Silsiladdan waxay billaabatay Septembar 2020 oo ay nasoo gaartay qaybteedi kowaad (Q1). Silsiladdu waxay la magacbaxday Danguud Waa Lama Huraan, waana silsalad Da’ ley ah. Waxay ka billaabatay maansa uu curiyay abwaanka reer Jigjiga Cabdullaahi Dayib Axmed oo loo yaqaan Cabdullaahi Xawayaan.
Akhristaha waxaan kula talinayaa inuu daawado muuqaalka (Video) Horudhac lagu xayaysiiyay silsiladdan oo AA Production soo saartay 12 Sebtembar 2020 oo uu Cabdi Askari si wanaagsan usoo koobayo silsiladda iyo arrimeheeda oo idil.
Qaybta 1aad ee silsiladdan waxaa codkiisa inagu soo gaarsiiyay hobolka Xamar ee Cabdifataax Yare 14 Sebtembar 2020. Waxaadna muuqaalka ku arkaysaa marka uu heesayo isagoo ku dhex-wareeganayo Golaha Murtida iyo Madadaallada oo dib loo cusboonaysiiyay.
Erayada maansada qaybtan 1aad waxaa ka mid ah:
..
Shacbigu isma diiddane,
Intaan damiirkeennu dhiman,
Dulqaad Samir lagu dariyo,
Danguud waa lama huraan.
..
Waana halka uu magaca Silsiladda ka yimid.
..
Wanaag lama daadiyee,
Waxaan doodaha u furay,
labada isu doobiyaayaa,
Inay isu soo durkaan,
..
Waxaa maansadan ka carooday oo durbadiiba ka soo jawaabay abwaanka reer Burco ee Musgale Xirsi oo sida Cabdullaahi Xawayaan badanaaba horseed u ahaa doodaha silsiladaha oo aan fekerkiisa la gabban. Musgalay wuxuu taageray gooni isutaagga Waqooyi wuxuuna maansadiisa ku laaday Jigjiga iyo Xamar. Fannaanadda Hargeysa Aragsan Cabdisalaan ayaa codkeeda macaan nagu soo gaarsiinayso erayada Musgale oo Jigjigana duraaya israacana diiddan.
..
Adoo taadi dayacay,
Dorraato wixii tagiyuo,
Halkaad ku ahayd dulsaar,
Maxaad ugu tumi durbaan?
..
Muqdisho dakhar bay qabtaa,
Diifiyo nabar baa ku yaal.
Dawana Rabbi baa u hayee,
Ka daa eray duurxuloo,
Adigu ducada ku kaab.
Sidaas ayay Xawayaan iyo Musgalay ugu legdamayaan afarta qaybood ee hore ee silsiladda oo aan cidna ugu usoo gelin iyagoo u kala dhiibtay codadka hobollada kala ah Maxamed Kaadheeri iyo Raxma Randa. Kaddib waxaa israaca usoo hiilisay magaaladii taariikhiga ah oo dekedda leh ee Hobyo iyo abwaankleedi Salaad Ciise Qaacjooge (Q5) iyo codkii hobolka Mukhtaar Shariif “Social”. Qaacjooge wuxuu yiri
: ..
Wiil yahow la diifsaday,
..
Danta aan u socoonno iyo
Midnimada kusoo durug.
Qaybtii 6aad waxaa goonigoosadka usoo baxay abwaan can ah, suugaantiisuna wacdara tahay oo dacar ku daadiyay midnimadii. Waa Faarax Maxamed Jaamac Bawkax oo reer Cerigaabo ah oo inta laba dibindaabyo la helay Qaacjooge ula dhaqmay sidii nin suugaan gaaban dawdarnimana ku sifeeyay isagoo weydiinayo ” Maxay dacwadaadu tahay?” ayuu halkiisi ka watay isagoo tixraacayo legdenkii Musgalay iyo Xawayaan. Sida muuqata Hargeysa waxay hodan ku tahay gabdhaha hobollada ah; codka waa kii Xamdi Xamdi Xikmo.
..
Deelqaaf ninkuu baanayaa
..
Anaa dacar siinayee
Bal daawada waxa qabsada.
..
Musgalay ka duubaalad dheer
Kuwey wada doodayeen
Ninkii shalay duurka galay
Dadweynaha soo ma odhn
Dorraatu halkuu ku lumay
Berray ku dambaynaysaa
..
Qaybta 7aad (Q7) waxaa lasoo galay doodda misaankiisa weyn, isagoo u hiilinayo midnimada, abwaanka Hiiraan ee Cabdi Faarax Nuur Gareen oo suugaantiisa aan laga dhergayn oo erayadiisi qiimaha lahna nagusoo gaarsiiyay codka Saciid Daa’uud Cali Masxaf (Oo magac miskiin ka ahayn). Dhegayso:
..
Dadkii Sanaga-qurux lahaa.
Dirkii Saylac oo ka daran,
Xamar bay wada doonayaan,
Darwiishtii Buuhoodle iyo
Garaaddada Sool degganaa,
Iskuduubni bay doorbideen,
Danguud Awdal baa rabtee,
Damiin yaa kaaga dhigay?
..
Balse abwaan Faysal Maxamed Kaahiin “Faysal Ugaas” oo reer Boorame ah ayaa Goni-isutaagga usoo gurmaday, durbadiibana abbaaray inuu beeniyo Faarax Nuur dadaalkiisi
Dirkay hooyo wada dhashay,
Haddaanu dareen midayn,
Hadday kala dookh noqdeen,
Ma duudka ha laysku sido,
Oo yaa midna darajo helin,
Damiir waxgartay jirin,
Ayay dooddaadu tahay?
Faysal Ugaas waxaa u jawaabay oo israaca u soo gurmaday abwaanka Bosaaso Cabdisalaan Maxamed Haybe oo u tiriyay midnimada waxay ku qotanto iyo inaan laga maarmin. Waa Q9.
..
Haddaan dabuubta iyo
Dubkiyo afka ila sinnayn,
Amase ila diin ahayn,
Duntana Soomaali noqon,
Dayraad ahaan lahayd,
Waxaanse ku dabasocdaa,
Inaan dayac kaa jiro,
Jirkaygaa kuu danqane,
Dareen waxaan kula rabo
..
Hargeysa oo ciriiry ugu jirin abwaan iyo aftahannimo ayaa waxaa usoo gurmaday goonigoosadkii abwaankeedi Cabdisamad Xuseen Warsame oo mirihiisa u dhiibay wiilkii ugu horreeyay oo silsilddan u heesa Hargeysa, Maxamed Dowlad. Waa abwaan aan carrabka xaad ku lahayn wuxuu maansayahankii Bari wejiga ka saaray in meesha Koonfuri ka degi waysayba ay tahay hoggaanka Puntland. Waa Q10.
..
Halka laga doogsan waayey,
Dab iyo baas kuba saloolay,
Anoo dembiga nagaaya,
Runta waa darajo weyne,
Deegaankaaga shidaayay.
Haddaan dulmarnoo ka gudubno labada qaybood Q11 iyo Q12 misna ku darno Q13 oo ay kala tiriyeen abwaanna aan horey u xusnay, Xawayaan, Musgale iyo Cabdi Faarax oo malahaa ah saddexda abwaan oo ugu culculus silsiladdan suugaantooduna ay miid wada tahay una gudubno abwaan ku soo biiray qaybta 14aad, Khadar Macallin Qaasim ee Diridhabe oo Burco ku dhashay. Xawayaan iyo Musgalay halkani inta kullaadeen ayayba dodda ya kala xirteen. “Doodda kaa xiran” iyo “Deelayda kaa xiran” ayay isweydaarsadeen. Khadar oo abwaan aad u bisil ah dooddii ahayd wuxuu israaca labada gobol oo kala iredhootay leeyahay aaway shantii? Aag waliba mar hore buu ka tashaday adna Hargeesaay ilduuf markale! Khadar wuxaa ereyadiisa inoogu dhiibay holbolka Jabuuti ee Akram Shiva.
..
Dardaarran sed waalid dhaha,
Duntana tii xariir ah dhaha,
Deeqna ta Ilaahay dhaha,
Danguudna shantoo israac
Iskood isu doortay dhah,
Runtana aan isdayno dhaha.
Sisiladdu weli way socotaa.
Axmed Qaasim