Thursday, April 25, 2024
Home Diblomaasiyadda Farriinta Maraykanka Maxay Saamayn Ku Yeelan Karta Xasilinta Soomaaliya?

Farriinta Maraykanka Maxay Saamayn Ku Yeelan Karta Xasilinta Soomaaliya?

Maamulka Madaxweyne Joe Biden oo dib u hagaajinaya siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka, ayaa u muuqda inuu Afrika ula dhaqmi doono si ka duwan sidii Trump. Bartamihii bishii hore ayaa wargeyska Foreign Policy sheegay in kooxda amniga ee madaxweyne Biden ay ku hawlan yihiin sidii ergay gaar ah loogu magacaabi lahaa dalalka Geeska Afrika. 

Xasilinta mashaakilka Geeska Afrika waa tijaabinta siyaasadda dibedda ee maamulka cusub. Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken oo ka turjumaya siyaasaddaas ayaa yiri, “Mareykanku waxuu aad uga walaacsan yahay jahwareerka doorashada Soomaaliya ka taagan, taasoo abuurayso hubanti la’aan siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka.”

Inkastoo ilaa hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin qofka jagada qaban doono, haddana toddobaadkii dhawaa Aqalka Cad waxuu u soo diraya Geeska Afrika Senator Chris Coons, taas oo muujinaysa muhiimadda istraatiijiyadeed ee uu gobolka leeyahay. 

Senatorka oo siday farriin ayaa la kulmay Ra’iisulwasaare Abiy Axmed kalana hadlay dhibaatooyinka bini’aadannimo iyo xadgudubyada ka dhashay colaaddii gobolka Tigray. Inkastoo aan la soo bandhigin faafaahinta farriinta, haddana baaqa kulanka isbahaysiga Eritrea, Itoobbiya iyo Soomaaliya ayaa muujinaya falcelin togan.

Fariintaas waxaa la socotay mid quseysa dalalka Geeska Afrika oo ka caawini karta maareynta khataraha amniga, xoojinaysa ku dhaqanka sharciga, dimuqraaddiyeenta dowladnimada, iyo ilaalinta xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.

Walow mowqifka Mareykanka iyo kan reer Yurub uu guud ahaan is-aaddan yihiin, haddana toddobaankaan weedhii ka soo yeedhay Danjiraha Norway Elin Bergithe Rognlie iyo wakiilka reer Yurub Nicolas Berlanga ayaa muujinaya in dalku ka degi la’yahay ajenda laba wajiila ah iyo siyaasadda gurracan ee reer Yurub, iyadoo faraggelintii Imaaraadkana ay halkeedi joogto.

Faraggelinta Soomaaliya iyadoo marmarsiinyadu ay tahay horumarinta dimuqraaddiyada ayaa dhalinaysa jahwareerka siyaasadeed ee maanta taagan. Danjirihii hore ee Midowga Yurub Alexander Rondos ayaa caan ku ahaa u adeegista maskaxdii gumeysiga taliskii TPLF, taas oo si xun u saameysay masiirka Soomaaliya.

Wasiirka  Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiya oo ka qaybgalay shirkii NATO ee Brussels iyo Danjiraha dowladda Shiinaha ayaa qayladhaan ku dhuftay, taas oo u muuqato mid gurmad u ah madaxbannaanida Soomaaliya.

Qoraal uu daabacay wargeyska “European Council on Foreign Relations” ayaa kula talinayaa Midowga Yurub inay qunyarida iskaddayso oo gacanta ku qabato arrimaha Soomaaliya kana bixiso meesha maadaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo uu xilkiisa idlaaday.

Maanta tanaasul iyo heshiis dhexmara Villa Soomaaliya iyo labada Maamul-Goboleed – Puntland iyo Jubbaland ma sahlana, waaba haddii uu yahay suuraggal. Dib markii loo qiimayo taariikhada mawqifyadooda iyo sida ay wax u dhacayeen siddeeddi billood oo lasoo dhaafay waxaa inoo soo baxaya in Deni iyo Madoobe aysan aslanba diyaar u ahayn in heshiis laga gaaro siyaasadda cakiran amase doorasho dalka ka dhacdo inta Villa Soomaaliya uu fadhiyo Farmaajo.

Shisheeyaha dabada ka riixaya madaxda labada maamul-goboleed iyo masharrixiinta madaxtooyada qaarkood ayaa raba in Soomaaliya ay gasho dhibaato u horseedda in iyaga loo baahdo, illeen “Jinni ninkii keenaa ayaa bixiyee.”

Dabcan isbeddel weyn ayaa ka socda labadan gobol oo saamayn kara dhaqanka madaxda maamul-gobolaydaas oo ah in aagga Axmed Madoobe uu kusoo uruuri rabo magaalada Kismaayo iyo in inta badan dadweynaha Puntland uu galay xaalad kacdoon Deni-diid ah, halka Saciid Denina adeegsanayo cabburin aan xad lahayn. 

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments