Wednesday, September 22, 2021
Home Dacwada Badda Heshiiskii “MOU”-ga Miyaa Soomaaliya Badbaadiyay Mise Isagaa Dhigay Meesha Xilka Leh?

Heshiiskii “MOU”-ga Miyaa Soomaaliya Badbaadiyay Mise Isagaa Dhigay Meesha Xilka Leh?

Dhageysigii doodda afka ee dacwada Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka furantay Maxkamadda ICJ Isniintii March 15, 2021. Afar wakiil oo dhinac kasta ka socoda ayaa loo oggolaaday inay si shaqsi ah uga qaybgalaan dacwada, halka inta kale ay kaga qaybgaleen qaabka muuqaalka fog (video link). 

Inta uusan dhagaysiga billaaban ayaa Kenya oo qaaddacday dacwada u sii gudbisay maxkamadda 175 bog oo mowqifkooda ah. Walow, Maxkamadda ICJ iyo wakiillada Soomaaliyaba ay oggolaadeen dokumeentiga lagu kediyey daqiiqadihii ugu dambeeyey, haddana xeeladdaas waxay Kenya ula jeedday inay qaraar ka gaarista dacwada dib u dhacdo, si qeeladhaanta ay u dirsatay dunida, gaar ahaan Ankara iyo Dooxa waqti u helaan. 

Nairobi waxaa dhaqan u ah inay ku gacansyrto xukunka caalamiga sida ay kula dhaqantay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (International Criminal Court – ICC) oo ku soo oogtay Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha (DW News 19/09/2016).

Si ay u difaacdo mowqifkeeda ka bixitaanka dacwada salka ku haysa jihaynta soohdinta, Kenya waxay si yaqyaqsi leh farta ugu godday garsoore Abdiqaawi Axmed Yuusuf oo tan iyo September 2019 seddax jeer dib ugu dhigay dhageysiga kiiska, taasoo keentay in dacwada ay 18 bilood dib u dhacdo.

Soohdimaha badda ayaa ka kooban qaybo kala duwan oo inta badan ka dhigi kara muranka xujo, balse kiiska Soomaaliya iyo Kenya uma muuqdo mid sidaas u murugsan. Waxaase la yaab leh waxa Nairobi ay u marin-habaabineyso dadweynaheeda iyadoo maxkamaddu u oggolaatay in garoore Gilbert Guillaume uu u noqdo wakiil (ad hoc judges)!

Garyaqaan Philippe Sands oo daafacaya madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay in sharciyada qaarkood ee Kenya iyo dhawr khariidado oo ay adeegsato la socdaan naqshadda xadka dhulka si aan muran lahayn. 

Kenya waxay kaloo ku doodaysaa in Soomaaliya aysan wadahadallo kala yeelan soohdin badeedka labada dal wadaagaan intii u dhexeysay 1979 iyo 2014. Harkaas oo u dhacaya in sheegashadaas aysan Soomaaliya ka ashtakoon.

Garyaqaan Alain Pellet oo ganafka ku dhuftay dooddeeda sharciyeed ayaa yiri, “muranka xadka ma aha qoob ka ciyaar qof keligii u ciyaaro sida – Twist amase Hip hop.” Intaas waxuu raaciyey in Kenya ay iskeed u xariiqatay xuduud aysan cidna kula gorgortamin. Soomaaliya tan iyo 80-yadii ma lahayn dowlad shaqaynaysay oo awood u lahayd inay ilaaliso xuduuddeeda.

Difaaca Soomaaliya oo soo bandhigay isburinta doodda Kenya oo  ku andacoonaysa in “aamusnaanta Soomaaliya ay ku yeelatay dhulbadeed,” ayaa soo xigatay dhowr jeer heshiiskii is-afgaradka MOU ee Abril 2009,  iyagoo leh Kenya, waxay dooddii horudhaca ahayd ee February 2017 laga xukumay ku sheegtay “in labada dal ay horey ugu heshiiyeen, in khilaafka xuduudda badda ay ku xallin doonaan wadahadal, ka dib marka guddiga UNCLCS uu dhammaystiro dib u eegista dalabka qolfoota badweynta.”  

Halkaas waxaa ka dhashay dood hor leh oo baraha bulshada iyo fadhi ku dirirka kusoo kordhisay muran lagu kala qaybsan yahay. Kooxda hore, ayaa rumeysan in heshiiskii “MOU”-ga uu dalka badbaadiyay kol haddii garyaqaannada difaacayey Soomaaliya ay miciin ka dhigteen si ay u buriyaan doodda Kenya.

Fikraddaas waxaa ka soo horjeystay mid kale oo leh meesha xilka leh waxaa Soomaaliya dhigay “MOU”-ga Kenya lala galay iyadoo si taxadar leh looga fiirsan. Shariif Sheikh Axmed, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdiraxmaan Cadishakuur Warsame waxay oggolaadeen inay saxiixaan Heshiis Isafgarad (MOU) oo ay diideen Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Cali Maxamed Geedi iyo Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa maadaama aysan jirin soohdin badeed ay labada dal ku muransan yihiin. Ujeedda khiyaada Kenya ayaa ahayd inay dunida u muujiso inuu muran jiro.

Si kastaba ha ahaate, dayacaad kama marneen, walow Soomaaliya oo dib uga dhacda u gudbinta dalabka qolfoofta badda guddiga “CLCS” inta ka horeysa May 13, 2009 uu dalku ku muteysan lahaa inuu lumiyo xuquuqda raso qaaradeedka.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Waa Maxay Ujeeddada Ka Dambeysa Duullaanka Lagu Beegsanayo Jiritaanka Sirdoonka Qaranka?

Tafiftiraha Jamhuriyadda Fahad Yaasiin iyo Hay’adda Nabadsugida NISA ayaa wajahaya duulaamo siyaasadeed iyo mid sirdoon oo uga imanaya...

In Escalation over Submarine Deal, France Recalls Envoys from U.S. and Australia

By John Irish and Colin Packham, David Brunnstrom, & Humeyra Pamuk PARIS/CANBERRA/WASHINGTON, Sept 17 (Reuters) - France plunged into an unprecedented diplomatic crisis with the...

Muuse Suudi iyo Dottor Dufle oo Doorasho Hufan ku Harqiyey Rajadii Daaci iyo Tarzan

Tafiftiraha Jamhuriyadda Badanaa ciyaaraha kubadda cagta ayaa ka dhaliya bulshada dhexdheeda muran kulul oo socda bilooyin. Marka laga...

Maxaa Ka Dhalan Kara Dastuur Qabya ah, Damac Siyaasiin iyo Dano Shisheeye oo Isku Milmay?

Tafiftiraha Jamhuriyadda Khilaaf xooggan ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha soo dhexgalay oo la xiriira Ikraan Tahliil Faarax oo la la’aa tan...

Recent Comments

%d bloggers like this: