Wednesday, June 7, 2023
Home Diblomaasiyadda Kenya oo u Dhabarjeedisay Mucaaradka Soomaaliya!

Kenya oo u Dhabarjeedisay Mucaaradka Soomaaliya!

Hotelka “Xanadu Collection” ee ku dhexyaalla xeendaabka Xalane ayaa looga dhawaaqay isbahaysi loogu wanqalay Madasha Badbaado Qaran. Madashan ayaa kulmisay kooxaha Farmaajo diidka ah, waxayna guddoomiye u doorteen Mudane Cabdi Xaashi Cabdillahi.

Madasha ayaa qoraal ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxay u direen Wakiillada Beesha Caalamka, waxaana nuxurka eed jeedintooda lagu soo koobi karaa:

        Sharciyadda madaxweynaha: Waxay ku doodayaan in xilhaynta madaxweynaha ee afarta sanadood ee dastuurka lagu qeexay uu dhamaaday February 8, 2021. Sidaas darteed, Farmaajo uusan lahayn sharciyad uu shir iskugu yeero madaxda maamul goboleedyada, iyo gobolka Banaadir. 

        Deggenaasho la’aan: Waxay Madaxweyne Farmaajo ku eedeeynayaan inuu dalka ka abuurayo amni-darro, isagoo adeegsanaya Ciidamada Xoogga Dalka, waxayna dusha ka saareen shaqaaqadii ka dhacaday Xamar, 19kii February, iyo weliba in hub iyo ciidan u daabulayo Gobolka Gedo.

Saciid Cabdullahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaan Madoobe ayaa diiday inay qayb ka noqdaan gogosha fidsan Xarunta Ciidanka Cirka ee Afisyoone, taasoo uu fidiyey Farmaajo. Danjire James Swam, ayaa akiday isagoo fulinaya mid ka mid ah sharuudihii ay ka midaysnaayeen Deni iyo Madoobe, si loo qabto kulan lagu turxaan bixinayo heshiiskii “Septembar 17, 2020”.

Xeeldheereyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa rumaysan in fikradda abuuritaanka Madasha Badbaado Qaran ay ka danbeeyeen xubno sirdoonka Imaaraadka iyo Kenya ka tirsan. Ujeeddadu waxay ahayd midaynta cududda Farmaajo-diidka ah, fashilinta heshiiskii “Septembar 17,” iyo ku ballanfurka isfahmkii “February 16. 2021,” kuwaas oo si lama filaan ah u noqday qodobbo fursad siinaya Farmaajo.

Hoggaanka Madasha, gaar ahaan saxiixayaashii heshiiskii “Septembar 17” ee kala ah Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa wajahaya culayska shacbiga iyo cadaadin caalami ah, si loo soo afjaro muranka doorashooyinka dadban.

Bayaan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in xagal daacinta howlaha doorashooyinka ay ka dhalan karaan cawaaqib, “kuwa wiiqaya wadaxaajoodka ama door-bida adeegsiga qalalaaso waxaa laga qaadi doonaa tallaabo, waxayna wajihi doonaan cawaaqib ku aaddan ficilladooda.”  Danjire Yamamoto waxuu ku taliyay in madaxda maamul goboleedyadda ka tagi karin Muqdisho ilaa la soo afjaro ismariwaaga doorashooyinka. 

Dhanka kale, ilo diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in Kenya lagu amray inay joojiso faraggelinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waana tan keentay in Baxsadka Cabdirashiid Janan iyo ciidamada ka amarqaata ee ku sugan gudaha Kenya u soo tallaabo dhanka Soomaaliya, si loo kala diro jabhaddii uu abaabulay taliska Nairobi. Taasi waxay dhabarjab ku noqonaysa maamulka Axmed Madoobe, iyo weliba isbahaysiga Madasha Badbaado Qaran.

Waxaa xusid mudan in kala dirista maleeshiyada ka amarqaata Cabdirashiid Janan iyo baabbi’inta fariisinkii ay ku lahaayeen Mandheera – Kenya ay ahayd mid ka mid ah shuruudihii ay dalbatay dowladda Soomaaliya si loo caadiyeeyo xiriirka labada dal.

Waxaan shaki ku jirin in cadaadiska caalamiga iyo dhabarjeedinta Kenya ay kula dhaqmayso Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay ku qasbeyso inay iska xaadiriyaan teendhadda Afisyoone, iyagoo aan lahayn ilko ay wax ku goostaan!

Waxay u muuqataa in Maamulka Madaxweyne Joe Biden uu doonayo inuu waddamada Geeska Afrika ula macaamilo si ka duwan tabtii uu u la dhaqmayey Madxweyne Trump oo Aqallka Cad faarujiyey bilowgii sannadka.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments