Sunday, January 29, 2023
Home Dacwada Badda & Shidaalka Nairobi Xoog Xamarna Xisaab: Guuldarrada Isballaarinta Kenya

Nairobi Xoog Xamarna Xisaab: Guuldarrada Isballaarinta Kenya

Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay garnaqsigeedii doodda afka dacwada Badweynta Hindiya ee kala dhexeysa Kenya. Qaaddacaadda Kenya ee dacwada waxaa ku guuldarraystay qorshihii isballaarinta Uhuru Kenyatta.

Maxkamadda ICJ waxay weli awood u leedahay inay xukun ka soo saarto jahaynta soohdinta badda ee labada dal. Kenya waxay caddaysay in ka qaybgelid la’aanta dacwada ay la xirirta diidmadeeda mabda’a “equidistance” ee ay Maxkamadda wax ku xukunto. 

Soomaaliya oo aan magdhow weydisaneyn Kenya ayaa garsoorayaasha ugu baaqday seddax qodob in loo xukumo: (1) In loo sugo, si aan muran lahayn, soohdinta badda ee ay la wadaagto Kenya; (2) In la aqoonsado ku xadgudubka Kenya xuquuqda Soomaaliya; iyo (3) In Kenya lagu amro inay joojiso dhammaan hawlaha ay ka waddo dhulbadeedka Soomaaliya.

Nairobi waxay si sharci darro ah u iibisay xuquuqda sahminta toddoba xirmood oo ku yaal aagga biyaha Soomaaliya iyadoo dakhli kaga uruursatay shan shirkadood oo baaraya shidaal mid ka mid ahna ay qodday ceel. Sidaas oo ay tahay, Kenya waxay weliba ku andacooneysaa in lagu khiyaamay horkeenista maxkamadda ICJ!

Soomaaliya oo August 28kii, 2014 horgeysay Maxkamada ICJ dacwada ayaa ku doodday in soohdinta Kenya ee xagal-jiifto aysan waafaqsanayn xeerarka badaha caalamiga. Garyaqaan Lawrence H. Martin oo ka mid ah difaaca Soomaaliya ayaa yiri, “[sheegashada Kenya] lama oggolaan karo in lagu beddelo xaq sharci ah.”  

Soohdinta badda Soomaaliya waxay ku salaysan tahay qaabka “equidistance” khadkeeduna waxuu la socoda teeda dulka. Ma jiraan caqabado juquraafi ah amase kala xadayn calami ah oo ku horgudban in soohdinta dhulka ay sii socoto. Soohdinaha badda ayaa lagu suntaa qaabka barta dhexe“equidistance.”

Shirweynihii 1973kii ee “United Nations Convention on the Law of the Sea” ayaa Kenya iyo toddobo dal oo kale diideen inay u hoggaansamaan qaanuunka soohdin ku suntida qaabka “equidistance,” iyagoo u xaglinaya mabda’a sinnaanta “equitable principles.”

Soomaaliya waxay ka codsatay Maxkamadda ICJ inay adeegsato qaabka loo yaqaan “habka saddexda heer” marka ay go’aan ka gaareyso dacwada, kaas oo ah halbeegga lagu xalliyo khilaafaadka soohdimaha badda. Kenya waxay si qoto dheer uga dheregsan tahay saamaynta waxyeellada leh ee xukunka Maxkamadda ICJ.

Su’aasha taagan ayaa ah, Kenya dib ma u liqi doontaa qorshaheeda isballaarinta mise waxay noqon doontaa dalka ugu horreya oo jebiya sharciyada caalamka iyadoo xubin ka ah Golaha Amniga oo u xilsaaran fulinta go’aanka Maxkamadda ICJ?

Haddii labada dhicaba uu jiro rabitaan daacad ah xalka dhibaatada wuu sahlan yahay. Wasiirrada Arrimaha Dibedda Kenya ayaa tiri, “waddada keliya ee looga bixi karo waa wadahadallo laba geesood ah ee dhexmara labada dal.” (Anadolu Agency 19/03/2021).

Warku ma xuma, walow ay daba dhigtay shuruud ah in la soo celiyo xidhiidhka diblomaasiga ka hor inta aysan Soomaaliya ku mashquulin madal kasta oo dunida ka jirta. Halkaas waxaa ka muuqada in Nairobi ay degdegayso fahmina in xalku ku jiro inay faragelinta joojiso.

Waxaa loo baahan yahay in kulan kasta ku dhaco jawi sax ah, ileen horey waxaa loo arakay in wadahadallo toos ah oo ay Nairobi daacad ka ahayn waxba aysan u dhaleen labada dhinac.

Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay in Kenya ay kolka hore faraha kala baxdo siyaasadda gudaha Soomaaliya inta aan loo gudbin dib u dhis xiriir diblomaasiyadeed.

Talada wadahadallada qudheeda kama badna in Kenya ay naf ka dayayso in doorashada 2021 ay keento isbeddel xukuumadeed; waa uun: Mindida geedka hoostiisa taal igu gawrac!

Dareenka Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa ah in Kenya ay hungoobi doonto, saa hoggaan (muxaafid iyo mucaaradba) ku dhiirran karaaya  inuu badda Dalka ugu yabooho deris nacab ah ma muuqdo mana dhalan doono.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Laas Caanood Ma Go’aamin Doontaa Masiirka Ummadda Soomaaliyeed oo Idil?

Jamhuriyadda Toban iyo shanti sano (2007) oo ay Somaliland maamulaysay waxaa ka dhacayay Laas Caanood dilal lagu beegsanayay...

Laas Caanood: Kacdoonka Buluugga Fariin Caynkee ah ayuu Sidaa?

Jamhuriyadda Odoroska waa saadaalin ama malayn waxa dhici kara mustaqbalka, iyadoo sal looga dhigayo xisaabin cilmiyeed, ama isu geynta xaaladaha...

Xaaladda Koonfur Galbeed – Shirka Dibuheshiisiinta Siyaasiyiinta Gobolka

Jamhuriyadda Xaaladda kacsan ee Koonfur Galbeed (KG) ma aha mid haddeer billaabtay.  Runtii waxay billaaabatay bishii Diseembar 2018,...

No More – Diblomaasiyadda Midowga Yurub ee Xasarado Abuurka ah 

Jamhuriyadda Warbixin hoosaad Midowga Yurub uu ku baadiggoobayay xiriirka Afrika oo ay ka qaybgaleen diblomaasiyiinta waddamada Yurub u...

Recent Comments