga, sida la sheegay, waxay sare u dhaafeen 15 milyan.

Mawduucyada Silsiladahani waa kuwa la xiriira masiirka ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo hiddihiisa. Doodaha ay furaanna waa kuwa ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed oo  idil dhaan kastoo ay deggan yihiimba sida ka muuqata shaxda silsiladaha ee hoose. Abwaannada silsiladahan ma aha kuwa gobol ama aag gaar ah ka tirsan, balse waa kuwa ka yimid degaannada Soomaalida oo idil. Sidaasoo kale hobollada heesaha soo bandhiga waa kuwa u badan hobollo da’yar misna ka kala yimid aagagga Soomaalida ay degto.

Silsiladaha taniyo haatan uu baahiyay Cabdi Askari waa:

1.  Waxaan Guulle kuu Qorin Orod laguma Gaaro, oo billaabatay laba sano ka hor. Sisildan waxaa askuntay  maansa ka mid aha maansooyin calaacal ah uu tiriyay abwaan Cabdiqani Sujuu ee Hargaysa, lana xiriira dhacda dhab ah.

2.  Geelaydu Shan Buu Ahaa, oo soo baxday sannad ka hor, mawduuca silsilada waa mid laga garan karo cinwaanka.

3.  Hablayahow Xishoodkii Halkeebaad ku Xoorteen?

 Cinwaankan dandaansiga leh isna wuxuu caddaynaaya waxa ay dooddu ku saabsanayd. Waa dood aad u kulul.

4. Danguud waa lama huraan, oo haatan weli socota oo dhaaftayna qaybteedi 10aad. Waxay billabatay Sebtembar 2020, dooddeeduna waxay la xiriirtaa midnimada labada gobol oo horey mid u ahaan jiray balse kala durkay (Koonfur iyo Waqooyi). Waxaa askuntay maansa uu tiriyay Abwaanka Jigjiga ee Cabdullaahi Dayib, Cabdullaahi Xawayaan.                                          

Abwaannada ka qeyb qaatay silsiladahan waxay kala joogaan Hargeisa, Xamar, Bosaaso, Burco, Jigjiga, Gaarisa, Ceerigabo, Laascaanood, Lasqoray, iwm. Hobollada  silsiladahan codkoodu nagusoo gaarsiiyay waxay u badan yihiin jiilalkii dambeeyay inkastoo aysan ka maqnayn qaar gaamuray.  Waxaana ka mid ah: Cabdiqani Sujuu, Cabdullaahi Xawayaan, Musgale Xirsi, iwm.

Laxanka heesaha badanaabaa Siciid Nuur Guure? (Jinni i Shumi) ayaa ku fara yareesta.

Cabdi Askari oo soosaaraha ah wuxxu ku leeyahay, qayb waliba, arar gaaban oo uu dhawr daqiiqado kusoo koobo, balse xambaarsan faafaahin lagama maarmaan ah. Muqaallada silsiladaha iyo dhammaan waxsoo saarka AA Production tayadooda waa heer sare maqal iyo muuqaalba  waxaana muuqaal waliba ku kor daabacan erayada maansada. Waa dhif in laga helo baraha muqaallo leh tayo iyo special effects sida kuwa AA production.

Runtii waxaan rabnay inaan Cabdi Askari waraysi la yeelanno waxaanna diyaarinnaay su’alla dhawr ah oo la xiriira taariikh nololeedkiisa, ujeeddada suugaantiisa, iyo sida uu ugu soo dhacday fekredda mashruuca Silisiladaha, iwm, nasiibdarro kama aannaan helin jawaab,  mana sugna inuu helay.

Ugu dambayntii waxaan si kooban isugu dayaynaa inaan falanqayno fekredda, ujeeddada, iyo murtida uu xambaarsan yahay  bandhiggiisa.

Siyaasiyiinta waxay ku guulaysteen inay dadweynaha kala fogeeyaan una kala qaybiyeen qaar iyaga la safan iyo qaar kasoo horjeeda. Waa kuwa abuura kala irdhaysanaan oo dhiirriggeliya Fadhikudirirka  iyo qoraallada asluubta iyo anshaxa doodda suubban ka durkay ee baraha isgaarsiinta bulshada ku baahsan.

Dhanka kale, doodda Silsiladaha cabdi Askari waa mid xadaysan si kastoo fekradaha la isweydaarsanayo ay u kala fog yihiin ama ay isaga soo horjeedaan. Ciqaabta ugu weyn oo laysku qaadana  waxaadba moodda inay tahay: Geeraarka Kaa Xiran! Waa arrin murtida ku jirta ay tahay: in si deggan loo doodi karo iyadooon lays jaa’ifayn, ujeeddada dooddana ay tahay isqancin. 

Teeda kale Cabdi Askari uma uusann dayn in aad maansada mireheeda ay maqashid codka hobollada keliya balse hortaada ayaad uga jeeddaa iyadoo higgaad sax ah ku qoran oo weliba la fartu si fiican u muuqato; taasoo aad mooddo inay xambaarsan tahay farriinta ah: Arrinku hees macaansi qura ma ahee waa murtida iyo doodda maansadana dhuux! 

Burburkii, ka dambeeyay dagaalkii sokeeye, wuxuu isa seejiyay abwaannadii waayaragga ahaa iyo hobollada horleh, waxay dantu ku kalliftay hobollada horleh inay naf ka doonaan heesihii hore, marar badan idin la’aan ergadaan, ama hal-abuurm aan gaarsiisnayn kan abwaannada hal-abuurka heerka qaran ah. Cabdi Askari wuxuu horseed ku yahay inuu heesaha uu soo bandhigo lagu jaangooyay kuwii sebenkii dahabka ahaa (Berisamaadkii).

Cabdi Askari waxsoosaarkiisa silsiladaha keliya kuma koobna waxa;  wuxuu leeyahay kayd ballaaran oo heeso waddani ah, iyo xitaa  warar iyo dhacdooyin xul ah. Kuwaasoo uu akhristaha ka arki karo markuu uu galo boggiisa ee Internetka. [https://www.youtube.com/watch?v=JyNR_fL7hCg ]

Axmed Qaasim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments